Axmed Gacayte, Geesi aan gabasho aqoon (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Axmed Gacayte Yuusuf , inuu ahaa Fanaan iyo Mulaxan aad loo yaqaanay ka sakow , wuxuu ahaa nin geesi ah oo aan wadnihiisu galowda aqoonin .

Waaggii ay is hayeen Dawladdii Kacaankii Maxamed Siyaad iyo shacbigu , wuxuu ka mid ahaa dadkii sidda tooska ah uga soo horjeestay dawladaas . kasoo horjeesigaasna muu qarsan jirin hasa yeeshee isagoo Hargaya jooga ayuu cadaysan jirey .

Dhacdooyinka Axmed Gacayte laggu xasuusan doono ee mucjisadda ahna waxaa ka mid ahaa :-

Sanaddii 1984 waxaa dhacay dilkii Maxamed Mooge Liibaan , sidoo kale , waxaa isna la dilay Maxamed Xaashi Lixle , muddo yar ka dibna snm waxay soo gashay buuraha golis , ka dibna Bandoo ayaa laggu soo rogay magaalooyinka waawayn.

Iyadoo xaalku meel xun marayo , Ciidamadii snm si adag uga dagaalamayaan buuraha sheekh ,ayaa maalin maalmaha ka midda Axmed gacayte laggu soo dhaweeyey Mikirifoonka Tiyaatarka Hargaysa , oo barnaamijkii Kedis loogu soo xidhay ardaydii dugsiyadda .

Amintu waa barqo , goobta waxaa ku sugan , Taliyihii Qaybta 26 aad ย , Gen Gaani , ku xigeenkiisii Cismaan Fitiig , Booliskii,Nabadsugid ,Badhasaabkii iyo madaxdii oo dhan .

Axmed Gacayte isagoo sidii laggu yaqaanay Bakoorad raas-bi raasa iyo macawis ayuu mikirifoonka halabsaday , waxaanu qaaday dadka qalbiyadooda ruxday , madaxdii goobta fadhidayna ka nixisay , heestaasi ย waa tee ?

Waxay dani keentay iyo ,

Kalgacal baa ila durkoo ,

Dad iyo duunyaba ka go’ay,

waxbaa deris ila noqdee .

Dugaagaan weheshadaa ,

Dulmeerayaa kaymahoo ,

halkaad iga daydaydiyo ,

halkaan degey kala durkee .

Ilaah baa deeq baxshee ,

dulmiga caashaqa ka daa

Doorashada caashaqa ka daa .

Intaasi markay afkiisa kasoo baxday , ee la wada yaabay , dhagaha oo dhamina xagiisa usoo jeesteen , ayuu hadana ku xigsiiyey .

Danayste anoon ahayn ,

ma daalaan abid ahaa ,

dalkiisa u heelanoo ,

xishood laggu dayriyee .

bal sheeg danbigaa wax qaba ,

dib u raac sheekada dadkoo ,

halkaad iga daydaydiyo ,

halkaan degey kala durkee .

Ilaah baa deeq baxsehe ,

dulmiga caashaqa ka daa ,

doorashada caashaqa ka daa .

Intaasna markuu yidhi , ujeedadiina la wada fahmay , ee ninkii calool jiliicsanaa dubaaxiyey , ninkii calool adkaana dibinta qaniinay ayuu ujeedadii heesta sidan usoo af-meeray .

Anoon dooda iyo deeq ,

Dagaal la iga badinahayn ,

dareenkaygaad ogtoo ,

jacayl baan la doodayaa .

Janooy ย halis daaqayoo ,

Dabkaana adaa shidaye ,

halkaad iga daydaydiyo ,

halkaan tagay kala durkee .

ilaah baa deeq baxshee ,

dulmiga caashaqa ka daa .

doorashada caashaqa ka daa .

 

Ugu danbayn , Axmed gacayte heestan ayuu sababsaday ,naftiisana ku waayay .