Haddii aan qoraalkeenna ku ibo-furanno weydiinta ah yaa bini-aadmi ah? War-celinteeda aragti cilmiyeed marka aan u baadi-goobno waxa aan heli karnaa hurin aragtiyo ah, oo soo kala horjeeda iyo kuwa wada-socda ba.
Waxa jirta aragti qabta in aad bini-aadmi ahaan karto adiga oo aan qof ahayn. Si kale haddii aan u dhigno qof kastaa waa bini-aadmi, laakiin bini-aadmi kastaa qof maaha oo qofnimo ma leh.
Hadda ba qofnimadu ย maxay tahay? Si kooban haddii aan u dhigno waa lahaanshaha dabarro iimaani ah” Moral rules” kuwaas oo qofka ka xakameeya nooc kasta oo dulmi ama xad-gudub ah.
Haddii aan qofnimada u qaadanno sifo dareen xilkasnimo oo bu’diisu tahay iimaan iyo akhlaaq “Moral and Ethics” ama ay tahay xasaanad qofku isagu iskii iskaga xayuubin karo. Tusaale;
Ninka wax kufsada, wax dila, wax dhaca iyo haweenayda ubadka iska soo ridda inta ba aragtiyo badan ayaa isku raacsan in aanay qofnimo lahayn.Hasa yeeshee, ay bini-aadmi yihiin.
Haddii aan sawirkaas kooban ee qofnimada halkaas ku dhaaafno waxa aan uga gudbi doonaa dadnimada maxay tahay?
GENETIC CRITERION
Bini-aadmi in aad tahay maxaa shuruud ku xidhan? Waxa Su’aashan ka jawaabaysa aragtida aan kor ku xusnay, jawaabteeduna waa; In uu bini-aadmi yahay qofkasta oo leh HIDDE-SIDE AADMI “Human DNA”
COGNITIVE CRITERIA
Iyana waa aragti kale oo qofnimada shan shardi ku xidhay, kuwaas oo kala ah oo ay ugu magac dartay, Shuruudaha Qofnimada ” Personhood Criteria,” waxa aanay kala yihiin;
1. Consciousness|
2. Reasoning|
3. Self Motivated Ability|
4. Capacity to communicate|
5. Self Awerness|
SOCIAL CRITERIA
Aragtidanna waxa ay qabtaa in aad bini-aadmi ahaataa waxa ay ku xidhan tahay aqoonsi bini-aadminimo in aad bulshada ka dhex hesho. Aragtidami waxa ay ku aroortay si kasta haddii aad u wanaagsan tahay oo aan bulshadu kuu aqoonsan in ahaanshahaaga aadminimo waa bar-kuma-taal.
Waxa kale oo iyana jirta oo farqi u dhexeeyaa bini-aadmi iyo bini-aadminimo, ” Human|Humanity”
Xagga Soomaalida haddii aan u soo baydhno qofka ay saluugaan dhaqankiisa waxa ay ku cayaan xayawaan.