Daauud Cali Masxaf: Heesaagii, Codyaqaankii iyo Suugaanyahankii Galbaday Q.1aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Daauud Cali Masxaf: Heesaagii, Codyaqaankii iyo Suugaanyahankii Galbaday (Qormada 1aad)

“Heestiisii Kowaad.. Heestii Laxanka Uu Ku Saaray Muddada Ugu Kooban Ku Saaray.. Heestii uu Ku Codeeyay Muddada Ugu Dheer”

Maanta oo Sooyaalku yahay 24kii Jeneweri 2020ka ayaan warbaahinta ku arkay geerida heesaagii, laxamaystihii iyo suugaanyahankii caanka ahaa ee Daauud Cali Masxaf Eebbe godka ha u nuuro oo ku geeriyooday magaalada Jijiga ee xarunta dawladda Soomaalida Itoobiya. Waxa aan tacsi u dirayaa ehelkiisii, qoyskiisii, bahda fanka iyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Barnaamijkii fanka iyo suugaanta ee BBCda ayaa hilaad ku siman 2000 waraysi la yeeshay Daauud Cali Masxaf, waxaanu ka warramay waayihiisa faneed. Waa barnaamijyada laga joojiyay laanta Soomaaliga ee BBC muddadan dambe. Daqiiqadahaas ayaan si wanaagsan u dhuuxay. Sannadkii 2011ka oo aan Hargeysa isku aragnay ayaan waraysigaas xasuusiyay, waxa uu u bogay sida aan u xafiday.Bandhiggii buugga Samadoon ee Abwaan Ismaaciil Yusuuf Cabdi (Jiheeye) oo Jaamacadda Hargeysa lagu qabtay ayaannu markaas ku kulannay. Sannadkii 2012ka waxa aanu ka wada qayb-galnay afartan-guuradii qoraalka Afka Soomaaliga.

Labadan qormo ee gole-ka-fuulka ah waxa aan ku milicsan doonaa xogtii uu waraysigaas ku tebiyay muddada laga joogo labaatanka gu’. Weydiimaha loo bandhigay waxa ka mid ahaa heestii kowaad ee uu ku luuqeeyo, waxaanay ahayd:

 

Wax dhintaad ka samirtaa

Rejo waa la dhawraa

Wixii dhumayna doondoon

Yaad is dhiirrigelisaa

 

Dhabbaan ceel tegayn baan

Geel ku dheelmiyaayoo

Dhalandhool harraad baan

Nafta dhiganayaaye

 

Dhici weyday sidan rabay

Dhaawicina dillaacyoo

Waa dhaboobay jacaylkaan

Dheeldheelsanaayee

 

Dhagax dhuunta kama dego

Dhaayahaad ku aragtaa

Dhulka meesha doogga leh

 

Anna dhaawac baanoo

Dhibtu waygu badatoo

Dhidid iyo kulayl baa

Dhabannada ka da’ayee

 

Dhici weyday sidan rabay

Dhaawicina dillaacyoo

Waa dhaboobay jacaylkaan

Dheeldheelsanaayee

Fannaaniin kale oo badan ayaa dib u qaaday heestaas.

Heestii uu muddada ugu kooban laxanka iyo codka ku saaray waxa uu ku sheegay heesta la yidhaahdo Nuura. Waa hees caan ah.

 

Waa kuwan meerisyadeedi:

 

Nuuraay naruurooy

Nabad iyo nasteexiyo

Nugul caashaq beeriyo

Waxaad tahay naq iyo doog

 

Neecaw udgoon iyo

Nuurkii indhaha iyo

Qalbi-naaxintaydiyo

Waxaad tahay nur ii baxay

 

Aayihii naftaydaay

Nasiib tuu i siiyaay

Aan nolol wadaagnee

Ila naaxi caashaqa

 

Nuuraay Naruuroy

Nacab xaasidaa jira

Jecel nabarradeennoo

Neceb wada-jirkeennee

 

Nuxnuxlaha warkiisiyo

Garo naar afuufkuba

Inuu yahay nuxuus iyo

Nabaad-guurka caashaqa

 

Aayihii naftaydaay

Nasiib tuu i siiyaay

Aan nolol wadaagnee

Ila naaxi caashaqa

Isaga oo heestaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Gabadh uu haasaawe naga dhexeeyay ayaan u qaaday. Waxaanay door ka qaadatay guurkayagii”

Marxuun Daauud Cali Masxaf oo la weydiiyay heestii uu muddada ugu dheer laxanka ku saaro ayaa yidhi

 

La soco qaybta labaad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

siciidgahayr@gmail.com