Riyada waa humaag sawir oo ruuxdu markay maqantahay la arko waxay udhacdaa si bilaa ikhtiyaari ah oo hogaankeeda aanad maamuli Karin waxaa isku darsama qisooyin tiro badan oo aan xidhiidh iyo ujeedo la taaban karo aan lahayn,waa xaalad baaxaa dagaysa oo caqligii kala hufi lahaa aanu joogin,waa marxaladd cidii kolba kuu gacan haadisa aad iska raaci karto ma jiraan wax asal u ah oo runta iyo beenta kala saari karaa,isku soo duuduubo waxaynu ku qanacnay waa Riyo oo waxba makala ogayn xiskayguna wuu maqnaa.
Nolosha aynu haysanaa way karaamaysan tahay ilaahayna xikmadbuu ku ladhay,wuxuu alle ina galiyay damiir soo jeeda asal ahaana leh awoodii kala garashada dhibta,dheefta,xumaha,wan aaga,dareencelinta,aragtida joogta,iyo ta maqanba,waxaa uu alle inoo fududeeyay in aynu manaafacaadsano noolaha kale iyo wixii yaala aduunka korkiisa oo dhan.
bal hoos iila soo dhaadhac ujeedada isbarbardhiga waxaan u socdaa nolosha manta waxaad mooda mid riyadu rajo dhaanto xaqiiqduna tahay dheeldheel,dharaartu aanay qiimo inoogu fadhiyin,meel aynu usoconaa inoo muuqan,go-doonbaynu is gelinay,dhaan raac kolba gees looga tumo, bal maansada ila raac hoga iyo godka uu abwaanku ka sawirayo
Garta hubiya baan idhi
runta lagama hiishee,
xaqa halacsadaan idhi,
hawraarsan laga waa
Haye way ku adagtahay
wax halaabe mooyee
wax hagaaga ma ogola,
qaska way horseedaan
Xanta waw hiloobaan,
guusha ay hufnaantiyo,
si haboon ku waayaan,
xisti bay ku hooyaan,
hunguraa wax lumiyee,
hawadoodu kama foga
hasaasa maalmeed,
Ummad garawshuhu ceeb ku yahay khaladkana la isku sheegin waxay dhaxlaan nolol cidhiidhi ah oo leh mid caam ah iyo mid khaas ahba waxay xanbaaraan nolol cabasho iyo gocosho leh oo hantida kaliya ee ay haystaan ay tahay xiqdi,xaasid, xikmad laโaan go-doon.
Dadku waa iska daalaanyahay diifna way ka muuqataa inta doodaysa hadaladda duurxulka ah kolba gole isugu yeedhinaysaa dareenbay wadaagaan dagalna way wada yaaliin diirna waa iskugu yaalaa,eedbay soo xanbaareen way kala abtirsadeen ninba sawir dhawbuu hadba dhinac ka eegaa dab ayaa la kala dhex dhigay dooddoodu reerbay dabadda ku haysaa aqoonyahan culumo iyo caqligii ummadu wuu fasaqay nin waliba garashadii hadal bal aan hoos u daadago
Ganacsiyada dadku leeyihiin(Private companies) way korayaan waxaay gaadheen heerkii u wanaagsanaa marka loo eego mudada ay jireen ,magaalada hargaysa suuqa badhtankiisa waxaad ku arkaysaa dhismayaal waaweyn oo lacago badan oo malaayiin ahi ku baxeen,waxaa iska leh shirkaddo gaar loo leeyahay,shirkadahaasi waxaa ka shaqeeya shaqaale aqoonleh oo ay ku hageen nidaam wanaagsan (Strong system and accountability) oo dhisay hab dhaqan kalsooni mudan iyo isla xisaabtan joogta ah leh waxay adkeeyeen heshiisyada laba geesood ah oo shaqaalaha iyo shirkadda u dhaxeeya kaasaana lagu dhaqaa ,shaqaalahani waxay ka mid yihiin bulshadeena yaaban ee cid lagu aamino dalka wali la laayahay,Ganacsiyadaa waxaa maamula oo ilaashada cidii iska lahayd oo lexo jeclo ka qaba in ay xoolahooda daba joogaan.
Shaqaalaha noocaas ah ee leh waxsoo saarka la taaban karo horumarkana gaadhsiiyay shirkadaha ay u shaqaynayeen hadii ay ka mid noqdaan shaqaalaha dawliga ah waxaa suurtagal ah in nidaamka maamul ee burbursani qaabeeyo kana dhigo kuwo lunsiga iyo sharci jabinta la jaanqaada maadaama nidaamka la xisaabtan ka ahi aanu ka jirin hayadaha dawliga ah.
Hadaba waxaa isweydiin mudan Dalka yaa iska leh?yay dan u tahay in uu hagaago dalkani?yaa dheefteeda leh?
Cida dalkan iska leh waa shacabka waa bulshada waa dadka cida maamulka haysaana waa shaqaale oo waxay magacoodu u jiraa in ay haqab tiraan baahida shaqo ee la rabo in loo qabto,sida Biyo laโaanta ,shaqo laโaan,caafimaadka,waxbarashada,jiritaanka qaranimadda,iyo koriinka dhaqaale ee mid shakhsi iyo guudba leh .
Waxaa la isu hayaa hadii shaqaale wanaagsan oo shaqooyinkaa kasoo baxa noqon waayaan cida maamulka haysaa yaa la xisaabtamaya?
Bulshaddu waa in ay wacyiga jirra ka dharagsanaataa wax walbana uga tanaasushaa dantooda goobaha ugu wanaagsan ee in xil la iska saaro ay tahay in dib loo saxo waa hayadaha dawliga ah ee is dheelitira adkaynta jiritaanka sharci ee Maxkamadda sarre iyo Aqalka golayaasha iyo gollaha xukuumadda iyo nidaamka lagu soo xulo xubnahaasi sidda:-
xubnaha wakiilada codka shacabka ku yimaada ee loo yaqaano Aqalka baarlamaanka oo ka mid ah dhadhaarada dheelitira maamul wanaaga ahna wakiilada afka shacabka ku hadla.
Aqalkan baarlamaanku waa goobta ugu muhiimsan ee dhamaystira nidaamka maamul wanaaga wuxuu odorasaa sharciyadda dalka lagu maamulayo iyo ilaalinta iyo adkaynta amniga iyo dhaqanka bulshada waa in inagoo isku duuban ka fiirsanaa cidda gollahan ka mid noqonaysa ee ina matali doonta.
Bulshadu hadii ay jaanta isla helaan abtirsiintana meel iska dhigaan oo dantooda iyo dhibaatooyinka haysta meel uga soo wada jeedsadaan waxay gaadhayaan hiigsiga dal iyo dad mid ah horumar dhaqaale iyo cilmi leh lana jaanqaadaan aduunka tagayย ee aqoonta ku hirdamaya.
Xisbiyadda Qaranka ee tartamaya waxay Qaran ku yihiin waa jiritaanka shacabkooda isku duubnidooda loolanka idinka dhaxeeya ee aad rabtaan inaad ku hanataan kursiga ugu sareeya dalka waa mid ku yimid hab dimiqraadi ah oo shacabku u codeeyay,bulshadu dastuurka waxay codkooda ku siiyeen maaha reernimo ee waa qaranimo Somaliland waxay ku timid cod shacab waxaa dhici karta farsamada codka aad ku rabtaan in kala xariifsanaato balse inay kala laandheeraysnaato idiinkama fadhino.
Xilku waa masuuliyad culus oo u baahan kartidii iyo aqoontii lagu xanbaari lahaa kuma timaado hadiyad ee waa cadiyad ilaahay xaga sarre ka bixiyo ย marxaladda wadanku manta marayo oo leh duruufo adag oo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba xalkeeda ayaa la idinka rabaa
Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
(Maansadii Hadrwaawi)
Waxa Qoray: Axmed-yasin Sh cumar Sh Axmed Furre