Cadho iyo Musbaar: Sheeko Xikmadaysan! (WQ: Cadnaan Shaadiro)

Waa waayada ka mid ah ayaa waxa jiray wiil yaroo aad u xanaaq badnaa. Dabeeto, odaygii dhalay baa wuxuu doonay inuu si xikmadaysan uga biiyo dabeecad xumadda kiisa yar.

Sidaa daraadeed, odaygiiba wuxuu siiyay kii yaraa bac dhan oo masaabiiri ka buuxdo. Wuxuuna u sheegay in markasta oo uu cadhoodo in uu musbaar ka taago loox guriga dayrkiisa ku yaalay. Maalintii kowaadba, kii yaraa wakaas 40 xabo oo musbaar ah looxii yaraa ku dhajiyay.

Haddaba markii uu dhawr todobaad siddaas uu samaynayay, ayaa kii yaraa wuxuu bartay in uu xakameeyo cadhadiisa. Aayar, aayar baaney masaabiirtii uu looxa ka taagayayna usoo yaraanaysay maalinba maalinta ka dambaysa; Ilaa uu gaadhay heer aanu cadhooninba. Arrinkii baanu aabihii uga xog waramay halkay xakamayntii cadhada isla marayeen.

Odaygiiba, dabeeto, kii yaraa wuxuu ku yidhi, “Haddaba, waxaad iminka samaysa maalin kasta oo aad cadhadaada xakamayso, musbaar ka mid ah masaabiirtii aad looxa ka taagtay, kasoo fuji.” Kii yaraana siddii buu yeelay ilaa uu masaabiirtii oo dhan uu dib uga soo wada guray looxii, kana soo wada dhameeyay

Markuu sidaa yeelayna, odaygii aabihii baa u yeedhay oo kii yaraa ku yidhi, “Bal eeg aabo hadada, looxu ma isku mid baa hadda iyo ka hor? Ma arkaysa waxa dalool ku yaal? Haddaba, waxaad ogaataa markastoo aad hadasho adoo cadhaysan, inay ka dhigan tahay adoo qof musbaar ka taagay oo daloolka aan abid ka ba’aynin kaga tagay”.

Arooryo Suuban