Calanka Buluuga ah ee Somaliya halkuu ka yimi? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

1936 Talyaaniggu isagoo doonaya in uu isku fidiyo geeska Afrika, kana hirgeliyo Imbaraadooriyad uu leeyahay wuxuu dagaal ku qaaday Itoobiya isagoo kagga yimi dhinaca wal-waal iyo dhinaca Ererteriya iyo Adwa , muddo kooban ka dibna talyaaniggu wuxuu wada qabsaday guud ahaan Itoobiya.
Hadaba Talyaaniggu markuu wada qabsaday Itoobiya 1938 wuxuu sameeyey Gobolo uu u qaybiyay dhulkii uu haystay oo ka koobnaa Xeebaha Ereteriya ee Badda-cas ilaa xeebaha Kismaayo ee juba-land, waxaanu goboladdaa ku saleeyey qowmiyaddo mid waliba leedahay xarun u gaara ah iyo calan, iyadoo magaca guud ee goboladaasi hoos tagayaan ahaa , Italian Impire in east Africa.

Sidda idiinka muuqata khariidadan hoos ku qoran goboladii talyaaniggu sameeyey waxaa ka midda Gobolka Soomaalidda oo ahaa Dire-dhabe ilaa Mogdisho , ama hadaynu si kale u nidhaahno Soomaaliyadda Mogdisho iyo Soomaalidda ku hoos nool Itoobiya , Gobol Ereteriyaha ah , Gobolka Herer , Gobolka Orroma ama Gaalla iyo Gobolka Amhara .
Gobolkii Soomaalidda , Talyaaniggu wuxuu caasimad uga dhigay Mogdisho , waxaanu u sameeyey Calan buluug ah oo dhexda ku leh xidig shangees ah , sidoo kale goboladda kale ee uu sameeyeyna wuxuu u sameeyey calamo u gaar ah.
Markii dagaalkii 2aad uu ku jabay Talyaaniggu , ingiriiskuna gacanta ku wada dhigay Itoobiya iyo Soomali guud ahaan ayuu markii ugu horaysay keenay fikraddii Soomaali wayn oo uu la magac baxday Belvin Plan , waxa kale oo ingiriisku taageeray Xisbigii SYL oo markii horre la odhan jirey SYC , iyadoo xisbgaa la dhaqaajiyay mudadii ingiriisku haystay Mogdisho , waxaana xarumo looga furey Jigjiga , Diredhabe iyo Mogdisho , ujeedada ururkuna waxay ahayd hirgelintii soomaali wayn ee ingiriisku doonayay.
Xisbigii Syl maadaama ujeedadiisu ahayd in uu soomali mideeyo ka hor intii aanu ka hor imanin qudhiisu qorshihii ingiriika ee Somali wayn , wuxuu qaatay calankii Talyaanigu u sameeyey Gobolkii Soomaalidda ee geeska Afrika.

Cidii doonaysa in ay xogtaa oo saxa aragtaana ha daawato filimaddii Talyaaniggu duubay waagii uu haystay Itoobiya 1936 , ha akhriddo buugaagtii waayadaas la qorey amaba magtabadaha Itoobiya iyo Talyaanigga haka soo dheehato xogtaas oo dhamaystiran .
Si kastabana ha ahaatee , taariikhaha kale ee calankan loo sameeyaa waa kuwo la buun buuniyay mudadii ay dhalatay jamuuriaydii Soomaalidda ee burburtay xiligaas oo taariikhda wax badan lagga badalay.