Qormadani maaha gorfeyn, mana aha falanqayn, waase faallo. Labada hore way ka mug weyn yihiin, kana qoto dheer yihiin ta dambe. Sababo badan awgeed ayay qormadani faallo u tahay ee aanay gorfeyn u ahayn.
Buugga Doollaal waxa uu gacantayda soo galay horraantii bishan Oktoobar oo uu laba nuqul oo ka mid ah I soo gaadhsiiyay Maxamed, isla maalmihii lagu daahfuray Hargeysa. Magaca iyo dulucda uu xambaarsan yahay uguma cusbayn, waana mid ka mid ah sababaha aan aadka ugu xiisaynayay akhriskiisu. Qoraaga buugga Maxamed Yusuf Bidhiidh ‘Badda’ ayaa in yar oo ka mid ah buugga oo uu ka soo garoocay intii aanu ifka u soo bixin, nagula wadaagay degelkan Facebook. Anigoo horeba u jeclaa buugaagta taariikhaha, taxanaha nololeed iyo halganka dhuyaalku keeno ba, haddana waa mid ka mid ah sababaha keenay in aan u degdego helitaanka buuggaas. Aakhirkiina wuxuu gacantayda soo gelay toddobaadkii u horreeyay ee bishan Oktoobar.
Inta badan maalinta Axadda ayaan helaa fasax aan waliba la hubin. Wakhtiyada ay ii suurtogasho inaan maalinimmo wakhti firaaqo helaa way tirsan tahay. Waa markaa marka aan akhris iyo nolosha gaarka ahba galaa. Toddobaadkii la soo dhaafay, ayaannu si wacan wakhti isugu helnay aniga iyo Doolaal. Subaxnimo hore oo wakhtiga Itoobiya kallahaad ah, ayaan la kala baxay oo aan bilaabay akhriskiisa. Waxaan ku baraarugay sawaxanka dad tiro badan oo goobtii aan fadhiyay aanan ku ogayn oo mar dambe yimi. Ma ogayn goor ay soo buuxsameen! Saacadda ayaan hoos u eegay, waa lixdii makhribnimo oo daqiiqado dhiman! Sidaas ayuu dareenkayga u jiitay ee aan iskiin baro Doolaal.
Buuggu waa 224 bog, waxaanu gudbinayaa taariikh nololeed, socdaal, khibradeed iyo waayo farxad iyo murugo ba leh oo uu maray qoraaga Maxamed Yuusuf Bidhiidh (Badda). Xusuustii noloshii dhallinyaranimo iyo waayihii Somaliland ee badhtamihii 1970naadkii, ayuu ku bilaabmayaa. Suudal waayo kala duwani keeneen oo ka bilowday magaalada Hargeysa ayaa qoraaga la galay badweyn nololeed iyo qaarado aanu qorshaha ku darsan oo iyana buuggu faahfaahinayaa. Duruufo siyaasadeed iyo tacaddi uu nidaamkii kali-taliska ahaa ku beegsaday arday ilaa odayaal, ayaa qayb ku lahaa sibiq-dhaqaaqan. Ma ahayn dhibaato uu kali ku ahaa qoraagu, waxaana badnaa inta dhib ka badan iyo murugo ka riiq dheer uu mariyay taliskaasi, hase ahaatee, waxa qoraagu kaga duwan yahay dadkaas oo dhan inuu dhigo oo dhiteeyo waayahaa nololeed. Wuxuu buuggu si qoto-dheer u iftiiminayaa waayaha qaxootinimo ee da’yarta iyo guud ahaan bulshadaba. Wuxuu sawirayaa sindheer waayuhu baday inuu socdaal dheer galo.
Midabka iyo tayada xaashida loo dooray in lagu daabaco buuggu waa kuwo indhuhu aanay ku daalayn. Nashqadda iyo hannaanka loo hormeeyay is-dabayaalka iyo taxanaha dhacdooyinku waa kuwo u nidaamsan si sahlaysa inaad akhriska aanad ka daalin. Waxa dhacdooyinka loo soohay sidii ay isugu sidkanaayeen amma isugu xigeen. Hab-qoraalka farshaxanka leh ee qoraaga ayaa qayb laxaad leh ku leh in akhristuhu dhadhansado xogta uu gudbinayo. Khuburada aqoonta u leh af-soomaaligu waxay u kala dheegaan ereyada; erey qoraaleed iyo erey odhaaheed. Macnaha, ereyo lagu wada hadlo oo aan qoraalka macno ku samayn iyo kuwo la qoro oo ku habboon tebinta qoraalka. Ereyada buuggu ku qoran yahay waxay u badan yihiin erey-odhaaheed macno gun dheer gudbinaya, waxaanan aaminsanahay inay yihiin sababta xaladda iyo macnaha u yeeshay dhacdooyinka buuggu gudbinayo. Waase lagu kala aragti duwanaan karaa. Doolaal waa sooyaalka nolol taxan dalal tiro badan oo saddex qaaradood ku yaalla. Waxa macnaha gaarka lehi waa in socdaalkani aanu ahayn kuwo beri uun ku kooban ee waa mid taxnaa bad iyo beri ba.
Dhacdooyinka uu tebinayo qoraagu ee noloshiisa soo maray waa kuwo murugo iyo farxad ba leh, sidaan horeba u sheegay. Waa kuwo farxadeed oo markii la yidhi waad ku soo baxday imtixaankii loo galay waxbarashadii aad ku tegaysay Talyaanigu, farxad bay ahayd. Markii uu ku soo baxay imtixaankii kale ee aanay hortii cidi kasban dhibcaha uu helay ee wadista tagsiga, Iyana mid kale ayay ahayd. Farxado badan oo kale ayaa buuggu xusayaa. Waa kuwo murugo badan oo habeenkii inta isagoo arday ah Hargeysa laga raafay ee uu ka baxsaday halkii uu ku xidhnaa ee diirka iyo lafta uu kala dheegay taarkii cadkiisa la hadhay baa ku jirta! Sidii ay dhabbarashada iyo isgaabinta awgeed ay beerka ugu gurguurteen, si ay uga dhuuntaan rasaasta hadh beeshay ee finiinkeedu sida hillaaca bilig leeyahay, ayaa Iyana ku daabacan buuggan. Murugo kale waa habeenkii saaxiibkii Cabdi-Dheere ka hadhayay ee iyana ay Markabka ka baxsadeen, diiqaddii nololeed ee haysay habeennadii xigay iyo sida uu ula baxsaday ninkii Muniir ee reer Indooniisiya, ayaa adiga akhrinaya laftaada af-kala-qaad kugu noqonaya. Ma maalintii isaga iyo saaxiibkii Foosi ay ninkii ciilay isugu tageen iyo wixii meesha ka dhacay iyo dhiiggii qulqulay! Ma naxdiintii arooryadii hore ee Mr. Hebel qasnadda madhsaday ee uu baxsaday iyo sida candhuufta iyo hadalkuba ugu dhegay qoraaga! Ma saxariirkii iyo socdaalkii xigay ee qaaradaha Yurub iyo Afrika uu isaga dab-qaaday ee daydayga Mr Hebel baa! Way badan yihiin waayaha indhahaaga ilmo ku hubsanaya ee buuggu gudbinayaa.
Maad iyo qosol baa iyana aan ka madhnayn! Ma habeenkii Bristol iyo feedhkii daanka diiray baa! Ma ahayn dhacdo qosol leh, hab-tebinta qoraaga ayaase kaa kasbanaya qosolka! Adeegsiga ereyada maadda leh iyo hab-tebinta majaajiladu ku ladhan tahay baa qasbaya inaad qososho. Qisaska dhallinyarnimo iyo dabeecadaha barbaarta lagu yaqaanno ayaa iyana qayb ka ah tidcanta sheekooyinka buuggan. Aan xuso markii ay qoraaga iyo saaxiibkii Cabdi-dheere ay Markab ka degeen iyagoo jooga magaalada Prest ee dalka Faransiiska. La-kulankii gabadha qalaad iyo caqabaddii luuqadeed ee qabsatay! Markaan halkaa marayay goobtii aan fadhiyay ee aan ku akhrinayay, dad badan oo fadhiyay sidii aan u qoslay waxay ku dhawaadeen inay ila qoslaan, iyagoon garanayn sababta aan ku qoslayo. Bal sawiro adigoo aan af-soomaali garanayn oo qof lagu yidhi Somaliland buu ka yimi aad istidhaahdo si aad isu fahamtaan uun u muuji inaad taqaanno afka Soomaaliga oo aad u tiriso xaafadaha Hargeysa; Jameecada, Xero-Awr, Baarliin, Daami, Badda Cas iyo in badan oo kale oo waliba aad ku celceliso! Waa sida heshay qoraaga ee uu u subciyay xaafadaha Jabuuti, si uu u tuso inanta in uu garanayo wax Af-Faransiis u eg! Habka uu u dhigay baa in badan ka tebin qurux badan taydan!
Buuggu wuxuu dheer yahay kuwo badan oo noociisa ah tebinta suugaaneed iyo sifeynta dhacdooyinka oo ah hal-abuur kale oo uu qoraagu ku bandhigayo waayahaa kala duwan. Qoraagu wuxuu ku dhiirraday run-ka-sheegga dhacdooyinka nololeed ee soo maray oo inta qoraa Soomaali ah laga helaa ay yar tahay. Wuxuu I xasuusiyay taxanihii nololeed ee macallinkaygii Saxaafadda iyo saaxiibkaygii koowaad, Ilaahay ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir. Waxay iska shabbahaan gudbinta tooska ah ee ku-dhacu ku ladhan yahay.
Ma dhammayn karo, mana rabo inaan gawl-gawlo oo qof kastaa isaga akhrin doona’e, aan idiin daayo akhriskiisa. Buuggu ma dhaliil la’a, waxaanan aamisanahay in summadaha qoraalka si ka wacan loo dhigi kari lahaa. Waxa meelaha qaarkood aan is-waafaqsanayn calaamadaha, sida calaamadda xigashada, hakadka IWM oo aan isleeyahay waa la horumarin karaa. Waase in kooban in la tilmaamo oo waxaaba bogaadin mudan in la weeleeyo dhacdooyin noocan ah.
Sabab la’aani ma jirto oo qoraalka buuggu sabab bay ku timi. Sababta uu qoraagu ka lahaa waa gaar, waxaase badan inta akhristuhu kala soo baxayo. Aniga Barkhad ahaan waxa iiga soo baxay oo aan buuggan ka bartay arrimahan soo socda;
Hal-adaygga iyo ku-dhaca qoraaga oo waxaaba dersi ah, marna qosol ah habka uu muddo toddoba maalmood ah isagoon Bristol joogin uu ka midho dhaliyay yoolkiisii! Hal-adayg waa ka sara-joog iyo fadhi-ba u diiday saaxiibkii Cabdirisaaq Alfa! Waa ka yidhi ku shaqayso gaadhi oo kaga dhex shaqee magaalo aanad waligaa arag! Ku-dhacu qoraagu waa ta uu uga hadhi waayay waxbarasho jaamacadeed ee si kasta oo waayuhu u qaseen uu u waday muddo toban sanno ka badan, ilaa uu dhammeeyay derejada koowaad ee jaamacadda. Hal-adayggiisu waa kuwo aanan taxi karin ee aad buugga ugu tagi doonto.
Dersi kale ayaa ku jira oo aan filayo in dadka laga helaa ay yar tahay! Waa kaalinta ‘Saaxiibku’ ku leeyahay nolosha iyo sida dadkii ay isku gedaha yihiin uga nasiib badnaayeen kuwa imika da’yarta ah oo saaxiibnimadooda kadabkeed go’ay! Saaxiibnimadu wakhtigaas garab iyo ehel kasta iyadaa ka sokaysay, buuggaa ka marag ah! Waxaana tusaale u ah, habkii qoraaga saaxiibbadii ay koodhka iyo tayga cas ba ugu bixiyeen markii uu u sheegay inuu dhoofayo! Waxa marag ka ah, sida ay tabaabushe iyo taakulo ba ula garab istaageen markii uu qaaradaha isaga gudbayay! Waa kuma saaxiibka maanta dharkuu xidhnaa suuqa kuugu bixinayaa! Haddaad saaxiibkaa ka nabad gasho sharkiisa, ayaad buro siddaa! Waa sida loo badan yahay, wayse ay jiraan saaxiibbo wanaagsani. Waxaan kala baxay cashar kale oo ah ixtiraamka uu qoraagu siiyay Mr. Hebel. Gobonnimada iyo sooryada aan wakhtiyadaa suurtogal ahayn iyo hannaanka uu u qariyay aqoonsigiisa! Mr. Hebel buugga ayaa iskiin bari doona.
Ugu dambayn, waxa Iyana bogaadin leh oo dersi kale ku jira hannaynta iyo deeqsinimada qoraaga ee xuska kaalintii iyo garabkii ay xaaskiisu siisay! Waa dhacdooyin naadir ah in ninka Soomaaliga ahi uu qiro garabka ay lammaanaha noloshiisu siiso wakhtiyada adag! Marraa waaxid, lama bakhaylin ee waa xusay oo xusuustay, isla markaana bogaadiyay. Waa dersi kale oo tusaale u ah in diric kali ahaantii, aanu daleel guusha ka helin! Wax badan oo intaa aan kor ku sheegay ka badan ayaa ku duugan buuggan. Ma dhiirigelinayo in la suudalo amma nafta khatar intaa le’eg la geliyo! Mana lihi waa jid qof kastaa inuu maro tahay, waxaanse leeyahay waa safar duruus badan laga baran karo. Waa intaa intaan ka odhanayo Doolaal ee bal idinna ila eega oo ka gunta inta ilaah idinka waafajiyo. Ha ergisan ee iibso buuggan iyo buugaagta kale ee qoraayadeenu wakhtiga geliyeen, si adna aad aqoon iyo xog u dhaxasho, Iyana u dhiirigeliso.
Barkhad M. Kaariye