Caqligeenu waa mid aan koriin samaynin! (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Caqligeenu waa mid aan koriin samaynin ”.

Dhul-mareenkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Burton , ayaa wuxuu ku sheegay buugiisa First foots in eas africa ” Arladdu waa wada bahal , waxaana ku badan dugaaga halista ah sidda ,Libaaxa , shabeelka iyo kuwo kale , nin kasta oo Soomaali ihina wuu hubaysan yahay , mar walbana waa nin feejigan oo hareeraha iska eegaya , cabsida ugu wayn ee haysaana , waa nin kale oo Soomaaliyeed oo uu iska eegayo .

Dhinaca kale , Sarkaal Milateri oo ka tirsanaa Ciidamada Ingiriiska ee Sal-dhiga Cadmeed oo la odhan jirey Swayne , ayaa Buug uu qoray 1876 wuxuu ku sheegay in Dawladda Ingiriisku joojisay dagaal waagaa ka dhex socday beel gudaheed Deegaanka Bula-xaar , Beeshaas oo dagaalkaas dhexdeeda ka dhacay isugu gaysatay khasaare balaadhan .

78 sanadood ee Ingiriisku arladan joogay , aragtida ugu wayn ee u faafi jirey na waxay ahayd in uu ku celcelin jirey , in dadka dhulkan Somaliland sababta ula joogaa ay tahay in uu kala ilaaliyo oo kala celiyo si aanay isu dhamaynin .

Abwaankii wadaniga ahaa ee C/laahi Suldaan , oo ku faraxsan xoriyadii 1960 , isla markaana xusaya hadalkii ingiriisku waakii lahaa ,

”Waa aydaa is cunaysoo ,
waan ilaalinayaadii ,
isticmaarku lahaa ”

Iyadoo markaa Abwaanka arrintaas ilaalintu ugu muuqatay dacaayad iyo liidid isticmaarku faafinayay .

Si kastaba ahaatee , 70 sanadood ka dib tegistii Ingiriiska , markaad eegto waxaa ka socda Ceel-afwayn , iyo dadka qarnigi 21 aad ee Aduunyaddu qorshaynayso inay meerayaal kale u guurto qofba qof dilayo sidda dugaaga , waxaad ogaanaysaa in aan caqligeenu wax koritaanaba aanu samaynin ee uu yahay mid dhagaxa .