MACNAHA XAJ
Kelmadda XAJ: Xagga luuqadda carabiga waxa loo yaqaannaa: โQASDIโ DAN, ama in wax la doono oo loo qasdiyo.
Sharci ahaanna xajku waa: โin loo qasdiyo guriga Ilaahay (kacbada) iyo goobaha xajka ee kale, wakhti gaar ah iyo sifo gaar ahโ.
“ุงูุญุฌ ูู: ูุตุฏ ุจูุช ุงููู ุชุนุงูู ุจุตูุฉ ู ุฎุตูุตุฉุ ูู ููุช ู ุฎุตูุตุ ุจุดุฑูุท ู ุฎุตูุตุฉ”
WAAJIBNIMADA XAJKA
Xajka waajibnimadiisa muran kama taagna. Qur’aanka kariimka ah, Xadiiska Nebiga- SCW- iyo Ijmaaca ummadda ayaa isku waafaqay waajibnimadiisa.
ูููู ุงููู ุชุจุงุฑู ูุชุนุงูู: {ูููููููู ุนูููู ูฑููููุงุณู ุญูุฌูู ูฑููุจูููุชู ู ููู ูฑุณูุชูุทูููฐุนู ุฅููููููู ุณูุจูููุงู ููู ูู ููููุฑู ููุฅูููู ูฑููู ุบูููููู ุนููู ูฑููุนูููฐููู ูููู} [ุขู ุนู ุฑุงู:97].
{Ilaahay dadka wuxuu ku waajibiyey inay gurigiisa soo xajiyaan, qofkii awooda in uu tago, qofkii gaaloobana [ha ogaado], Ilaahay adduunkoo dhan wuu ka kaaftoomaa} u laabo tafsiirka Ibnu Kathiir.
Nebigana waxa ka sugnaatay axaadiis fara badan oo ku soo aroortay waajibnimada iyo ahmiyadda xajka, iyagoo sidoo kale axaadiistaasi caddeeyey in xajku yahay mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee uu islaamku ku dhisan yahay.
Axaadiista waajibnimada xajka tilmaamaysa waxa ka mid ah xadiiskan:
โ ุจูู ุงูุฅุณูุงู ุนูู ุฎู ุณ: ุดูุงุฏุฉ ุฃู ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงูููุ ูุฃู ู ุญู ุฏุงู ุฑุณูู ุงูููุ ูุฅูุงู ุงูุตูุงุฉุ ูุฅูุชุงุก ุงูุฒูุงุฉุ ูุงูุญุฌุ ูุตูู ุฑู ุถุงูโ ุฑูุงู ุงูุจุฎุงุฑู ูู ุณูู ุนู ุนุจุฏ ุงููู ุงุจู ุนู ุฑ.
{Islaamka waxaa lagu dhisay shan: Qiritaanka inaan Ilaah xaq lagu caabudo oon Alle ahayni jirin, Nebi Muxammadna yahay ergeygii Alle, toosinta Salaadda, bixinta Zakada, XAJKA iyo Soonka Ramadaan} waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.
Ijmaaca: Waxay culimada Islaamka dhammaantood isku waafaqsanyihiin in Xajku uu yahay tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, qofwalba oo awoodana ay waajib ku tahay in uu hal mar soo xajiyo. Arrintaasna wax muran ahi kama taagna.
GOORMA AYAA XAJKA LA WAAJIBIYEY?
Sida Raajixa ah xajka waxa la faral yeelay, sannadkii 9aad ee Hijrada Nebiga SCW.
FADLIGA XAJKA
ma soo koobi karro fadliyada ku soo arooray xajka, waxaynu se isku deyeynaa in aynnu halkan ku soo guurinno dhawr ka mid ah fadaaโisha xajka:
ุนู ุฃุจู ูุฑูุฑุฉ ุฑุถู ุงููู ุนูู ูุงู: ุณุฆู ุงููุจู ุตูู ุงููู ุนููู ูุณูู : ุฃู ุงูุฃุนู ุงู ุฃูุถูุ ูุงู: โุฅูู ุงู ุจุงููู ูุฑุณูููโ. ููู: ุซู ู ุงุฐุงุ ูุงู: โุฌูุงุฏ ูู ุณุจูู ุงูููโุ ููู: ุซู ู ุงุฐุงุ ูุงู: โุญุฌ ู ุจุฑูุฑ” ุฑูุงู ุงูุจุฎุงุฑู.
Markii Nebiga-scw- la waydiiyay: Camalka kee baa ugu fadli badan? wuxuu ku jawaabay โRumeynta Alle iyo Rasuulkiisaโ wuxuuna ku xigsiiyey โJihaadkaโ, ka dibna โXAJKA mabruurka ahโ.
โXaj Mabruurโ : Waa xajka aan wax danbi ah lagu dhex khaldin, waxaa kaloo la yidhi: โwaa xajka la aqbalay, waxaana lagu garan karaa in uu qofku soo laabto isagoo ka fiican sidii uu markii hore ahaa, ka dibna aanu macaasidii dib ugu laabanโ.
ุนู ุนุงุฆุดุฉ ุฑุถู ุงููู ุนููุง ูุงูุช: ูุง ุฑุณูู ุงูููุ ูุฑู ุงูุฌูุงุฏ ุฃูุถู ุงูุนู ูุ ูุงู: โููู ุฃูุถู ุงูุฌูุงุฏ ุญุฌ ู ุจุฑูุฑโ ุฑูุงู ุงูุจุฎุงุฑู.
Caaโisha (R.C) ayaa Nebiga (SCW) ku tidhi: Rasuulkii Allow waxaanu u aragnaa in jihaadku yahay kan acmaasha oo dhan ugu fadliga badan, markaasuu Rasuulku (SCW) yidhi: โidinka (dumar ahaan) jihaadkiina waxaa ugu fadli badan XAJKAโ. (Bukhaari)
Xadiiskani wuxuu inoo muujinayaa in xajku yahay qayb ka mid ah jihaadka, weliba uu yahay qaybta ugu fadliga badan, xagga dumarka.
ุนู ุฃุจู ูุฑูุฑุฉ ุฑุถู ุงููู ุนูู ูุงู: ุณู ุนุช ุฑุณูู ุงููู ุตูู ุงููู ุนููู ูุณูู ูููู: “ู ู ุญุฌ ููู ููู ูุฑูุซ ููู ููุณู ุฑุฌุน ูููู ููุฏุชู ุฃู ู” ุฑูุงู ุงูุจุฎุงุฑู ูู ุณูู
Abu-Hureyrah (R.C): Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W) oo leh: โQofkii dar Ilaahay usoo xajiya oo aan ku hadlin hadal xun, camal xunna aan samayn , wuxuu soo laabtaa isagoo sidii hooyadii ku dhashay ah (danbigiisii oo dhan loo dhaafay oo xalay-dhalay oo kale ah) Bukhaari iyo Muslim.