Xajku waxa uu hal mar ku waajibaa qofka muslimka ah ee qaangaadhka ah, awoodna u leh gudashada ruknigan dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo caafimaad ahaanba.
Sida aynnu cumradaba ku soo aragnay xajku waxa uu leeyahay tiirar uu ku taagan yahay oo la’aantood aanu ansaxaynin, sidaas oo kale waxa uu leeyahay waajibaad qofku haddii uu ka tago waxa lagu yeelanayaa dhiig, waxa kale oo uu leeyahay wax yaalo ka reeban oo qaarkoodna xajkiisa fasahaadin karaan dhammaantii, kuwo kalena hadduu sameeyo dhiig lagu yeelanayo.
Tiirarka Xajka:
Tiirka 1aad: Waa xidhashada, waana in uu qalbiga ka go’aansado inuu galay howshii xajka.
Tiirka 2aad: waa istaagidda carafa inta u dhaxaysa badhtamaha maalinta carrafa oo ah maalinta sagaalaad ilaa habeenka tobnaad, oo ah habeenka ciidda, waana tiirka ugu weyn ee xajku ku taagan yahay “الحج عرفة “ Xajku waa Carrafo- sidaas ayaa Nebiga ka sugnaatay SCW.
Tiirka 3aad: waa kacbada oo lagu dawaafo, dawaafka Ifaadada ama siyaarada la yidhaahdo.
Tiirka 4aad: waa socodka inta Safa iyo Marwo u dhaxaysa toddoba jeer oo ka bilaamaya Safa kuna dhammaanaya Marwa.
Waajibaadka xajku waa:
1. Ka soo xarmashada miiqaatka Xajka.
2. Istaagidda Carafa ilaa cadceeddu ka dhacayso maalinta sagaalaad.
3. In habeenka ciiddu soo gelayso ee tobanka bisha loo hoydo Musdalifa, laguna waa’ bariisto, marka laga reebo dadka jilicsan oo loo ogol yahay inay ka soo guureeyaan.
4. U hoyashada Mina habeenada tashriiqa oo ah habeenada ciidda ka danbeeya ee 11aad, 12aad.
5. Tuurashada Jamaraadka iyagoo tartiibsan oo u kala horreeya siduu Nebigu SCW u kaal horreysiiyey.
6. Xiirashada ama gaabinta timaha, waa ragga, dumarku waxyar ayey ka goynayaan caarada timahooda.
7. Dawaafka sagootinka – dawaafal wadaac.
Arrimahaa qofka aan la iman xajkiisu buri maayo, hase yeeshee waxa soo gaadhaya dhaawac, waxaana lagu yeelanayaa isfurasho (fidyo), taasoo u dhayeysa dhaawaca gaadhay cibaadadiisa.
Sunnayaasha Xajka.
1- In Mina loo sii hoydo habeenka carafa soo gelayso.
2- Dawaafal Quduumka, waa qofka xajka keliya gudanaya ama cumrada iyo xajka isku lammaaneeyey ee qaarinka ah, halkaa waxa ka baxay kii mutamitaca ahaa oo isaga dawaafkiisani rukni yahay, horena aynu arkaanta cumrada ugu soo sheegnay.
3- In la gucleeyo saddexda wareeg ee hore ee dawaafka kacbada ugu horreeya.
4- In raggu jeeni qaartaan isla dawaafkaas koowaad waa quduumka ama dawaafka cumrada e.
5- Ku dhawaaqidda talbiyada ilaa dhagaxa la tuuranayo, – {لبيك اللهم لبيك، لبيك لا شريك لك لبيك، إن الحمد والنعمة لك والملك لا شريك لك}
Waxyaabaha ka reebban Xaajiga:
Xaajiga waxa ka reeban dhammaan arimaha aynnu ku soo xusnay kor ee ka reebbanaa qofka cumrada gudanaya.
Waxa kale oo dadka dhammaantood ka reeban arrimahan:
1- In la dilo ugaadha labada xaram ama la eryo.
2- In la gooyo dhirtooda.
3- In la qaado baadida xaramka, waxyaalaha qiimaha leh ee meelahaas ku dhacay, waxa qaadi kara oo keliya qof gaadhsiinaya meelaha ammaanada iyo wax yaalaha lumay la geeyo, ama yahoobinaya oo ciddii lahayd la raadsanaya.