Dhulgoosigu wuxuu ahaa dabeecad ka jirtay qaaradda Yurub waayadii Dhexe (medieval period),waxay ahayd Boqorka,maalqabenka ama mayorka ayaa lahaa dhulka dhamaan dadka kalena waxay u ahaayeen shaqaale beeraha u qoda, ama waabu kirayn jiray oo waxa ay dadka danyarta ahi beertaan ayuu sadex meelood meel qaattaa,sababtu waxa weeyaan boqorka ayaa ciidanka iyo howlihiisa ku dabaraya maadama boqorku masuul ka yahay arrimaha difaaca iyo Gashandhigga.
Inta badan dhulgoosadku wuxuu ahaa qaab dhismeedka Bulshada,ama ilbaxnimada markaas jirtay hase ahaatee wuxuu sababay inay soo baxaan niman dhulkii yeeshay oo (Landlord) la yidhaa,waxana amaysmay dabaqado isku dul noolaansho ah,markii danbe waxay isu bedeshay Hantigoosi (Capitalism) waana meelaha ay ka abuurmeen kacdoonada shacabku ama isbeddel doonku (karl max ) oo ka mid ahaa dadkii soo saaray Mabda a Hantiwadaagga ayaa wuxu ku sharxay dhulgoosigu inay tahay arrin abuuraysa Isku dul nolansho iyo dhiigmiirad (explotation).
Haddaba Hargeisa iyo magaloyin kale ee S/land, maanta ayuu ka jiraa dhulgoosadku, Waxanu la baxay magac kale oo la yidhaa Dhul-boob haddii aad u fiirsato hargeisa,Waxad arki kartaa niman (Landlord) ah oo dhulkii qabsaday,dadkii u dhowaa ama ehelka u ahaana ka dhigay canaasiir u difaacda dhulka,waxa laga yaabaa kan difaaca ku soo raacayaa inanu haysan hoy uu galo ama uu kiro ku jiroba,waana kii xaqa u lahaa in dhulkan wax laga siiyo, dulmi badan ayaa ka abuurmay waxayna bulshada dhexdeeda ku keentay dhibaato iyo muran,waxana jirta in xattaa laba walaalo ah ama ilmader ahi isku dilaan.
Qofku wuxuu ku xisaabtanayaa inuu fadhiga ku qaatto lacag badan oo kumankun Dollar ah,oo aanu u soo dhididin meelna u soo marin,dabcan kii garabkiisa joogayna isaguna intaas in leeg ayuu rabaa oo halkii ay ka ahayd dhulka in la dego waxay isu bedeshay Ganacsi,dad badan ayaa arrimahan ku lug yeeshay oo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan ah, taas ayaa aburaysa Muran dhul iyo iska hor imaad.
Waxa kaloo jirta in dad badan,noloshoodii ay noqotay inuu maxakamad ku sii kallaho muddo aad u dheer,wuxuuna dhaxal ahaan uga tagayaa carruurtiisa marka uu dhinto oo iyaguna isla ย halkii dacwadda ka sii ambaqaadaya,waxa kaloo jirta in dad badan oo hanti lahaa oo bulshada magac iyo sharaf ku dhex lahaa inay hantidoodii ku waayeen siday arrimahan ugu jireen oo ay noqdeen dad musalafay arrintaasi dhib faro badan ayay bulshada ku haysaa.
Xukuumadda ayay ahayd inay dhulka iyadu lahaato,oo qofkii u bahan ay meel dejiso,dadkana sidaas ayay dantoodu ku jirtaa oo ay ku kala nabad geli karaan,hase ahaatee taasi ma jirto waxana dhulkii gacanta ku dhigay dad gaar ah oo aanay jirin sabab ay ku leeyihiin,wuxu dhufays ka dhigtay qabiil,dadkii reerkooda ahaa ee dhulka u baahnaa ayaa isagii difaacaya,lkn ma odhanayan dhulka wax naga sii aanu kula difaacnee.
Xukuumaddu siyaasad cad umay dejin oo arrintan wax lagaga qabanayo,waxa fiicnan lahayd in hab loo dejiyo iyadoo loo tixraacayo diinta islaamka,waxay ahayd in suaalahani la isweydiiyo.qaabkee ayuu qofku u mari kara inuu dhul faro badan yeesho?sidee ayuu xalaal ugu noqon karaa ama ku hantiyi karaa? Iyo suaalo kaloo badan.
Diinta islaamku waxay jidaysay in qofku dhulka uu sheeganayo uu ku camiro muddo sanad ah,macnaha uu ka sameeyo Beero ama dhisme,haddii aanu ku camirayn dadka kale kama laha waxana dhulka la waregaya xukuumadda.
Soo jeedin
1-Waa in xukuumaddu u dejisaa Siyaasad cad qaabka dhulka qofku u yeelan karo ee anay noqon iska sheego uun iyo waan qabsaday.
2-Waa in cashuur qaali ah la saaraa qofka dhul sheegta si uu faraha ugaga gubto oo uu uga cararo,ama uu deg deg u dhiso.
3-Waa in laga wacyi geliyaa dadka oo loo sheegaa Diin ahaan inay xaaran tahay in qofku dhul aanu lahayn iska sheegto oo uu dadkii degi lahaa ee masaakiinta ahaa ka horjoogsado inuu naar ku mutaysan doono.
4-waa in ย dadka laga wacyigeliyaa inanay noloshu dad ahaan iyo dal ahaanba ku hagaagayn in dhulka la boobo oo ay ka haboontahay in qofka dhul rabaa sifo xalaal ah ku raadsado.
5-In dadka dhalinyarta ah ee loo adegsanayo dhulboobka ee balwadaha dhex muquurtay,lala raadiyo shaqo abuur iyo mustaqbal wanaagsan.
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213