Xulafaysi Mise Nabadayn Bariga Dhexe Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Dhamaan dadaalkan iyo heshiika yuhuuda lala galay kaliya waa in kursiga cid ku ilaalisa ay helaan oo iyana danteeda ka fushato fursadana dayicin waana mid taariikhda ku suntan in xaaladii boqoradii reer Undulus u dhaqmi jireen markay nafta u yaabaan una baqaan kursiga iyo maalkay ummada ka boobeen taasi oo qaylo dhaan gaaleed ku baaqi jireen si ay u bad’baadan, marka loo soo gurmadee kurbadaasi dhamaato in hadh cad la cuni jiray, Maxaa maanta uga eeg shalay.

Sida uu ku dooday Edy Kohen oo Israiili ahi “in qadiyadii Falastiin dhimatay carabina leedahay kun mushkiladood oo kawayn qadiyada falastiin” oo Suuriya, Yemen iyo Ciraaq oo kale taasi oo ay sii cadaynayso markaad u kuur gasho wixii la odhan jiray Qorshihii bariga dhexaha cusub (New Medle East). Ee Condelize ku dhawaaqida 2006 dii In saaxada laga Saaro madaxda Carabeed ee Qadiyada Falastiin aaminsan laguna badalo qaar kale oo gacan ku samaysa, taasina waxa muujinaaya mawjadii carabta martay ee gu’gii jiilaalka noqday ku gabo’gabowday waxa kasoo baxay.

Waxaana jirta odhaah loo tiiriyo aas aasihii israaiil Theodor Herzi. in uu yidhi (waxaanu Carabta madax uga dhigi doonaa kuwa ugu caqliga liita ilaa ay timaado maalinta bulshada Carbeed ku soo dhawayn doonto ubax  askarta difaaca israaiil) markaa waxaad is odhaynaysaaba waxaa socda qorshayaal konton’ kontan sanadood ah, balse qorsha Rabbi baa ka wayn,

Dhinaca kale wixii la odhan jiray gu’ga Carbeed wuxuu ahaa gacan ku rimis ay wataan yuhuudu si dib loogu qaabeeyo khariidada hogaaminta bariga dhexe sida dhacday war yar oo jariirad lagu daabacay in bulsho dhan lagu kiciyo sida Lubnaan ka dhacday lana sheegay in Ra’iisal wasaaruhu shukaansaday gabadh taasi oo uu aduun badan siiyay iyadoo bulshadu baahan tahay.

Dhacdadaasi gacan ku rimiska ah ka dib dadkkii reer lubnaan albabaday jabsadeen dhibaato ka dib, mudoharadkii wax uu soo kordhiyay ma jirin  oo aan ahay qalalaase iyo in dawladii dhacdo, dhibtuna kasii korodho haddana qarax wayn oo kale ayaa badhtanka loo dhigo ummadii, taasi oo cid gaara farta lagu fiiqayo, warbaahintuna maanta waxay ku ciyaartaa caqliga bulshooyinka aan bislayn. Waxayna ka mid ahayd meelaha ka badbaaday jiilaalkii Carabta iyana buulkaa loo hoos galay.

Waxa uu sheegay Amiirka Qadar in Israaiil u dhaqmayso sidii aany jirinba qadiyada Falastiin talaabo kasta oo ka baxsan heshiisyadii hore ee nabada taasi keeni mayso nabad,  ha lagu sheego nabadba’e waxa jira ujeedooyin kale oo aan ahayn in si cadaalada loo xaliyo qadiyada falastiin. taasi oo aan lagu gaadhayn nabad balaadhan oo waarta, waxaana markhaati u ah in aanay wax badani jirin sida Israaiil u dhaqmayso ee ka baxsan shuruucda caalamiga ah ee degaanaynta iyo isbalaadhinta socotaana kamid tahay.

Qadiyada markaad gunteeda eegto waa xoog iyo xoog uun sida uu sheegay Ahmed Yaasiin Shahiidkaasi oo Xamaas aas aa’say in “ inta taako dhul reer Falastiin maqan yahay iska caabintu way soconaysaa .

Halka uu Moshe hayn oo yuhuuda hogaamiye mar u ahaa yidhi “ geedka israaiil waxaanu ku beernay koofiyada birta ah iyo xabad” dhinaca kale madaxda dunida waxa ugu cod dheeraa Boqor Faysal oo ku tiraabay anigu shakhsiyan waxaan rabbaa in aan “u dhinto una shahiido qudus,” taasi oo Rabbi (swt) ka aqbalay, halka Nelson Mandela xusay in “ aanay xoriyadd buuxdaa jirin inta xoriyada reer Falastiin maqantahay”.

Waxa wax laga murugooda ah in bulshada reer Falastiin gaar ahaan Qasa ay kiish ugu jirto xaalad adag oo Faqri, Gaajo, Cabsi ahi. in ubax loo goglo dhiigyo cabyadii ummada haaraamay, Balse waxaa hubaal ah in madaxda Carbeed qaarkood la heshiiyeen Yuhuuda balse wali ummada Islaamka iyo ta  carbeed Bari ilaa Galbeed ay rumaysan yihiin muqadasnimada Qudus iyo difaaca ummada Falastiin, taasi oo ah guusha ugu wayn ee ummada Islaamku weheshanayso.

Culimada muslimiinta sida Sheikh Maxamed Weldu Shanqiidi wuxuu sheegay iyo Sheikh Qardaawi waxay yidhaahdeen “in nabadu ay ku xidhan tahay nabad” uun waayo haddaan gurigaaga qaato oo aan ku idhaahdo kaabada salaanka hoostiisa ku noolaw, dadkana xasuuqayo laynayo habeen iyo maalin, side taasi u dhacaysaa, waxaan ka hadlaynaana waa dawlad gumaysi oo xoog ku haysata umad dhan, wax suurto galna maaha, “kaliya yuhuudu waxay taqaanaa luqada dagaalka”. Waxa xiga Qaynta 3aad.

 

Qalinkii : Axmed Cali Kaahin      aakaahin@yahoo.com