Baarlamaanow, arrinta Shirguddoonku – Maba weynee haysla waayina (WQ: Cabdiraxman Caydiid)

 

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho ama akhriya.

Arintan khilaafka doorashada shir-guddoonka golaha wakiilada hore ayaan uga hadlay. Sidii fikirkaygu ila ahaana waan u idhi.  Websites-ka iyo wargeysayda qaarkood ayaana baahiyay, iyagoo ku mahadsan. Mareegahan hoose mid ka mid ah ayaad dib uga milicsan kartaa, haddii aad rabto in aad dib u eegto:

http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=207723; http://www.waaberinews.com/baarlamaankii-yara-qufacay-dawadiisii-waa-la-helay-wq-craxman-caydiid/; http://bandhige.com/baarlamaankii-yara-qufacay-dawadiisii-waa-la-helay-wq-cabdiraxman-caydiid/; http://karinnews.com/articles/17748/Baarlamaankii-Yara-Qufacay-Dawadiisii-Waa-La-Helay-W-Q-C-Raxman-Caydiid; http://oodweynemedia.com/?p=145872; http://www.hubaalmedia.net/2017/08/14/baarlamaankii-qufacay-dawadiisii-waa-la-helay/;  Ciddii ay khusaysay fariintaasi in ay anfacday iyo in kalena anigu war umahayo. Haddana yeelkeedee kollay naf nool oo arinkeeda rag meelahaas mar walba ku hiigayaaan aamusi mayso oo way hadli.

Maanta (August 23, 2017) goluhu waa isu yimi. Saxaafadi goob joog ma ahayn. Laakiin xildhibaanadii banaanka usoo baxay ee waraysi-socodka kooban dhiibay, waxaan ka fahmay in lasyku noqonayo, oo guddiyadii laba geesoodka ahaa ee hore loo saaray dib u fadhiisanayaan si ay talo loo dhanyahay usoo saaraan.

Aniga waxay ila tahay, baarlamaanow arintan aad hawgu xiiqina, waayo haddii ay sii jiitanto foolxumo mooyee wanaag ma keenayso.

Sida ugu dhowi waxa weeye. Mar haddii Baashe oo Muxaafidka ah (Kulmiye) cod qaadistii hore ka dib uu kursigii do’yaystay, ha laga hadho. Sidoo kale, mucaaridkana (Waddani iyo UCID), halooga hadho labada ku-xigeen. Shirguddoonkuna sidaa awood qaybsi dheelitiran ha u ahaado, si aanay doorashadu inooga carshacarshoobin. Sheekaduna sidaa ha kusoo gebagebawdo…oo mabaweynee hayla waayina.

Wallaahu Aclam.  Guddiyeey Ilaahay sidii Somaliland khayr u leh haydin waafajiyo..waa ayaamihii khayrka badnaaye…Aamiin.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Caydiid

Baarlamaankii yara qufacay dawadiisii waa la helay

Itoobiya oo saami laga siiyo maalgeshiga Dekadda Berbera maxay ka dhigantahay?

Dacwadda UCID waa maara-raw siyaasadeed 

Qaylo-dhaanta Cabdilaahi Jawaan: Sax mise Khalad

Marsada Berbera laba laysku heli maayo

Taageeridda mudaharaadka London (UK) xisbiga Waddani miyuu ku saxsanaa?

Saldhig Milatari – Ictiraaf ma gooyaa? Q2aad

Saldhig milateri: Xul mise xal? 

Dhawaaqu ha gaadho meel dheer

Adigu haddaad Jamaal tahay maxaad yeeli lahayd

Dhaawaca Waddani intee buu hoos u qodan yahay?

Cabdiraxman Caydiid

abdiaideed11@gmail.com