Ilaa goorma ayuu socday Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Dr. Gaboose iyo Madaxwayne Biixi?

Labada siyaasi ee Madaxwayne Muuse Biixi iyo Dr Mohamed Abdi Gaboose waxa ay ka wada tirsanaayeen ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM , oo ay labadooduba xubno firfircoon ka ahaayeen walow gaboose ahaa dadkii xiliga dambe soo talaabay.
Muuse Biixi cabdi waxa uu ahaa shirgudoonkii shirkii baligubadle ee lagu doortay Gudoomiyihii SMM ee ugu dambeeyey mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali , halkaasi oo uu ku kasbaday magac iyo sumcad badan, markii dalka la xoreeyeyna ee 1991kii Burco lagu go’aamiyey in ay xukuumada SNM hogaanka hayso laba sanadood , Muuse waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii xukuumada ka hor yimid.

Muuse Biixi waxa uu ahaa dadkii abaabulayey in shir la qabto Somaliland isugu timaado si loo dhiso xukuumad kale isaga iyo kooxdii calancasta ahayd ee ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland ee hada maxamed kaahin iyo rag kale oo badani , waxaana sida taariikhda ku xusan ay ahaayeen nimankii Cigaal uga yeedhay dalka dibadiisa.

Muuse Biixi cabdi waxa uu ahaa gudidii dabada ka riixaysay shirkii Borama isla markaana waxa uu ka mid noqday gudiyadii shirgudoonka ee shirkaasi waxaana uu ahaa xubnihii cigaal watay ee ka hiiliyey cumer carte qaalib oo isaguna ahaa murashaxa labaad ee ugu miisaanka weyn , marka laga reebo Cabdiraxmaan Tuur oo ay hore uga hor yimaadeen.
Xukuumadii Borama lagu soo dhisay ee Madaxweyne Cigaal Muuse Biixi waxa uu ka noqday wasiirkii ugu miisaanka weynaa , oo ahaa wasiirka arimaha gudaha, halkaasi oo uu xilka hayey laba sanadood , dabadeedna ay is khilaafeen Madaxwayne Cigaal oo xiligaasi rabay in uu dagaalka sokeeyaha soo afjaro haddana mar labaad ayuu soo celiyey Muuse Biixi Cigaal mudo yar gudahood oo haddana xilka ka qaaday taasi oo Muuse Biixi ku beertay cadaawad hor leh iyo dagaal siyaasadeed oo Madaxweyne Cigaal mudo kula jiray.
Sanadkii 1997 shirkii beelaha Somaliland ee sadexaad ee lagu doortay Madaxweyne Cigaal Dr Gaboose waxa uu ka mid ahaa shirgudoonkii shirka gudoominayey isla markaana dadkii nabadaynta dagaalka sokeeye ka shaqeynayey ayuu hormood ka ahaa markii xukuumada Cigaal soo dhisayna waxa uu noqday wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo ahaa mansab ka ugu culus .

Dr Gaboose sidaasi oo kale ayuu Cigaal xilka uga qaaday isaga oo aan ka warqabin wax khilaaf ah oo jira dabadeedna waxa uu iska yagleeshay dhakhtar iyo in uu mihnadiisii caafimaad ee dhakhtarnimo ku shaqeysto halka Muuse Biixi na Beer sameystay geelna dhaqday sidaasi ayey mudooyinkii dambe ee cigaal noolaa dibad joog kaga ahaayeen siyaasada.

Markii la yidhi waxa la furayaa ururada siyaasada sanadkii 2001dii ayey sameysteen urur siyaasadeedka sahan siyaasiyiintii xukuumada cigaal ka baxday ee uu badelay badankoodii waxaana loo bixiyey cadho ururtay , ururkaasi ayaa hogaankiisii ay isku qabsadeen koox uu Muuse Biixi ka mid yahay iyo Koox uu Gaboose hogaaminayo waxaana laga dhaqaajiyey kooxdii Muuse, oo ururkii waxa u hadhay Gaboose, halka ay Muuse Biixi iyo iskeerse iyo rag kale tageen kulmiye oo markaa la aasaasay.
Tartankii ururada siyaasada ee dabayaaqadii 2002 ka dib ururadii hadhay waxa ay ku kala biireen axsaabtii soo baxday , Dr Gaboose ururkiisii waxa uu ku daray Udub halkaasi oo uu rayaale gorgortan kula galay xataa uu mar isku dayey in uu Madaxweyne ku xigeen u noqdo sida uu ku eedayn jiray Maxamed Ismaciil Bulaale dhawr goor oo gaboose dhaliilo u jeediyey xisbiga udub.
Dr Gaboose waxa uu sameeyey urur siyaasadeedka Qaran isaga iyo rag kale oo ay ku mutaysteen xadhig mudo dheer ah xiligii ay talinaysay xukuumadii uu hogaaminayey Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin , markii la soo daayey ayey heshiis la galeen kulmiye i ururada siyaasada loo furo marka uu ku guulaysto kulmiye talada.

Markii Kulmiye ku guulaystay talada dalka sanadkii 2010 kii Dr Gaboose waxa uu mar labaad noqday wasiirka arimaha gudaha Somaliland, isaga oo xilkaasi haya mudo sanad iyo dheeraad ah ayaa dalka laga bilaabay olole lagu doonayo in ururadii siyaasada la furo , taasi oo uu ka biyo diiday Gudoomiyii Kulmiye oo ahaa Muuse Biixi , dabadeedna gaboose ayaa 16 -04-2011 si adag ugu jawaabay Muuse Biixi oo ahaa Gudoomiyaha xisbiga ay xukuumadu ka soo baxday , isla markaana waxa hirgalay rabitaankii Dr Mohamed Cabdi Gaboose ee ahaa in ururadii la furo.

Markii fursadaasi bislaatay Dr Gaboose waxa uu iska casilay xilkii wasiirka arimaha gudaha Somaliland isaga oo aasaastay urur siyaasadeedka Umadda oo ka qayb galay tartankii ururada siyaasada ee sanadkii 2012kii waxaana uu ahaa ururkii ugu hadalada iyo mucaaradka adkaa ee sida adag u dgaliili jirey xukuumadii Kulmiye ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa halkaasi oo gaboose aad looga qaniinay.
Markii ururadii la kala saaray ayuu Dr Gaboose ururkiisii waxa uu ku daray isaguna ku biiray Xisbiga Waddani kaasi oo ahaa axdigii beesha habaryoonis ay ku soo galeen Daalo oo ahaa ninka soo baxa in lagu wada biiro , waanay fuliyeen qoladii Udub ka saqiiray iyo Dr Gaboose ba.
Tartankii madaxnimada ee ugu dambeeyey inkasta oo aanu Gaboose aad uga dhex muuqan kaambaynadii hadana waxa loo tuhmayey mus dambeedka xisbiga Waddani, iyada oo aan Dr Gaboose in mudo ah la arag ayuu ka soo dhex muuqday shirkii caadidadaysnaa ee Gacan libaax isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro ba , walow aanu aheyn dadka abaabulka iyo hormoodka ka ahaa.

Dr Gaboose waxa ku jira damaca hogaaminta qaranka Jamhuuriyada Somaliland isaga oo soo hogaaminayey 3 urur siyaasadeed oo aanu midna ku guuleysan in uu xisbi u soo baxa , maanta waxa uu ka mid yahay dadka ugu haboon hadii ay fursad hogaamineed helaan ee qarankan hogaamin lahaa , taasi oo uu ahaa dadkii soo dhaweeyey in ururada siyaasada la furo.

Madaxweyne Biixi ayaa lagu tilmaamaa shaqsi aan ilaabin wax badan isla markaana ay soo baxday in uu iska ilaalinayey Gaboose , ka dib markii uu shalay Madaxwayne Muuse Biixi ka dareen celiyey sawir baraha bulshada wareegayey oo dhakhtarka iyo Dr Gaboose dhaliil loogu jeedinayey , kaasi oo soo saaray calool ku haynta Madaxweyne Biixi , isla markaana uu Dr Gaboose lagtiisu ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha .

Dr Gaboose iyo Madaxweyne Muuse Biixi way is huran yihiin oo saaxada siyaasada kuma kala maqnaanayaan , taasi oo waji kale iyo dardar kulul oo siyaasadeed ku soo kordhin karta xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo aad moodo in ay si isaga hurdaan.

” Herdida iyo Haraatidu intan dadka caadiga ahi arkayaan waa mid ka fog “
( Rag baa siyaasada u abtiriya una odayo sheegta )

WQ: Muxamed Dhimbiil