In aan soo booqdo xaruntii xadaaradda Islaamka ee Bariga Afrika, islmarkaa na ahayd waqti dheer xarumaha ugu muhiimsan qaaradda Afrika, waxa ay igu qaadatay in ku dhow 19 sannadood. Waxa aan ku soo arkay Harar in ka door roon intii aan filayay.
Kolka aad Hargeysa ka safarto, saacad gudeheed waxa aad ka ga tallaabi xuduudda Somaliland iyo Itoobiya ee Tog Wajaale, saacad kalena waxa aad ku hoyan Jigjiga, magaalomadaxda Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, laba saacadood oo kale ayaad markaa ku gaadhi Harar. Isugayn, kolka aad si deggan u socoto, in aan ka badnayn shan saacadood ayaad u kala safri Hargeysa ilaa Herer, waxaa na aad sii mari Abaarso, Arabsiyo, Gebiley, Kala Baydh, Tog Wajaale oo ah Somaliland; Magaalo Qaran, Hororaysa, Jigjiga, Kaaraamardha, Xaadow, Shabeelle, Dhagaxley oo ah Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya; iyo Fafan, Gorey, Bombas, Baabile oo ah Gobolka Ismaamulka Oromiya ee Itoobiya, iyo iyo Harawa iyo Harar oo ah Gobolka Ismaamulka Harari ee Itoobiya.
Intaa waxa dheer Qulluuj oo ka la xadaysa labada Ismaamul ee Oromiya iyo Soomaalida, mise ka tirsan Ismaamulka Soomaalida, oo ay deggan yihiin qaxooti aad u farabadan oo Soomaali ah, oo ka soo qaxay dagaalladii dhowaan ka dhacay Oromiya ee dhex maray Soomaalida iyo Oromada.
Qowmiyadaha ku wada noolaa muddada dheer jidkaa dheer, kolka buurta Kaaraamardha la joogo, qoloba dareen bay qaadataa: waxa is jiidhaya isdiiddooyinka ay kooxiba sheekadeeda u toocsanayso in ay ku saxsanayd dagaalkii 1977kii, kolkii Soomaalida iyo Itoobiyaanku isku dileen si gaar ah qalcaddaas dusheeda, khasaaraha badanina ka soo gaadhay labada dhinacba. Aniga xusuus gaar ah ayay ii lahayd tagitaankeedu, waxana ay igu celisay dareen igu xidhey Alle ha u naxariistee aabbahay Muuse Gurey iyo askartii kale ee ku dhaawacantay dagaalladii geeska, gaar ahaan dagaalkii Kaaraamardha. Eebbe ha u naxariisto aabbo.
Dhulka badankiisu waa cagaar ay indhuhu ku doogsanayaan. Buuraha Baabili ee dhagaxooda aad mooddo in bini-aadmi is dul saarsaaray, waxa ay ku xusuusinayaan buurta Xaawo-iyo-Aadan ee jidka Hargeysa-Berbera. Kolka la dhaafo Kaaraamardha, tuulooyinka waxa ka muuqda astaamo Islaamnimo oo masaajiddo u badan, carruur sidata mikirfoon oo ku dawarsanaysa cod aad u dheer, hablo yaryar oo khudrad u badan muus, canbe, quwaax, canbeshoog, iyo kuwo kale ba dariiqa la taagan. Dumarka waawayni dergadaha hadhkooda ayay fadhiyaan.
Ragga xoogga ahi na aad bay jaadka u cunayaan. Dooxyadu waa durdur joogta ah oo mararka qaarkood sida wabiga u fatahaya kolka roobku da’o.
Tuulooyinku, kolka laga reebo Baabili, inta badani kama badna 30-70 guri oo u badan cariishado. Haseyeeshee Qolluuj oo ay deggan yihiin qaxootiga Soomaalidu aad bay u waynaatay, ka ba na badan dadkii degaanka hore u deggaanaa.
Kolka aad Harar soo gaadho deegaanka, dhismeyaasha, dadka iyo xaddaaradduba way is beddelayaan adiga oo arkaaya. Boodhka wayn ee kugu soo dhawaynaya magaaladana waxa ku qoran, “ku soo dhowow magaaladii nabadda.” Magaaladu waxa ay ku taallaa buur dusheeda. Dhulku waa qabow. Dhir badan oo si reer magaalnimo ka muuqato loo beeray, doolna ku yimi deegaanka, iyo kuwa kale oo xerudhalad ah, balse si haybasan u beeran, ayaa jidadka dhinacyada ka mara.
Baayacad mushtarku wuu is beddelayaa oo dukaammo waxyaabo kala duwan iibiya, guryo yaryar oo duugoobay na ka samaysan weeye. Waddada dheer ee magaalada laga soo galaa waxay leedahay daymo aad u qurux badan oo laga daawan karo magaaladii hore ee qadiimiga ahayd.
Harar iyo dadkeeda
Harar iyo Harariyiintu way ka duwan yihiin degaanka iyo dadka. Dadka dulqaad, soo dhowayn, qalbi xaadhni, iyo dareen kalgacal ayaan kala kula kulmay, tusaale ahaan labadii qoys ee aan midkoodna hore ii aqoon ee aan guryohooda ku booqday si aan u soo barto dhismaha, una baadho caadooyinka iyo sheekooyinka la xidhiidha guryaha adarida. Degaankana qurux, taariikh ilbaxnimo hore, xaddaarad sii muuqata, iyo dhowrid deegaan oo taxaddir badani ka muuqdo ayaan ku soo arkay.
Ilaalinta ilbaxnimadii Harar
Inkasta oo ay jabtay dawladdii Harar ee xoogga wayneyd, haddana isxukunkii, xaddaaraddii, taariikhdii iyo aqoontii diiniga ahayd waxa ay ku kaydsantay buugaagta gacanta lagu qorey ee qaarkood 1000ka sannadood hortood la qorey.
Gidaaradda hadlaya ee Harar waxay kuu sheegayaan ilbaxnimo; qudbiyadda iyo qabriyada wali la siyaarto ee culimada kala duwan magacyadooda sitaa na waa ka markhaati. 76 suldaan-amiir ayaa isaga danbeeyey xukunka Harar.
Waxa ugu horreeyey Amiir Hoddoba Bin Ibraahin (892-828), waxana ugu danbeeyey Amir Cabdullaahi b. Maxamed (1885-1887). Amiirradaas mid kaliya (Amiiraddii 12aad, Tidina Bint Maya, 1105-1128) ayaa dumar ahayd.
Amiirkii 42aad wuxuu ahaa Amir Axmed Bin Ibraahin Al-Gazi oo Soomaalidu u taqaannay Axmed-Gurey oo xukumay dawladda Islaamka ee Harar 1527-1543kii. Xaaskiisii Bati Dil Wanbera oo muddo talinaysay isuna gaysay xooggii iskacaabbinta kolkii saygeeda la diley, waxa ay ka mid tahay dumarka taariikhdoodu baalka dahabka ah ku leedahay Harar iyo Islaamka Bariga Afirka.
Magaaladii dayrnayd
Amir Nur Bin Mujaahid, (1551-1559), Amiirkii 44aad, ayaa hindisay soo oodista magaalada Harar. Shanta albaab ee laga soo gala waxa la kala yidhaahdaa Assum Bari, Asamaddin Bari, Badro Bari, Suqtat Bari iyo Argo Bari, kuwaasoo magacyadooda afcarabiga ahi kala yihiin Bab al-Rahma, Baba al-Fat’h, Bab al-Nasr, Bab al-Hakim iyo Bab al-Salam.
Kolkii uu Boqorkii Minilik ka guulaystay saldanaddii ugu danbaysay ee Amir Cabdullaahi, waxa uu ku daray albaab cusub oo hadda uu sudhan yahay sawirka Amir Cabdullaahi.
Amiirkii u danbeeyey
Amir Cabdullaahi b. Maxamed b. Garaad Cali b. Cabdishkuur waxa Harar ka qaaday Boqor Minilik kadib markii uu ku jabiyey dagaalkii Jalanqo. Jabkaasii waa kii horseeday dariiqii baaba’a ee saldanaddii Islaamka ee Herer. Amiirka waxa la doortey badhtamihii 1885kii kolkii aabbihii Amiir Maxamed hore looga xayuubiyey darajada, waayo dadkiisu may jeclaysan xukunkiisa. Amiirka cusub waxa loo doortey tuhun togan oo lagu qabay dulqaadkiisa, dadjecelaykiisa, maato-ilaalintiisa iyo kartidiisa maamul.
Wuxuu durba muujiyey tuhunkii laga qabay isagoo bilaabay in uu dhiso ciidan xooggan, ku ilaaliyo dadka dhaqanka suubban ee diinta, u kala diro culimo dhulka Oromadu degto si ay diinta u soo baraan, kana ururiyo cashuur dadka si wax loogu qabto.
Boqor Minilik waxa uu dareemay in rajada in Herer ka midnoqoto xukunkiisu sii fogaanayso, waxana uu diyaariyey weerarkii ugu cuslaa. Boqor Minilik waxa kale uu doonayay in uu weerarkaa ku helo jid uu badda ka gali karo.
Amiir Cabdulla jabkii dagaalka Jalanqo kadib waxa uu ku dhuuntay degaanka Baabile, oo isku deyey in uu ciidan dib u dhiso, haseyeeshee guushii Minilik iyo dawladdii uu ka sameeyey Harar way ka awood bateen, waxana uu ayaamihiisii u danbeeyey ku qaatey xabsi-guri. Waxyaabihii dagaalkaa ka dib uu Minilik sameeyey waxa ka mid ah in Masaajidkii Sheekh Basiikh ee Farasmagaalaha loo beddelay Kiniisadda ugu wayn magaalada ee Dome of Medhane Alam Church.
XIGASHADA SAWIRKA,JAAMA
Xusuustii jacaylka ee dagaalkii Jalanqo
Magaalada Jalanqo wax ay u jirtaa Harar 80-km xagga galbeed. Waa halkii ay foodda isku dareen 6dii Jeenawari 1887kii labada ciidan ee Minilik iyo Amiir Cabdullaahi. Dagaalkaa waxa ku guulaystay Minilik waxana ku waayay ciidan iyo maal amiirkii u danbeeyey ee Amiir Cabdullaahi. Waxa ku geeriyooday in ka badan 1000 oo qof oo ay ku jiraan 700 dhallinyaro ah oo markaa uun guursatay oo u diyaar ah aqalgalkoodii.
Xuska dhallinyaradaa waxa mar danbe Farasmagaalaha looga dhisey taallo lagu xusuusto, guri kasta oo Hererna kaabadda koowaad ee qolka fadhiga midabkiisu waa casaan si loogu xuso geerida toddobadaa boqol oo xilligii arooska ku geeriyootay. Waa xurmo taariikheed iyo baroordiiq ay ka siman yihiin Harariyiintu.
XIGASHADA SAWIRKA,JAAMAC MUUSE
Guriga adarida
Albaabka laga soo galo guriga had iyo jeer waxa ka muuqda xardhid qurxoon, waxana ay muujisaa kolba haynta reerka deggan. Waxa yaalla roogag kala midab duwann oo aad u qurxoon. Qolka hore kolka aad soo gasho, sida loo fadhiyaa waxay kuu sheegaysaa warbixin buuxda ee dadka fadhiya, aqoontooda iyo mudnaanshahooda.
Shan jaranjarro oo kala duwan oo ka turjuma shanta xilli salaadood ee Islaamka. Dhinaca sare ee midig ee ugu soo horreysa waxa fadhiya qofka quraan akhriska ugu aqoon badan, meel la siman oo ah inta ugu ballaadhanna culimada kale ayaa fadhiisata, dhinaca bidix oo ka yara sarraysana, qofka ugu da’da wayn ayaa fadhiista.
Safka hoose ardayda quraan baradka ah, carruurta iyo ciddii kolkaa ka daraja hoosaysa culimada fadhida ayaa fadhiisata. Fadhiga culimada dushooda saddex daaqadood oo ay laba isleegi siman yihiin mid ka yarina ka yara sarrayso waxa ay sheegayaan luxudka, iilka iyo in qofku xasuusto geerida, maalintiisana la aasi doonto, sidaa darteed ay tahay in uu Eebbe ka cabsado.
Kolkii hore kutubbo Quraan ah ayaa la dhigi jirey, hadda se waxa la geliyaa mararka qaarkood alaabo kale oo muhim u ah dhaqanka. Kaabadda ugu hoosaysaa waa casaan si loo xusuusto dhallintii ku geeriyooay Jalanqo.
Albaabka laga soo galo guriga dushiisa waxa ku samaysan sarab udubyo ah oo la dul saari jirey roog. Haddii roog dulsaaranyahay macnaheedu waxa weeye guriga inan guur sugaysa oo aqalgalkii u diyaar ah baa joogta. Wiilasha quraan akhriska u yimi, ama reerka soo booqdey, kolka ay arkaan rooggaas waxa gala tuhun. Kolka inanta ay is oggolaadaan ee la bixiyo, rooggaas way qaadataa oo waaka gurigeeda cusub lagu goglayo qolka fadhiga.