Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER ayaa bishii saddexaad qorayaasha da’da yar ee dhallinyarada ah u qabtay tartan ku saabsan caafimaadka taranka iyo dhallinyarada. Guddidii qiimayntu waxay kaalinta 1aad guddoonsiiyeen Kamaal Xasan Cadnaan oo ku nool Boorama. Hoos ka akhriso maqaalkiisa.
Ka bed-baadi, ha bed-baadiyaane (WQ: Kamaal Xasan Cadnaan).
Sida uu taranku muhiimka u yahay ayaa caafimaadka tarankuna muhiim u yahay. 15kii sanno ee u dambeeyay waxaa la waday halgan weyn oo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka la xidhiidha taranka iyo galmada. Tan waxaa ka dhashay in hoos loo dhigo dhimashada carruurta boqolkiiba 50, waana guul weyn oo mudan bogaadin iyo in lasii wado.
Intaas waxaa dheer, baahida weyn ee weli loo qabo in guud ahaanba bulshada la fahansiiyo caafimaadka taranka gaar ahaanna dhallinyarada oo loo yaqaano dadka kuwooda ku jira da’da firfircoon dhinaca arrimaha jinsiga, afka qalaadna lagu yidhaa “Sexually active group” halisna ugu jira in ay qaadaan xanuuno khatar badan oo uu ka mid yahay HIV-gu in kasta oo hoos loo dhigay tan iyo markii uu gaadhay heerkiisii u sarreeyay oo ahayd 2006dii.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sannadkii 2016kii ku qiyaastay 2.1 Milyan oo da’yar ah in ay la noolaayeen HIV-ga; kuwaas oo badankoodu kasoo jeeda Africa. Intaas waxaa dheer in hoos loo dhigay xanuunka jabtida boqolkiiba 90 sannadkii 2000 ilaa sannakii 2012 intii u dhaxaysay. Waana lib kale oo aadanuhu gaadheen, iyadoo guushaasi ay gundhig u ahayd wacyigelin ballaadhan oo ka dhan ahayd xanuunka, daraasadaha joogtada ah ee laga sameeyey iyo daawada xanuunkan oo la horumariyey muddadii lala dagaalamayay. Talaabadaasi mid la mid ah ayaa loo baahanyahay si looga badbaado xanuunada kale oo uu ka mid yahay caabuqa wakhti xaadirkan xadhkaha goostay oo xakamayntiisa ay wacyigelintu laf-dhabar u noqonayso.
Cudurrada galmada ku faafaa waa halis badan yihiin, waxaase kasii halis badan aqoon darrada xanuunadan oo qeyb-weyn ka qaadata sii faafiddooda. Waana tan sobobta ay muhiim u tahay in guud ahaanba da’ayarta iyo dhallinyarada la fahansiiyo caafimaadka taranka gaar ahaanna xanuunada galmada ku faafa. Xog la helyaaba talo la hel.
Xaqiijinta arrintan iyo in dhallinyarada la baro xanuunada ku faafa galmada iyo cilmiga taranka waxaa ku hor gudban caqabado badan oo ay ka mid yihiin aaminaad qaldan oo laga haysto in bulshada looga sheekeeyo, laga wacyigeliyo isla markaasina wax laga baro cilmiga la xidhiidha galmada. Arrintani bulshada Somaliland waxa ay u heystaan ceeb weyn iyo arrin baal marsan dhaqanka Soomaalida iyo diinta islaamka; taas oo aan runtii xaqiiqo ku fadhiyin. Innaga oo og in caafimaadka taranku qayb weyn ka ciyaaro caafimaadka guud ee qofka aadanaha ah, sidee ayay suurtogal ku tahay in aynu bulsho ahaan diidno aqoonta iyo cilmiga la xidhiidha ka hortagga xanuunada ku fida galmada?
Aaminaadda qaldan iyo in bulshadu fahmi weydo cilmiga taranka gaar ahaanna dhallinyaradu waxa ay keentay khataro caalami ah oo gaar ahaanna ay la daalaa-dhacayaan shucuubta ku nool waddanada soo kobcaya (developing countries) oo ay Somaliland ka mid tahay.
Qarama Midoobay ayaa sheegtay in 3dii habloodba mid ka mid ah la guursaday iyada oo ka yar 18; halka 9kii habloodba mid ka mid ah la guursaday iyaga oo ka yar 15 jir wadannada soo kobcaya. Si kale haddii aan u idhaa 400 oo milyan oo haween ah oo da’doodu u dhaxayso 20-49 ayaa la guursaday markii ay da’adoodu ka yarayd 18. Marka la odoroso mustaqbalkana cilmi baadhisyo ayaa sheegaya in 10ka sano ee soo socda 140 Milyan oo gabdhood la guursan doono iyaga oo ka yar 18.
Iyadoo Soomaaliland ay adag tahay in xogo noocan ah laga oo helo. Haseyeeshee, waxaa biyo-kama-dhibcaan ah in Somaliland ka mid tahay waddannada ugu horreeya ee guurka degdegga ah sameeya isla markaasina hablaha lagu guursado iyaga oo ka yar 18 jir. Taasi waxay inoo sheegaysaa muhiimadda ay ummad ahaan inoo leedahay in dhallinyarada la fahansiiyo caafimaadka taranka, talooyinka caafimaadna loo baro sida ugu toolmoon.
Waxaan joognaa ammin casri oo fikir walba oo faafaya, farriin kasta oo wacyigelineed iyo talo walba oo caafimaad la isugu gudbin karo si sahlan innaga oo u marayna baraha bulshada iyo tiknoolojiyadda. Sidaas darteed, haddii dhallinyaradu fahanto cilmiga iyo caafimaadka taranka waxaa lagu guuleysanayaa ugu yaraan labadan shay:
1. In ay ka bedbaadaan dhammaanba xannuunada galmada ku faafa, in habluhu ka nabad-galaan guur aan caqli ku dhisneyn oo lagu degdegay, helitaanka guur nadiif ah oo la is baadhay iyo walibana badhaadhe qoyseed oo dhammaanba dhallinyarada is guursatay hanatay. Qoysas caafimaad qabaa waxay horseedaan bulsho caafimaad qabta.
2. Waa qodobka labaade waxaa la helayaa dhallinyaro kale oo bulshada u sii gudbisa caafimaadka galmada iyo taranka, iyaga oo u maraya baraha bulshada. Maadaama qaybaha kale ee caafimaadkaba ay bulshadu wadaagto, sidoo kale caafimaadka taranka waa in ay bulshadu wadaagto oo waliba ay falanqayso maalin walba.
Sannadka 2030ka waxaa la hiigsanayaa in 70 qof keliya ku dhintaan 100,000 ee dumar ah ee umula. Tan waxaan ku gaadhaynaa in aan helno aabo fahansan cilmiga taranka, oo xaaskiisa la garab istaaga xaaladdaasi adag, nidaamyo caafimaad oo xooggan iyo in dawladdu garwaaqsato ahmiyadda caafimaadkani u leeyahay nolosha iyo tanaadka bulshada.
Sidaas si la mid ah haddaan ku noqono Yoolasha Horumar Waara, mar kale waxaa ku xusan in 2030ka cidwalbaaba hesho goobo caafimaad oo ay kala socdaan caafimaadka taranka isla markaasina ay ka helaan talooyin caafimaad oo joogto ah iyo waliba agabyada iyo tahsiilaadka caafimaadka saacidi kara.
Ugu danbeyn, caafimaadka taranku waxa uu qeyb weyn ka qaataa nolosha aadanaha sidaas daraadeed waa in laga hor tagaa dhibaato soo gaadha, gaar ahaan waa in si gaar ah loogala dabaashaa da’yarta waayo’aragnimadooda iyo xogtoodu yar tahay ee sida gaarka ah ugu mogul xanuunada jinsiga la xidhiidha. “Gees lo’aad iyagaa la isu jabshaaye” dhallinyarada iyaga oo laga badbaadinayo khatar badan ayaa iyaga laftoodana la isu bedbaadin karaan. Aqoonta iyo xogta oo la badsadaa waa hub dabar jari kara khatar walba oo la xidhiidha caafimaadka galmada iyo taranka. Waana tan sobobta aan u idhi ka bedbaadi, ha badbaadiyaane.
Mahadsanid.
Kamaal Hassan Adnan