Baadiyowow, Somaliland noqon mayso Islaaxii iyo Waxdadii (WQ: Axmed O. Muraase)

Waxay ahayd dabayaaqadii 1998 markii ay Xarakadii Al ISLAAX iyo garab ka tirsanaa Xarakadii WAXDADA ay midoobeen. Hadaba si aad u fahanto faraqa u dhaxeeyay labadan Xarako ama Urur, Labaduba waxay aaminsan yihiin hadafka AKHWAANU MUSLIMIIN oo ay ku abtirsadaan, faraqa u dhexeeyay wuxuu ahaa Xarakada AL ISLAAX waxay u badnaayeen Somalia amaba asalkeedu uu ka soo jeedaa, halka Xarakada WAXDADA lagu Aasaasay Hargeisa culimadii aad aastayna ay dhamaan ahaayeen reer Somaliland.

1998 waxaa Xarakadii AI ISLAAX ee Somalia la yimaadeen midaw dhex mara labada Xarak. Waxa Safar Hargeisa waqtigaa ku yimid wafti Xarakada Al ISLAAX ka socday oo ay mid ahaayeen Dr. C/raxmaan Baadiyaw, Dr. Cali Baashe oo Gudoomiyahay Xarakada Al ISLAAX waqtigaa ahaa iyo Dr. Ibrahim Dusuuqi iyo Sheekh kale oo aanan hada magaciisa xasuusan, waxay kulan socday maalmo ay la lahaayeen Culimadii Xarakada WAXDADA ugu mudan waqtigaa, kulamadaasi oo ka dhacay Guri ku yaalay Xaafada Sheekh Madar meel u dhaw madarasadii Sheekhada.

Dr. Baadiyow oo ahaa ninkii ugu cad cadaa qolada Somalia ka socotay way is fahmi waayeen Culimadii Xarakada WAXDADA. Laakiin Laba Sheekh oo caan ah aayaa la goโ€™ay garab Xarakadii WAXDADA oo oo watay badi dhalinyaradii Xarakada WAXDADU soo bar baarisay, iyagoo loo sheegay in ay heli doonaan fursado Waxbarasho oo dibada ah.
Xaflad aad loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Madarasada Imaamu Shaafici oo ku taal Xaafada Jig jiga ya oo lagu shaaciyay midowga labada Xarako.

Maxaa dhacay midawgii ka dib.

Xarakadii WAXDADA ee somaliland ka socotay waxa Laba Xubnood laga siiyay Gudiga Sare ee Shuurada oo ah Golaha Awooda ama goโ€™aanda Xarkada leh. Labada Xubnood oo ka socday Hargeisa iyo Awdal oo aan wax awood ah aan lahayn madaama laga tiro badnaa.
Xarakada Al ISLAAX waxay Somalia ku lahaayeen Iskuulo iyo Jaamacado, halka ay Hargeisa ay ka hir galiyeen Laba iskuul kaliya oo kala ah ILAYS iyo IMAAMU SHAAFICI. Fursadaha waxbarashada waa laga qadiyay dhalinyaradii xaga Somaliland ka socotay halka, halka Dhalinyaradii Somalia ay u diri jireen Malaysia, Sudan iyo Yemen. Hadii laga tagi waayo mar ayaa jirtay ay yidhaahdeen dhalinyaro Somaliland ka soo jeeda ayaan waxbarasho u soo helnay, taas oo noqotay Jaamacad Yemen kutaal oo Al Emaan University aan waliba Shahaado lahayn. Waqtigaa Somaliland hal Wiil ayaa tagay, sanad ka dibna waa ka soo Orday.

Hadaba Dr. Baadiyow ninkii Xarakadii uu hormoodka u ahaa sidaa wax ugu qaybin jirey dhallinyaradii reer Somaliland iyo kuwii reer Somalia, inuu maanta ka sheekeeyo Caddaalad iyo wax wada qaybsi, waa wax lala yaabo.

Ahmed Muraase!