Murti Laga Reebay Dad Maangal ah, Q.7aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

= “ Qofka laguma qiimeeyo dharka uu xidhan yahay, lacagta uu haysto iyo waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo, balse waxa lagu qiimeeyaa ficilka wanaagsan ee uu sameeyo iyo jacaylka uu u qabo bulshada uu la nool yahay”. Elia Abu Madi

= “ Xifti wax kasta oo wanaagsan oo naftaada farxad geliya adiga oo ka yeelaya mid ku qarsoon laabtaad, waayo wax walba oo ay dadku ogaadaan way fasahaadaan xittaa haddii uu shaygaasi yahay mid kulligood anfaca.” George Bernard Shaw

=” Barakadu waa ciidan qarsoon oo ka mid ah ciidamada Alle kuwaasi oo loo soo diro cidduu Eebbe la doono. Haddii ay gasho maalka way kordhisaa, carruurta way hagaajisaa, jidhka xoog ayey u yeeshaa, cimriga way qurxisaa, qalbigana farxad ayay ku reebtaa”. Lama garanayo cidda tidhi.

= “ Awooddu ma aha oo keliya hadalka aan nidhaahdno iyo ficilka aan samayno, ee waxa ay mararka qaar ku jirtaa waxa aynu ka aamusno, waxa aynu kaga tegno rabitaankeenna iyo waxa aynu iska indha-tirno oo dhan”. Nelson Mandela

=” Qayb dadka ka mid ahi waxa ay hadyad kaaga dhigaan jaceyl iyada oo aanay jirin wax aad siisay, halka qaar kale oo badan ay dhibaato iyo xannuun hadyad kaaga dhigaan ka dib markii aad wax walba ku bixisay gacantooda”. Naguib Mahfouz.

= “ Haddii uu doqonku akhriyo buugaag badan oo doqonnimada ku saabsan oo la qoray wakhtiyo hore, waxa uu markiiba isu beddelaa doqon dhib badan oo halis ah maxaa yeelay wuxuu noqdaa doqon ku kalsoon naftiisa isuna arka inuu yahay midka ugu wanaagsan, waana halka ay masiibadu maanta ka billaabmatay”. George Bernard Shaw.

= “ Maalmaha Ilaahay qofna ma beddelaan laakiin waxa ay soo saaraan xaqiiqada dadka. Qayb ka mid ah dadkaasi wuxuu wakhtigu ku siyaadiyaa qurux dheeraad ah halka kuwa kale uu si dhab ah u soo saaro karti darradooda”. Lama garanayo cida tidhi.

= “ Haddii aad doonayso in aad jawaab fiican kala kulanto dadka kugu hareeraysan, waxa ugu horreyn kula gudboon in aad adigu laf ahaanaada aad su’aal wanaagsan weydiiso qofka aad la hadlayso adiga oo dhawraya anshaxa iyo ixtiraamka gaarka ah ee shakhsigaasi kaa mudan yahay”. Lama garanayo cidda tidhi.

= “ Waxbarashadu waa baasaaboorka safarkeenna mustaqbalka, waayo berrito waxa taliya kuwa maanta ugu diyaargarooba wakhtigooda inay wax bartaan”. Malcolm X.

= “ Haddaad qofka kula sheekaysato luuqad uu fahmayo waxaad la wadaagaysaa garashada caqligiisa, laakiin haddaad kula hadasho luuqaddiisa hooyo waxaad si toos ah u garaacaysaa albaabbada qalbigiisa”. Nelson Mandela.

= “ Kuma hammiyo in aan noqdo ninka ugu taajirsan adduunka, laakiin waxaan ku dedaalaa in aan furaashkayga ku noqdo habeenkii aniga oo dareemaya in aan maalintaasi qabtay waxyaabo aad u wanaagsan”. Steven Paul Jobs.

= “ Dabicii ahaan waad illowdaa qofka qosolka kula wadaagay wakhtiyada barwaaqada, laakiin marnab ma illowdid qofka xannuunka kula qaybsaday xilligii aad mugdiga ku jirtay.” Lama garanayo cidda tidhi.

= “ Dadka ku jecel uma baahna in naftaada loo sharraxo halka kuwa ku neceb aanay faa’iido u lahayn qofka aad tahay xitta haddii kun jeer loogu celiyo”. Malcolm X.

= “ Hab-dhaqanka insaanka waxa sal u ah qalbiga, sidaasi darteed qofkii uu dhaqankiisu wanaagsan yahay waxa wanaagsan qalbigiisa”. Gibran Khail Gibran.

= “ Uma qoomamoodo qofka aan u maleeyey saaxiib ee I khiyaameeyey, sidoo kale uma qoomamoodo qofka aan u maleeyey xabiib ee iga fogaaday, balse waxaan ka qoomamoodaa qofka aan u maleeyey cadow ee I caawiyey”. Dr Mustafe Mahmoud.

= “ Xidhiidhka dadka idinka dhexeeyaa waa sida caleenta geedka oo kale: waxa ka mid ah mid baaqi ahaata oo midho dhalasha iyo mid soo dhacda oo aan dib u soo noqon”. George Bernard Shaw.

= “ Haddii aad ii nasteexayso aniga oo kaligay ah waad I wanaajisay, laakiin haddii aad dadka hortooda iigu nasteexayso waad I fadeexaysay oo karaamaddaydii ayaad meel kaga dhacday”. Imaamu Shaafici.

= “  Waxaan tijaabiyey shaqooyin nooc kasta leh oo naftayda mashquul ka dhigay, oo in badan waxaan dareemay daal shaqada ah o oculus, waxaan se ogaaday in firaaqadu ay ka daran tahay dhibka ay shaqadu leedahay.” Ali Al Tantawi.

= “ Waddada keliya ee dumarka lagaga adkaan karo waxa ay tahay adiga oo ka dhiga gabadha mid ku jecel, maxaa yeelay marka ay si dhab ah kuu jeclaato gabadhu waxa ay ku qanacdaa hadalka aad tidhaadho iyada oo aan wax dood ah ka kuula iman”. Dr Musfate Mohmoud.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

La soco…………………………