Dadkii inala gudboona dayaxuu uguure maxaa ina haysta innaga (WQ: Maxamed Faarax Shabeele)

 

Ummadii in ay horumar balaadhan sameyso , ummadaha kalana dhaafto waxaa sababa in ummadaasi ay wadagaan dhaqan , diin iyo af, xasiloonina u dheertahay, Somaliland intanba wey leedahay oo dadka ku nool waxay ka dhiganyihiin hal qof , haddana wax horumara ma samaynayno oo halkii lixdankii maynaan dhaafin ama waxyarbaa inoo kordhay.

26sanno ee Somaliland jirtayna aduunka dhamaantii waxa uu sameeyay horumar balaadhan oo dhinac kasta ah, lakiin Somaliland ka qatanayd oo aanay waxba u kordhin, shacabka Somaliland oo ah shacabka aduunka ugu niyada wanaagsan waxay isku dayeen in kor uqaadaan kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay(private sector) laakiin ganacsatada waaweyn ee somalilan lahayd waxay isku koobeen oo kaliya in ay raashiin , biyo iyo waxkasta oo loo baahanyahayba soo muwaaridaan waxayna hilmaameen in ay isku dayaan in waxsoosaarka dalka iyo dadkaba dhiirigaliyaan.

Waxaa jira wadamo badan oo maalintii Somaliland lagu dhawaaqay aan jirin aduunka wax saamayn ah ku lahayn, ragaadiyeena colaado ,maantana ina dhaafay oo in ay dayaxa u guuraan haybsanaya waxaa jray wadamo aynu salaanka mar wada fuulay sida Malaysia oo aynu ka war hayno halka ay maanta marayso iyo horumarka ay gaadhay iyo kaalinta ay maanta aduunka kaga jirto oo ay noqotay wadamada maanta aduunka hogaamiya xagga caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo isgaadhsiintaba iyaga oo kala diin af iyo dhaqan toona wadaagin   ayay hadana doonayaan  In ay dayaxa tagaan sannadda 2022ka innagana warkeena weynu kawada dharagsanahay.

Japan waxaynu ogeyn wixii kasoo gaadhay dagaalkii labaad ee aduunka ee lahaa burburka dhulka japan oo ay kaga darnayd burburka maskaxda dadka reer japan, Somaliland hadii la dumiyay lana baabiiyay miyaynu soo kaban kari weynay 10sanadood ileen japanba intaas ayay kusoo kabataye iyada oo nukliyeer lagu dhuftay.

Jarmalka weynu ogayn sida ay ubaabeen iyo jabkii kasoo gaadhay dagaalkii labaad ee aduunka iyada u dheerayd in dalkoodi lakala qaybsaday  taasi may niyad jabin ee qayb waliba gaar ayay u dadaashay haddana waxay midoobeen markii aynu ku dhawaaqnay Somaliland heerka ay maanta joogaan waynu wada ognahay , malaha xaaladeenu waxay noqonaysaa maahmaahdii soomaaliyeed ee odhan jirtay laba qaydhinka ku qaybsaday bisaylka iskuma cawrido……….

Lasoco qaybta labaad

Maxamed Faarax Shabeele

Shabele2010@gmail.com