Ereyga dhisme ama horumar qaran, waxaa badanaa loo adeegsadaa tixraac hannaan wax dhisid oo ay ku lug leyihiin dhammaan muwaadiniinta kuwaas dhisaya wada noolaanshaha bulshada, barwaaqada dhaqaale(economic prosperity) iyo xasilloonida siyaasadeed(political stability) ee ummadda.
Ujeedada loo maro guulaha iyo kobaca bulsho, waa in dhamaan muwaadiniinta laga qeyb galiyo, dhisida ama hormarinta umadda. Ka-qaybgalka(participation) dhalinyarada ee horumarinta qaranku waa waajib.
Xaqiiqdii, dhallinyardu waxay ka ciyaaraan mid ka mid ah doorarka ugu muhiimsan(vital roles) dhismaha qaranka. Dhallinyarradu maaha hoggaamiye-yaasha berri oo keliya, laakiin sidoo kale waa la-hawlgala-yaasha maanta.( Youth are not only the leaders of tomorrow , but also the partners of today .)
Dhallinyaradu waa jilayaasha(actors) bulshada ee isbedelka iyo horumarka. Iyagu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarka umadda. sidaa darteed, waa mid aad loogu baahan yahay. Dhallinyardu had iyo goor waxay fure u ahaayeen wax kasta oo ka dhaca dunida ha noqoto:- dagaal, siyaasad, hawlo dhismo iyo badhaadhe bulshi. Ma aaminsan tahay cududda dhalin ee isbadalka togan? dhallinyarda ayaa sameyn kara dhammaan faraqyada burburinta ama dhisidda qaran. Tilmaanta saxda ah iyo jihaynta dhalinyarada ayaa keeni karta isbadal togan(positive). Dhalintu waxay leeyihiin damac, rajo iyo riyo. Waxay leeyihiin xamaasad oo ay tahay in loo habeeyo loona adeegsado qaab sax ah. Tani hubaal waxay xaqiijin kartaa horumar qaran oo deg deg ah. Mark Zuckerberg mulkiilaha facbook, waxa uu tusaale nool u yahay cududa dhalin-yarada. Sidoo kale Waxa jira hoggaamiye-yaal dhalin yaro ah oo aduunkan wax ku soo kordhiyey.
Guntii iyo gabo-gabadii ma odhan karnaa dhalinta reer somaliland waxaanay helin doorkoodii?.
WQ: Hamse Abdi Maxamed