Muhiimada Marin-Biyoodka Hurmus
Marinkani wuxuu u dhexeeyaa gacanka Beershiya iyo gacanka Cumaan. Dhinaca waqooyi/galbeed waxa ka kulaalaya dalka Iiraan, dhinaca bari dalka Imaaraadka, halka dhinaca koonfureedna uu ka kulaalayo dalka Cumaan. Marin-biyoodka waxa maalintii mara ku dhawaad 17.2 Milyan oo foosto oo shidaal ah una dhigtan 20% ganacsiga shidaalka adduunka. Waxa marinkan la soo mariyaa shidaalka ka yimaada dalalka Ciraaq, Kuweyd, Sucuudi Arabiya, Baxrayn, Qadar iyo Imaaraadka Carabta. Dhammaan maraakiibtaasi waxa ay shidaalka iyo saliida u kala qaadaan dalalka ka tirsan qaaradaha, Aasiya, Yurub, Maraykanka iyo waqooyiga Maraykanka. Sidoo kale waxa mara gaasta cad ee laga keeno inta badan dalalka kulaalaya marinkan. Waxaanay gaasta u kala qaadaan dalalka Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed. Marin-biyoodani waa mid aad u dhuuban oo dhererkiisu yahay 33 Kiiloomitir. Halka ugu dheerina ay tahay 95 Kiiloomitir. Sida laga soo xigtay (U.S Energy Information Adminstration).
Taariikhda Dagaal ee Marin-biyoodkani leeyahay
Wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyey dalalka Ciraaq iyo Iiraan sannadihii sideetamaadkii ayuu marin-biyoodkani qarka u saarmay inuu xidho. Maraakiib ay kala lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Iiraan ayey ku kala qabsadeen marin-biyookdan, taasina waxa ay keentay inuu muddo kooban xidhnaado. Hasayeeshee saldhiga ciidanka cirka Maraykanku ku leeyahay caasimada Baxrayn ee Manaama oo u xil saaran ilaalinta danaha Maraykanka ee marin-biyoodkan ayaa hanjabaad hawada u mariyey dalka Iiraan in aanay isku dayin inay xidho marinka, haddii kale ay la kulmi doonto tallaabo adag. Sannadkii 1988 ayuu markab Maraykanku leeyahay oo ku sugnaa marin-biyoodkaasi toogtay diyaarad laga leeyahay dalka Iiraan oo ahayd nooca rakaabka. Waxaana ku dhintay dhammaan 290 qof oo saarnaa diyaaradda, hasayeeshee Maraykanka ayaa arrintaasi ku micneeyey shil oo aan u kas ahayn. Sannadkii 2010 markab laga leeyahay dalka Japan oo siday saliid ayaa lagu weeraray isla marinkan. Waxaana weerarkaasi ka dambaysay koox ka tirsan ururkii Al-Qaaciida.
Saameynta Iiraan ee Marin-biyoodka Hurmus
Dawlada Iiraan laba ujeedo ayey ka leedahay inay carqaladayso maraakiibta maraysa marin-biyoodkan. 1. Waxa ay culays dublamaasiyadeed saaraysa dalalka reer Yurub ee ay ugu weyn yihiin Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku ee ay la gashay heshiiskii Nukliyeerka sannadkii 2015, hasayeeshee difaaci kari waayey markii uu maamulka cusub ee Maraykanka ee uu Trump horkacayaa ka soo horjeestay oo uu ka baxay. 2. Cunaqabateynta uu Maraykanku ku soo rogay shidaalka Iiraan ee aanay meelna u dhoofin karayn. Markaa waxa ay goosteen inay iyaguna rabshado ku furaan maraakiibtan shidaalka iyo saliida u sida dalalka ay siyaasadda isku hayaan.
Dalalka Carabta iyo Iiraan
Lixdan dal ee shidaalka qaniga ku ah ee kala ah, Ciraaq, Kuweyd, Sucuudi Arabiya, Baxrayn, Qadar, Imaaraadka Carabta iyo dawlada Iiraan waxa qaarkood ka dhexeeya heshiis ah in la wada noolaado. Halka Boqortooyada Sucuudiga oo xulufo la ah dalalka Baxrayn iyo Kuweyd ay cadaawadi ka dhaxayso. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilihii ugu dambeeyey faraha kala baxay is-bahaysigii Sucuudigu hogaaminaayey ee dagaalka kula jiray jabhada Xuutiyiinta ee ka dagaalma dalka Yaman ee ay Iiraan taageero. Imaaraadku wuxuu mar dambe ku soo baraarugay khatarta magaalooyinkiisa camiran saaran haddii ay cadaawada Iiraan u sii badheedhaan.
Imaaraadaha Raasul Khiima iyo Dubay oo saaran marin-biyoodka Hurmus ee ay ka dhisan yihiin daaraha adduunka ugu dhaaraari, waxa dhici karta in gantaalaha Iiraan uu dhulka la simo oo uu ka dhigo dambas laydhu qaado, haddii Imaaraadku uu muujiyo cadaawad. Hasayeeshee waxaad moodaa inuu haatan ku soo baraarugay khatarta miiska u saaran. Sidoo kale dalka Cumaan oo isagu ah kan ugu dhaw Iiraan marka la eego marin-biyoodka HURMUS iyagu hore ayey dantooda u garteen oo farahaba lamay gelin shuqul ay Iiraan wadato. Inta dhacdo ee ay Iiraan ka samaysay marin-biyoodka Hurmus hal maalin kamay hadal Cumaan.
Bishan aynu ku jirno 11-keedii ayuu Ingiriisku sheegay in markab laga leeyahay dalkooda ay weerareen saddex doonyaha dheereeya ah oo ay saaran yihiin ilaalada kacaanka Iiraan. Iiraan ayaa warkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamatay. Hasayeeshee waxa uu weerarkaasi u eekaa in xukuumada Iiraan ay kaga aargoosanaysay markab saliid siday oo uu Ingiriisku qabsaday, oo ay ku sheegeen inay uga shakisnaayeen inuu saliid u siday dalka Suuriya oo cunaqabateyni saaran tahay. 16 ka dib ayuu Sucuudigu ogolaaday in dhulkiisa ay dib ugu soo noqdaan ciidanka Maraykanku, isaga oo ka cabsi qaba weeraro ay Iiraan ku soo qaado.
5000 oo askari oo Maraykan ah iyo tobaneeyo diyaaradaha dagaalka ah ayaa soo gaadhay saldhiga Amiir Suldaan oo 70 Kiiloomitir koonfur kaga beegan caasimada Riyaad. Madaxda labada dal ayaa hadallo is-khilaafsan ka sheegay imaanshaha ciidanka Maraykanka. Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay inay aqbaleen dalab uga yimid Maraykanka oo ahaa inay ciidan keenaan dalkooda, hasayeeshee xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa dhiniciisa sheegay inay aqbaleen codsi uga yimid Sucuudiga oo ahaa in ammaanka gobolka laga ilaaliyo Iiraan. Marka dhammaan la isku geeyo shilalkaasi hadda dhacay iyo kuwaa hore u dhacay waxa ay marin-biyoodka HURMUS ka dhigaysaa mid halis u ah inuu dagaal ku dhexmaro quwadaha reer galbeedka iyo xukuumada Iiraan ee cunaha la isaga duubay ee mitidka ah.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan