Buuggii Waayahaygii Xabsiga iyo Bandhigga Buugaagta Caalamiga Ah Ee Masar (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Buuggii Waayahaygii Xabsiga iyo Bandhigga Buugaagta Caalamiga Ah Ee Masar

Dhigane magaciisu yahay ‘Waayahaygii Xabsiga’  oo aan ka qoray xabsiyo iyo xaalado kala geddisan oo isoo maray 2006da illaa 2019ka ayaa markii kowaad ka qayb gelaya Bandhigga Buugaagta Caalamiga Ah Ee Masar, waxaanu dhawaan soo gaadhi doonaa Geeska Afrika. Waxan u mahadnaqayaa bahda Hiil Press oo si buuxda u maareeyay daabacaaddiisa iyo masuuliyaddiisa.

Abwaan Salaan Carrabay ayaa yidhi

“Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e”

Marka si xeerka baalmarsan gudaha laguu dhigo, ee aad iska soo baxdo adiga oo aan adigu lagu daw marin, waxa ay cadhadu kugu qasbi kartaa inaad xabbad qaadato, inaad geeddi gasho oo dhulka hayaanto, inaad dibnahaaga haysato oo aad la-hayste ahaato iyo in lagu baraqjebiyo. Waxa kale oo dhacda inaad heshiis la gasho ciddii xadgudubka samaysay oo aad xantoobo ama xil yar dhaafsato qiimahaagii.

In aan xor ahaado ayaan se ka doorbiday, aanan xanaaqin, xogtana aan qalin ku gudbiyo. Heerka caddaaladda, awoodda dawliga ah ee gurraca loo adeegsado, ku tumashada xuquuqda aadamaha, xeer-jebinta badheedhka ah iyo gefka la barriinsaday ayuu diiradda saarayaa. Masuul kastana marinkiisa ayuu marinayaa..

Beri aan 80 iyo dheeraad cisho xidhnaa ayaan niman maxaabiis ah u mariyay maanso ku socotay dadkii taxaabista doorka ku lahaa, waxa ay yidhaahdeen “Inta aad xidhnaydba tan ayaa ka culus”.

Wuxuun baa igu leh dhawr nin oo aanan halkan ka sheegaynnin ayaa codsan doona inay jumlad ahaan ku gataan marka la daahfuro ama aan la bandhiginba. Ma se dhacayso oo dadka wuu gaadhayaa insha Allah!