Somalilandta aan hadda arkayaa waa Mid Ardeydeeda ugu badani ay Dhigganayaan Dugsiyadda gaarka loo leeyahay “Private School”,Ma garanaayo waxa sababey in dugsiyadda Dawladda laga faano,laga dareero oo loo arko meel dugsiyadda gaarka loo leeyahay ay ka tayo aqoon iyo ilbaxnimo badan yihiin.Gadoodka Ardeyda ee aan aragney waa Dhawaaq iyo Cod toosineed oo hurdada dad badan ka soo kiciyey kuna qasbey in ay wax badan iska weydiiyaan waxbarashadda dugsiyadda dalka.
Dugsiyaddu Maaha Goobo Cabsi gelin iyo Argagixin
Waalid badan Ayaa niyadda ku haya maalin uun in ilmahoodu dugsiyada dalka ku biiro waxna ka barto,in ubbadkoodu waxbarashadda maalin uun ku biiro ayaana u ah maalin weyn waxase niyad jab ku noqoneysa waxa ay arkayaan amma ka maqlayaan goobaha waxbarashadda loo aado.Dugsiyaddu maaha goobo cabsi iyo argagax loogu tago,Marka ardeygu tegida iyo joogida dugsiga cabsi iyo isku buuq ka qaado,subax kastana dhibaato ula muuqato wuxuu ardeygeenu ka fekirayaa in uu dugsiga joojiyo kuna talaabsado wax aan wanaagsaneyn dugsiyadda qaarna laga caago.
sidda dhismayaasha dugsiyada loo qurxiyey waa in shaqada iyo u adeegida ardeydana loo hagaajiyaa.Ardey Dhawr iyo toban sanno noloshooda dugsiga joogay oo aan laheyn hab iyo nidaam hagaagsan oo ay ku sheegtaan dareenkooda la xidhiidha baahiyahooda,doodahooda iyo fikradahoodu waa nasiib xumo.kuwa cussub ee dugsiyadda aadayana waxa ay u soo diyaar garoobayaan waxbarashaddaasi.
Dugsiyo badan waxa ay xooga saarran hagaajinta xidhiidhka iyaga iyo ardeyda u dhaxeeya iyaga oo xooga saara hab dhaqanada,hab fikirka ardeyda si maskaxda ardeyda loo koriyo loona helo waxyaabaha ay jamanayaan”Ardeygu waa inuu ka garaaba kuna farxaa isaga oo ka mahadnaqayaa xornimada uu u heysto waxbarashadda iyo fikradaha xaggiisa ka imanayaa kaasi oo u oggolaanaaya in uu sameyn karo dhaqaaqyo inta uu deegaanka dugsiga joogo.Dugsiguna waa in uu fuddudeeya meel marinta arrintaasi oo aanu ku fashilmin.
Waxeynu u baahanahay Maamullayaal iyo Macallimiin aan Keli-Talis aheyn
Macallimiin ahaan iyo Maamul ahaanba waxa Maalmaha ardeyda aan wax u dhigeyna la inaga rabaa in aan tusno wanaag,naxariis iyo debacsanaan sannadka oo dhan,si ay ula halgamaan waxbarashadda tacabka iyo dedaalka uga baahan.haddii aynaan ilaalin oo aynaan dhawrin cilmi nafsiga dareen ee ardeygeena waxa iman doona jiilal iyo dufcado ka buka maskaxaha oo dhaxalka looga tagay noqdo caddaadis iyo shucuur kicin aan xad laheyn oo la korta.
Dhammaan Ardeyda Dunnidu waxa ay wax ka soo bartaan macallimiin iyo maamullayaal Maalin kasta wakhtigooda lix amma siddeed saacaddood ay la joogaan.kuwaasi oo nasiib u heysta in ay macallimiintaasi iyo maamulayaashaasi ka helaan hagid iyo tusaale wanaagsan oo ay mustaqbalka noloshooda wax ka tara.sidda loo heli karo ardey qalafsan ayaase macacllimiin iyo maamul ardeydu ka cabato loo soo mari karaa.Maamulayaasha iyo Macallimiinta aan aqoon u laheyn cilmiga waxbarida ardeyda,cilmi nafsiga ardeyda,cadaaladda,xalinta khilaafaadka,islamarkaasina aan waayo aragnimo ku filan u laheyn shaqadooda waxa ay ardeydooda dhaxalsiin donaan xanuuno nafsaani ah.Macallimiinta iyo Maamulayaasha aan khibrad ku filan shaqadoda iyo dadnimo naxariis leh aan laheyni waxa ay xasuusta ardeydooda kaga tagaan uurku taalo iyo iyo cill mustaqbalka nolosha ka saameeysa.
Nasiib darro,qaraacida,dhirbaaxida,canaanta,aflagaadada,niyad jebin,eryida aan caqli galka aheyn,ka joojinta dugsiga ardeyga waxa ay inaga noqotey wax iska caadi ah,kuwaasi oo ardeydeena heerarka kala duwani ay kala kulmaan gurigooda labaad ee maalintii.Meelo badana dunnida Ardeyda waaweyn Hablo iyo inamaba waxa lagula kacaa wax ka baxsan adeega waxbarashada,waxaasi oo dhana waxa u sii dheer ardeygeena iyada oo aan waalidkii aqoon badan laheyn culeys badana lagu saaro in uu heerar sarre iyo darajo sarre kaga gudbo kuna baaso imtixaanada.
Dhanka Sharciga marka laga eego Macallinka Ardeyga gacanta ku haya ee loogu keenay waxbarida waa in uu ogaado ka fogaanshaha handadaada,niyad jebinta, u cago jugleynta,muquuninta,cabudhinta,waxyabahaasi oo ah kuwo maskax ahaan ardeyga u dili kara isla markaasin tamarta iyo muuqa intaba ka burburin kara,Macallin kasta iyo Maamul kasta oo ardeyga si ku tacadi leh ula dhaqmana waa in sharcigu ganaax iyo xadhig u diyaariyaa.illaalinta Ardeygeena Waalidka,Bulshadda,Macallinka,Maamulka iyo Dawladdaba xil baa ka saaran.
Su,aasha is weydiinta leh waxa ay tahay Ardeygeena ma loo tababara xornimo fikir iyo xorriyad hadalka,mase sheegan karaa wuxuu ka cabanaayo amma diidan yahay,Macallimiinta iyo Maamulayaasha dugsiyaduse ma yihiin kuwo ka garaaba fikirka iyo cabashadda ardeygooda oo maqla,mise waa kuwo markasta isla saxsan oo cabsi gelin badan.Waalidkuse ma la socdaa dhibta nafsadeed ee dugsiyaddu ku hayaan ilmahooda.Ardey badan wey ku adag tahay in ay wax u sheegaan amma kala hadlaan maamulayaasha iyo macallimiintaba ka dib markii jawi cabsi gelin ah lagu beeray.Dhab ahaantii edbinta iyo hagaajinta akhlaaqada ardeydeenu waa mid meesha ku jirta waxase isweydiintu tahay hab nooce ah ayaa loo marayaa hagaajinta ardeyga.
khabiirada iyo waayo araga dhanka tallada amma cilmi nafsiga ah waa in dugsigu yeesha loona sameeya,Macallimiinta iyo Maamulayaashana waa in shaqada loo ogolaada ka dib marka la dhameystiro baadhidooda la xidhiidha kartida iyo waayo aragnimadooda shaqada.Waalidkuna waa in ay xidhiidh toos ah la leeyihiin dugsiga isla markaasina ay ilmahooda wax weydiiyaan oo aaney keliya xafiiska iyo macallinka amma maamulaha ku kalsoonaan,kuwaasi oo ku taageri kara marka ilmahoodu ka soo horjeesto kana hadlo tacadi gef ku ah oo lagula kacay.
WQ: Cabdifataax Maxamed Axmed
Ceelaabe_10@hotmail.com