12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado.
Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa’iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la’nahay.
Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah.
1. Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li’i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta in ay buug fara badan oo aan islahayn akhriya ay kabadhada inoo saaran yihiin, haddana aynaan sanado kala furin. Marka koowaad waa in aad ku baraarugsanaato in arrintaasi sabab wax akhriska kuu diida uu noqon karo, sidoo kalana aad ogaato in akhriska buugta iskuullada (text books) iyo buugta kale ee uu qofku akhriskoodu doorto aanay isku mid ahayd, labadoodana ay doorasha ku yimaadda ay sii muhiimsan yihiin.
2. Arrinta labaad ee akhriska ka hor istaagi karaysa waxa weeye, haddii aad buug billowdo oo aadan dhammayn, in aad isku aragto inaad tahay qof akhriska ku fashilmay. Si la mida qodobka koowaad, marar badan buugtii aan iskuullada ku soo dhigan jirnay, waxaan ku qasbanayn in aan dhammaynno. Dunida akhriska, khasab maaha in aad buug aad billowday aad dhammayso. Waayo buugtu isku si looma abuurin ama looma qorin, buug baa laga yaabaa in ay labo fikradood oo muhiima uun ay ku jirto. Sidaa daraadeed khasab maaha inaad buug kasta dhammayso. Bal’e, akhris-yahannada waawayn waxay caan ku yihiin in ay buug fara badan mar qudha isku furaan. Haddaad buug billowdo oo aanad dhammayn, ha isku arkin in aad akhriska ku fashilantay.
La soco qaybta labaad.
Qore: Mubarak Hadi