62 sanno ayuu filimka ku matalayay dhagoole! (WQ: Cabdifataax Nuux Jaamac)

Ninku wuxuu ka soo jeedaa dalka Maraykanka , gaar ahaana caasimada Waterbury ee gobolka Connecticut ,daโ€™diisuna waa 84 jir .

84 jirkan aad sawirka ka arkaysaan ayaa 62 sanadood ay gabadhiisu u haysatay inuu dhago laayahay, wuxuuna ku guulaystay inuu 62 sanno aanay dareemin haweenaydiisu.

84 jirkan cajiibkaa ayay xaaskiisa isku dhaleen 6 caruura iyo 13 caruura oo ay caruurtiisu sii dhaleen oo uu awoow u yahay.

Caruurtiisa iyo caruurta uu awoowga u yahayba waxay u haysteen inuu aabahood dhago laayahay.

Haweenaydiisa oo hadda 80 jir ah ayaa dalbatay furiin & magdhaw adduun , maadaama oo uu xaajigeedu 62 sannadood ka aamusnaa, sidoo kalena ay wakhti ku dhaw 2 sanno ku mashquulisay barashada afka dhagoolka.

Haddaba odaygan 84 jirka ayaa Youtube-ka ka soo muuqday isagoo meel lagu caweeyo oo baar ah isku laba rogaya, heesahana la qaadaya oo aanay kaba qasnayn, iyaba waa cibaaro adduune.

84 Jirkan, ninka u hadlaya ee garyaqaanka u ah ayaa yidhi โ€˜โ€™ Xaajigani muu khiyaamayn gabadhiisa , wuxuunbuu sameeyay qaabkii ugu wanaagsanaa ee uu reerkiisu ku badbaadayay, waayo gabadhu waxay ahayd mid qaylo baddan, haddaanu siddan samayn lahayna 62 sanno ka hor ayay is furi lahaayeen โ€˜โ€™.

Islaanta oo cadhaysan ayaa dalbatay magdhaw adduun , maadaama oo ay 62 sanno la soo tacaalaysay werwer & walbahaar ay ka qabtay dhago laโ€™aanta odaygeeda.

Sheekadan ayaa noqotay mid warbaahinta Maraykan aad u hadal hayeen, sidoo kalena dagaalkii ย ka dhaxeeyay ragga & haweenka cirka ku sii shareertay.

Waar cajab iyo lama aragtan eega , gabadhaasi hadday Soomaliyad ahaan lahayd saliid kulul ama biyo kulul ayay shubi lahayd .