Daneyste Iyo Dawarsade (W.Q: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Sidaad ku taqaano dawarsaduhu waa qofka ummadda kale waydiista in ay wax taraan waliba in uu cunno ka helo, hu, siyaan amaba siyaaba kaleba gacan u weydiistaan iyagoon wax abaala iyo amaaha toona qofka ugu heyn, maalinba meeshi ay wax ka helaana taga ama jooga uun, ma jirto haba yaraatee wax iyaga ka galey kii shaley wax siiyey in uu isaga laftiisu maanta baahan yahey taasi haba danbeysee in aanay aqoonsan baaba dhici karta, waana darajo marka aynu miisaanka saarno haddeynu nahay ummadda Soomaliyeed noqoneysa mid aad u liidata dad badanina ka door bidaan geerida.

Haddaba Waxaan dawarsadaha ka meeqaam hooseyn Daneystaha, waa kalidii noole aan dadka kale la rabin horumar iyo in ay gaadhaan wax libin ah haba yaraatee, wax kalena aan kaba fakarin tooda mooyee, farxadda ummadda kale waa u murugo iyo is ciil-kaambi, waxay markasta hiifaan oo haaraan wakhtigii farxadaa iyo reyn reyntaa la gaadhayey halkii ay ku maqnaayeen. Wajigooduna la madoobaada murug iyo ciil. Ma ogola in ay mar qudha cid kale wax u huraan, haddiiba ay dhacdana waa ku dirqi iyo tu xun.

Diinteena wanaagsanina waxay marwalba iyo goor walba dhiiri galisaa in ay dadka Muslinka ahi meelkastooy joogaan gacan isa siiyaan wanaagana isla jecladaan.

Sida ku cad hab-dhaqanka Rasuulkeenii suubanaa (NNKH), waxa uu hadal iyo ficilba ku muujin jirey in waxa uu naftiisa la jecel yahay walaalihiina la jecel yahay taasi waxa kaga dayday inbadan oo ka mida asxaabtiisii  qaaliga ahaa.

Waxa laso wariyey Xadiis saxeexa oo odhanayey:

“Midkiina muu I rumaynin ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu naftiisa la jecel yaay.”

Waxa kale oo ku cad xadiis samaawiga ah:

“Alle wuxuu garabkiisa jiraa addoonka inta uu isna walaalkii garabkiisa jiro.”

Waa arrin milgaheeda leh haddii sideeda loo raaco, waxay farxadaadu dhameys tirantaa marka lagula qeybsado, guul aad gaadhey oo aad farxad iyo reyn-reyn ku heshay walaalkaan uu murugo iyo muraara dilaac ka qaaday guul laguma magacaabi karo, xataa ka kula tartamaya ayaa mararka qaar gacan loo fidiyaa, Miyaad yaabtey! Haa, oo adiga waxbaba kaagama xumaanayaan, wax kuugu hagaaga mooyee.

Haddaba adaa dooran kara in aad dawarsadahaa la meeqaam noqoto iyo in aad wadiiqo kale qaadidba.

“Waa nin iyo garaadkii.”

 

Waxa qortay: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”