Dhagaysiga iyo adeecida dadka talada haya (WQ: Maxamuud Warsame Ruush)

Waqtigii Cumar Binu Alkhadab(rc) ahaa amiirka mu`miniinta ayaa waxa dhacday isaga oo qudbadaynaya oo saar minbarka ayaa nin kacay markaasuu yidhi: ku dhagaysanmayso, kuna adeecimayno ilaa aad sheegto halka aad ka keentay go`an labaad, waayo qof walba waxa ku soo hagaagay hal go`e.

Waxaa halkaa joogay willkii Cumar binu khadaab, wuxuuna sheegay inuu aabihii dadka ka waynyahay jismi ahaan, hal go`na aanu ku filnayn, sidaasi awgeedna uu u siiyey go`iisii, kadib  ninkii baa yidhi hada ayaa ku dhagaysanaynaa oon ku adeecaynaa.

Dhacdadan waxa iiga baxay

1.In dadka umadda u  taliyaa dhagaystaan cida ay masuuliyada u hayaan

2.In qofka masuulka ah marka la eedeeyo ay u marag furan cida la og waxan lagu eedeeyey, waxayna noqonkaraan dad, ama cadaymo kale sida documents cadayna waxa dadka mugdigu kaga jiro.

3.In dadka loo taliyo  ay ka iman karaan tuhuno ku sahabsan sida loo maamulayo hantidooda iyo arimahooda

4.Waxa kale oo ay tilaamaysaa inaanay jirin wax khatara oo ka iman karta la xisaabtanka madaxda

5.In amiirka umaddu yahay shaqaale u shaqeeya dadka uu maamulayo

6.In adeecida iyo dhagaysiga madaxdu ku xidhan tahay inay si fiican uga soo baxaan masuuliyada loo igmaday, Ilaahayna(sw) kaga baqaan xilka

7.Ugu danbayn waxa ku tusaysaa in shacabku la xisaabtamaan madaxdooda

Hadaba, dhulkeenan marka la joogo maxaa dhacda marka aad eedayso dadka masuuliyada inoo haya

1.Marka la eedeeyo masuulka halkeenan wuu xanaaqaa wuxuuna isku dayaa inuu qofka eeda ama tuhunka keenay xidho, ama baqo galiyo , ama mayee uu laaluushaba siiyo si uu uga noqdo eeda

2.Inuu ka eryo qofkaasi meesha uu ka shaqeeyo haduu saamayn ku leeyahay

3.Dadka inoo taliyaa iyaga leh oo ku tagri fala xoolaha umadda, arimahoodana u maamula sida iyaga dani ugu jirto

Hadaba markay noo cadaato in hantidayada  iyo arimahayaga loo maamulayo si aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerar dalka u yaala ee waafaqsan shareecada islaamka, dhagaysanamayno adeecimayno

1.M/waynaha dalka Somaliland

2.Badhasaabka Gobolka Awdal

3.Duqa degmada Borama

Madaxda ulama hadlayo inay aniga i hagaajiyaan, laakin waxan ula hadlayaa inay masuuliyadooda kasoo baxaan, haday kasoo baxaan oo ayna aniga i hagaajin waan dhagaysanayaa waanan adeecayaa.