Virus ka, ka dillaacay China khaasatan magaalada Wuhan , aduunka kale na meelo ka mid ah gaadhay isu socodka dadka awgood . Inaga laftigeenu khatar ayaynu ugu jirnaa maadaama, oo China aynu aad ugu badannahay haddii ay ganacsi noqoto iyo haddii ay dhalinyarta waxbarashada ugu maqan tahay oo waqti kasta dalka imankara , iyaga oo Virus ka sida . Allah iyaga iyo inagaba ha inaga hayee.
Virus kan oo loo bixiyay 2019 nCoV ama “2019 “novel Coronaviruse waxa uu ka mid yahay family ga ama bahda virus yada loo yaqaan Coronaviruses , wuxuuna noqonayaa noocii saddexaad ee qoladaa Coronaviruses dhibaato illaa dhimasho gaadhsiisan keena . waxa ka horreeyay labada nooc ee SARS iyo MERS oo iyana dhimasho badan geeystay waqtiyo ay dillaaceen.
Virus kani waxa uu ugu dhacayaa dadka sidii caadiga ahayd ee hargabka balse waxa uu u gudbi karaa sanbabada oo uu keeni karo oof khatar ah oo dhimasho gaadhsiisan , iyo shaqo joojinta xubno muhiim ah oo keliyuhu ka mid yihiin.
Hadaba aniga waxa ay ila tahay in anaay yarayn khatarta aynu ugu jirno Virus kaasi in uu inasoo gaadho , isu socod ka dalkaa inaga dhexeeya oo aad u sarreeya awgeed. Inaguna ma nihin dad iska dulqaadi kara xanuunada dillaaca ; siiba kani maadaama oo uu neef mareenka ku dhacayo System keena Oxygen supply gana aad ka war haysaan , waa inagu khatar.
Waxa aan marka soo jeedin lahaa , in airport ka la geeyo teamam caafimaad , qof kasta oo waddanka soo galana xumaddiisa la cabbiro , qofkasta oo xumaddiisu sarraysana aan dadka lagusoo dhex dayn ee muddo laba week ah meel gaar ah lagu hayo si loo hubiyo xaalasdiisa , iyada oo loo eegayo meesha uu ka yimi.
W/Q Dr. Nasra Yuusuf Ahmed