Waxaay ahayd difaace xuquuqal insaan oo dhibaato adag u soo martay difaaca ay ugu jirtay xuquuqda shacabkeeda. Dadaalkeeda naf hurista ah ee mudada dheer socday waxaay ku heshay aqoonsi caalami ah oo badan. Mudo dheer ayay u ahayd ruux lagu daydo dad faro badan oo kala dalal, diin iyo dhaqan ah, balse ay midaysay dareenka aadantinimo iyo damiirka nool. Waxaay xitaa ku guulaysatay abaalmarinta lagu hamiyo ee Nobel Peace Prize.
Maanta waxaay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ka difaacaysaa xasuuq ay dawladeedu u gaysatya Musliminta Rohingya oo falalka la abaabulay ee loo gaystay ay khuburada baadhintaanka sameeyey isku raaceen inay yihiin xasuuq (genocide) oo ah dembi aadane galo ka ugu daran.
Aung San Suu Kyi, waa hogaamiyaha dalka Myanmar (Burma) e, dacwadda ay iska difaacayso waxa ku soo furay Abubacarr Marie Tambadou oo ah Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka aadka u yar ee The Gambia. Abubacarr oo laftiisu ahaa difaace xuquuqal insaan wuxuu maalin dhowayd sheegay inuu ka midka ahaa dadka Aung San Suu Kyi u ahayd ruux lagu daydo.
Waa wax aad u adag in la fahmo sida qof iyada oo kale ahi u difaaci karo xasuuq aan daah saarnayn oo aduunka oo dhami arko.
Inkasta oo Abubacarr ba tusaale u yahay dadka wanaagsan ee aan awoodu bedelin, hadana Aung San Suu Kyi waxaay tusaale u tahay sida siyaasadda iyo awooddu marar u bedesho dadka oo uga soo saarto waxaan laga filayn.
Malaha qof midabkiisa runta ah waxa la ogaan karaa uun marka uu kursiga ku fadhiisto.
Madax reer Somaliland ah oo marka ay kursi ku fadhiyaan geeso fiiqan dadka la dhaca ayaa jira. Marka ay ka tagaana masaakiin u eekaada oo intii ay fali jireen oo dhan ku arka ka fadhiya dabadeed ku canaanta. Mar waa daalin marna waa madluun. Waaa na isla kii.
Siyaasadda gelisteeda markaan tan oo kale arko ayaan ka baqaa. Awood cid ku dulmi wax ka culus oo qof geli karo garan maayo. Mid bay se dhamaantood hilmaansan yihiin, kursigu waa ku meel gaadh (temporary). Hadaan lagaa eryin, wed ba wuu kaa kaxayn ee taas mar walba oo aad goโaan qaadanayso ogow. Cidna ha dulmiyin.
Warka Aung San Suu Kyi ee warbaahinta ku badan ayaamahan ayaa i xasuusiyay midabada badan ee aadanaha iyo maangaabnimadiisa.