Bilowgii Adeegsiga Erayada Anshaxadaran Ee Jinsiga (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Adeegsiga ereyada aan dahaadhka lahayn ee ku saabsan jinsigu kuma aanay bilaabmin qorshe cad oo loogu talagalay in anshaxa lagu dooriyo, se isticmaalka ereyada galmada ku saabsan waliba marka bulsho lagu dhexjiro ama se sida hadal-maalmeedka oo kale waxa ay ka soo farcameen qawmiyado la odhan jiray Angle iyo Saxon. Ka dibna waxa ay u sii gudbeen isticmaalkoodu qabaa’ishii Vlking, dadyow Jarmal ahaa iyo qabaa’ishii deggenaa dalalka hadda la isku yidhaahdo Scandinivin-ka, kuwaas oo xilligaa ku soo duulay jasiiraddii Ingiriiska intii u dhaxaysay 450-kii ilaa 1050 (C.H) Dagaalladaas oo dhaladkii Celts u caydhiyey galbeedka Wales iyo Ireland, oo mar loo aqoonsanaa magaca Angle-land, imikana loo garan ogyahay England.

Anglo-Saxon-ku waxa ay ku hadli jireen af Jarmalkii hore ee aan ahayn kan hadda ay ku hadlaan, waxa ay u istimaalijireen nolosha maalinlaha ah kelmado gogolxaadh u noqday ereyadan anshaxdarrada ah, laakiin aan xilligaa loo tixgelinjirin in ay yihiin ereyo anshax xumo ah maaddaama ay dhexdooda ka noqdeen hadallo ka mid ah kan kale ee nolasha qaybahooda kale loo isticmaalo, sida ku cad hadhaagii ka badbaaday qoraalladooda.

Waxa se arrintaasi is beddeshay sannadkii 1066-kii markii qabaa’ishii Norman ee reer Faransiis qabsadeen Ingiriiska. Sida ay taariikhdu sheegayso, Normans-kii ayaa jabiyey Anglo-Saxon. Luuqaddii hore ee Faransiiskana waxa lagu khasbay dadku in ay ku hadlaan. Waxa ay sidoo kale ku guulaysteen in ay meesha ka saaraan ereyadii xidhiidhka jinsiga ee Anglo-Sexonism-ka, kaas oo ka mamnuucay qaamuusyadii caalamiga ahaa iyo hadalladii maalinlaha ahaa ilaa badhtamihii qarnigii labatanaad.

Waxa la sheegaa in boqorradii reer Ingiriis aanay ku hadli jirin afka Ingiriisiga ilaa laga soo gaadho qarnigii afar iyo tobnaad. Norman-ku waxa ay isku dayeen in ay baraan dhammaan dhulalkii ay qabsadeen dadkii deggenaa afkoodii, se tirakooban oo dadkii Anglo-Saxon-ka ahaa ayaa bartay afkoodii, waxa aanay iska sii wateen in ay adeegsadaan afkoodii kalmadaha xunxuni ka buuxeen. Arrintaasi waxa ay ka cadhaysiisay waxgaradkii Norman-ka oo diiddanaa maqalka luuqaddaa ay tirtirayaan.

Adeegsiga erayada galmada ku saabsan, waxa ay dib u soo noqdeen horraantii qarnigii labatanaad. Waxa soo nooleeyey qorayaal buugtooda iyo joornaalladooda suuq ku raadsanayey, kolkii dambe magazine-nada ayaa muuqaallo sawirraan ah u beddelay si indhaha dadku ula qabsadaan, aragtidoodi ahayd waa anshax xumana loogu beddelo in ay tahay ilbaxnimo iyo aqoon aadanuhu gaadhay. Dadyowga aflaamta soosaara, maadaystaasha iyo jilayaasha ayaa iyaguna dadka qabatinsiiyey maqalka iyo daawashada anshaxdarrada si loo la qabsado oo fikirkii hore ee laga aaminsanaa dib looga noqdo.

Qarnigii labatanaad badhtamihiisi, maadaystihii reer Maraykan Lenny Bruce ayaa la xidhay isaga oo lagu soo eedeyey in uu bandhiggiisa ku adeegsaday ereyada anshaxa ka baxsan ee jinsiga la xidhiidha. Sannadkii 1962-kii waxa laga mamnuucay in uu soo caga dhigto carro Ingiriis, anshax xumadiisa darteed. 1964-kii ayuu makhaayadda Café Au ee New york uu ku qabtay bandhig, mulkiilayaashii makhayaadda Howard iyo Solomon ayaa loo xidhay in ay Bruce u oggolaadeen in uu meheraddooda ka jeediyo maadays ereyo xunxuni ku jiraan. Lenny Bruce waxa mar kale lagu xukumay xabsi guri afar bilood ah, isaga iyo mulkiilayaashii makhaayaddii Café Au. Intii aanay u dhammaan muddadii xadhiggiisu ayuu dhintay Lenny Bruce. 1968kii waxa loo xidhay Paul Robert Cohen in uu xidhay funaanad dhabarka ay kaga qoran tahay ereyo galmada ku saabsan.

1972-kii George Carlin oo majaajilayste ahaa ayaa muuqbaahiyayaasha Maraykan ka sii daayey ereyada loo aqoonsanyey “toddobada erey ee anshaxadaran.” Maamulkii waarfaafintu waxa ay garawsadeen maadayskaa George Carlin in aanay habboonayn in laga sii daayo telefiishannada iyo idaacadaha Maraykan.

Qarnigaa labatanaad ee warbaahinta sumcaddooda ilaashada iyo dawladduba ay diiddanayd in si cad loo adeegsado ereyada anshaxadaran, waxa barbar socday warbaahin ku suntan faafinta qoraallada iyo muuqaallada xunxun, iyada oo dadka hawshaa wada loo aqoonsanaa dad aan sumcad lahayn, kuwa faafiya iyo kuwa ka soo dhex muuqda ba.
Dawladaha reer galbeed waxa ay u arki jireen hadallo, qoraallo iyo muuqaallo aan anshaxa waafaqsanayn, sidaa darteed dadkii ku suntanaa xilliyadaa waxa ay ku haysay cadaadis iyo xadhig loogu hadidayo hawshaa foosha xun ee ay gacanta kula jiraan. James Joysce oo Photo Bits soosaare ka ahaa dawladda Ingiriis muddo dheer waxa ay ku haysay cadaadis magazine-kiisa ka geddisan kuwii hore ee dalkooda ka soo bixijiray, isaga oo soo bandhigi jiray qoraallo anshax xumo ah, sidaa awgeed xadhig iyo dacwad joogto ah ayuu ku dhex jiray.

Betty Grable iyo Marilyn Monroe ayaa loo diiwaangeliyey hablihii ugu horreeyey ee muuqaallada anshaxadaran ka soo muuqda. Xilliyadaa waxa kor u kac sameeyey iibsiga sawirrada jilicsan ee pornographic magazine, Pornographic─waa muujinta arrimaha ku saabsan jinsiga. Sida, modern Man iyo Playboy. Hugh Hufner oo soosaare magazine-ada ah ayaa ibo furay muuqaallada anshaxadaran. Ninkii reer Faransiis ee Lui ayaa isna sameeyey magazine liddi ku ah Playboy.

Bob Guccione isagu waxa uu la yimid fikrad ka geddisan ka ay labadaa oday la yimaaddeen oo la yidhaa Penthouse─oo ah joornaal muuqaallada iyo qoraallada anshaxadaran faafiya oo caan ka ah dunida reer galbeed, waxa uu caan ku yahay joornaalka ragga. Topten Reviews waxa ay soo bandhigtay in mareegta pornography magazine oo kaliya sannadkii ay booqdaan afartan milyan oo qof, 72% waa rag, 28% waa dumar. Xaggaa waxa aad ka arkaysaa xawliga koraya ee hammuunta loo qabo daawashada muuqaallada anshaxadaran.

Waxa hareer socday faafinta muuqaallada isutagga dadka isku jinsiga ah, magazine-kii Physique Pictoria ayaa isna jiray kotonnadii. Hase ahaatee horraantii qarnigan cusub magazine-da qaar ayaa bilaabay in ay sawirraanta qaawanida ah si toos ah u soo bandhigaan, sida Hustler oo kale, taasi waxa ay sababtay in hoos u dhac iibkoodaa la kulmaan, waxana ka soo horjeestay badi soosaarayaashii kale ee magazine-da, sida FHM iyo Loaded, xataa mareegihii internetka ee pornography ayaa iibkeedii yaraaday.
Waxa aad arkaysaa in markii hore reer galbeed damiirkoodu noola oo ay iska qabanayeen anshax xumada bulshadooda lagu beerayo, laakiin ay meesha ka baxday markii dambe ee dawladdii anshaxa ilaalinaysay laga tusay dhanka dhaqaalaha iyo cashuurta laga helayo.

Dadka ugu hodonsan dunida galbeed waxa ka buuxa ragga lagu yaqaan ka shaqaynta hawlahan anshaxadaran, oo kolkii hore ku bilaabmay adeegsi ereyo liita ah, ku sii xigsiiyey sheeko laga qoro galmada oo loo suuraynayo sidii wax u dhacayeen, markii dambena loo rogay in la innagu tuso hab muuqaal ah. Waxa xusid mudan dadka sumcadda reer galbeedka ku dhex leh ee jilayaasha, soosaarayaasha filimada ama qorayaasha ah in aan lagu tilmaamin rag hawlahaa ku shaqo leh, xataa aan jeclayn madalaha lagu kulmo sida xafladaha Hollywood oo kale in lagu garab arko dad arrimahaa si un xidhiidh ula leh.

Anshax xumadaa aynu ka soo warrannay ayaa qorayaasheenna qaarkood innooga dhigaan hal-abuur, kolkaasay buugtooda iyo maqaalladooda kaga dhex warramaan arrimaha jinsiga la xidhiidha oo ay xaddaarad iyo aqoon u haystaan in ay qallinkooda dhexdiisa ay inoogu sawiraan wax kasta oo lammaanaha ka dhexdhaca, ama xubnaha taranka si qaawan u carrabaaba magacyadooda. Dhallinyarada qaarkood oo kuwaasi tusaale u yihiin ayaa baraha bulshadu ku wada xidhiidho si aan gabbasho lahayn u isticmaala ereyadaa. Waxa aad arkaysaa in ay horumar iyo ilbaxnimo la gaadhay u haystaan xishood la’aanta.

Dadyowgii hore ee Anbiyadu ka midka ahaayeen dhaqanwanaaggii ay lahayeen waxa ka mid ah in laga guntay sida Rasuulku inoo sheegay,“ Haddii aydaan xishood lahayn waxa aad doontaan sameeya.” Bukhaari ayaa soosaaray xadiiska, Cabdillaahi Ibnu Mascuudna waa uu wariyey.
Xishoodku aadanaha isagaa xidhe u ah, oo waxa uu samaynayo u jaangooya, haddii aanu xishoonayn wax kasta oo ku soo dhaca waa u yidhaahda oo sameeya. Ilaahay SWT, suuradda Fusilat waxa uu kaga warramay duulka ku jeesjeesa Quraanka in u hoog iyo cadaab aakhiro sugayo, waxa uu aayaddaa ku soo gebagebeeyey in iyagii lagu yidhaa, “Sameeya waxa aad doontaan, Alle wuu arkayaa waxa aad falaysaan e.” Waa aayad gooddin u ah dadka aan maankooda maamulin se wax kasta oo ku soo dhaca sidooda isku dhaafiya ee aan ka shaqaysiin maanka.

Adeegsiga ereyada ku saabsan galmada ee Alle SWT adeegsaday waa qaar mudan layaab, waa cashar u baahan in sidiisa loo daraaseeyo oo laga barto xishoodka. Ilaahay SWT waxa uu inna leeyahay, “Kolka aad taabataan ooryihiinna.” Taabashada laga hadlayaa waa galmadii lammanaha isqaba dhexmaraysaysay. Ilaahy SWT, waxa uu ka xishooday in uu ereyo kale u adeegsado. Waa aqoon la inna barayo in aynu sideeda u qaadanno. Waa in la ina barayo edaabta hadalka, adiga oo si qurux badan wax u sheegi kara, maaha in aad afka iska xumayso.

Maxaad u malayn in aad tidhaahdo hunqaaco shinniyeed ayaan cunayaa adiga oo odhan kara malab shinniyeed ayaan cunayaa! Taas waaba wax fudud e, in bulshada dhexdeeda ku isticmaasho erayo galmada oo la mid ah qaawani in aad bulshada ku dhexmarto ma tahay wax kuu sharaf ah ama wanaag ah? Ma filayo qofna in ay u tahay, laakiin diinlaawe anshaxdaran haddaynu horumar moodno edebdarradiisa waa inoo hoog iyo dib u dhac bulsheed.

Mar kasta oo aynu nafaheenna ku carbinno xishoodku waa mar kasta oo aynu horumar iyo badhaadhe bulsheed gaadhayno. Rasuulku NNKH, waxa uu sheegay in xishoodku iimaanka ka mid yahay. Mar kale waxa uu inoo sheegay in xishoodka oo la la yimaadda aanay wanaag wax aan ahayn soo kordhinayn. Dhallinyaradeenna waxa la gudboon macallinkooda nololeed in ay ka dhigtaan xabiibkeenni, sida uu inoogu qaabeeyey in aynu nolosha ugu noolaanno si ka wanaagsan in aanu inoo barayn diinlaawe edebdarran oo aynu ka dhaxlayno anshaxdoorini.

Aragti ahaan, adeegsiga ereyadaa in Qaamuusyada Soomaaliga laga mamnuuco oo sidii Norman-ka la tirtiro ayaan soo dhawaynayaa. Sababta oo ah isticmaalkooda oo loo aqoonsaday hal-abuurnimo ayaa keentay in sawirriddoodana loo tixgleliyo farshaxannimo, muuqaal ka samayntoodana loo aaminay in ay tahay ilbaxnimo halkii u sarraysay. Kolkaa si aanu u dhiman qiyamka saliimka ahi waxa mudan in xeeldheerayaasha luuqaduhu gebi ahaanba ka tirtiraan ereyadaa qaamuusyada.

Xigasho:
https://www.psychologytoday.com/…/the-curious-origins-our-s…
https://www.washingtonpost.com/…/dirty-words-from-lenny-b…/…
https://en.wikipedia.org/wiki/Pornographic_magazine
https://www.truthdig.com/…/pornography-is-what-the-end-of-…/
https://en.wikipedia.org/wiki/Photo_Bits
https://en.wikipedia.org/wiki/Modern_Man_(magazine)
https://en.wikipedia.org/wiki/Playboy
https://en.wikipedia.org/wiki/Hugh_Hefner
https://en.wikipedia.org/wiki/Penthouse_(magazine)
https://en.wikipedia.org/wiki/Bob_Guccione