Jaahilnnimada Qarniga 21aad (WQ: Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aden)

Ereyga Casru-Jaahiliyah [= Pre-Islamic Era], waxey aheyd sifo taariikhiya oo ay huwanaayeen dadyowgii Carabtu, kahor inta aanu Islaamku soo gaadhin 150 sanno kahor. Waxey ahaayeen Carabtu dadyow xoolo-dhaqato ahaa, oo reer-guura ah, oo aan caalamka waxa ka socda aan ka warqabin, noloshooduna ay aheyd mid jaahilnnimo la deris ah. Akhris iyo qoraal ba wey ka madhnaayeen, waxey ahaayeen umad asnaam ta caabudda. Sidaas darted, “ Jaahilnnimadu” waa magax-bixin lagu kala sooci jirey qaadashada Islaamka iyo kahor islaamka. Dhinaca kale, Jaahilnnimadu waa dabeecadda ay hoggaamiso: islweynaanta, caddaalad-darrada, qabyaaladda, gulufka iyo colaadda iyo ke fekeridda xumaanta… Waqtigan la nool yahey, jaahilnimadu cidda keliya ee ay weli kashooda hadhsatey waa umadda Soomaalida, sitoos ah loogu sifoon karo, welina nool oo caqligoodu joogo kumanaan sano hortood, sababto ah:

Kow: arrimaha “ qabyaaladda” iyo “kala-xigteysa aadanaha” waa sifooyinka dadyowga ku sifoobey jaahilnnimada, inta ugu badanna waxyaabaha aasaaska u ah dawlad la’aanteenna waxa ugu horreeya qabyaaladda. Qabyaaladdu waxey keenta caddaalad-darrada.

Labo: “Diin” ahaan marka loo fiiriyo, waxa Jaahil ah qofka aan Diinta Islaamka heysan, dhinaca kale, waqtigan la joogo, waxa jaahil ah shakhsiga Diinta-ka-jaahil ah, haddana sheeganaya Islaam. U Adeegsiga Diinta nidaam helis gelin kara nolosha ruuxa, waa ta ugu weyn ee Jaahilnnimadana qarnigayadan casriga ah sheegeysa. Waxey noqotey hub ay adeegsadaan dadyow dano gaar ah lihi, waana dadyow labo jeer hubeysan. Qarnigii 21aad bey leeyihiin, waddaadkaasi waxbu gaaleysiinaya, iyo lama ogola/waa la ogol yahay ‘Mawliidka Nebiga’ – halka bulshada ku dooddeyso dayaxa marka loo guuro, dhankee loo tukanaya; iyo saadaalinta mustaqbalka nolosha dambe [=The future of tomorrow].

Saddex: “colaadda”, deegaan walba oo Soomaalidu degto waxa yaal hub, u jeedkiisuna yahay in daandaansi iyo dagaal u-joog ah. waa astaan jaahilnimo, in casrigan la isu-adeegsado hub, ayna isu-adeegsadaan dadyow isku deegaan kasoo jeedda. Dagaalkuna, waa hammun ay u xiiseeyaan bulshada Soomaalidu, aragti baa tidhaahda “ U jeedka dagaalku waa keenida nabadda”, shakhsi ahaan ma rumeysi, in dagaalku nabad keeno, waxey se caan ku nahey, in dagaalku yahey meel aynnu jaahilnimadeenna kusoo bandhigno.

Afar: Islweynida”, waa calaamadda heysta ku kasta oo Soomaali ah oo heley: inyar oo aqoon ah, inyar oo lacag ah, inyar oo meeqaam sarre ah, inyar…inyar.. Haddaba, Islaweynidda iyo yasidda shakhsiga bini’aadam ka waxey tibaaxeysaa heerka jaahilnimada ruuxu taagan tahay. Aayado Quraan ah ayaa sitoos ah ugu soo aroorey kibirka iyo Islaweynida.

Shan: “Yool ama Hadaf la’aanta” iyo “dawlad la’aanta” bulshadu haddii aaney lahey hadaf ay hiigsato, waa caalamad iska noolaansho ah oo tilmaameysa in jahli laga yahey: ahmiyadda waqtiga, dhaqaalaha, dadka, iyo weliba nolosha ubadka jooga iyo kuwa iman doona ba. Hadaf la’aantu waa sifada doqonnimada iyo dhayalsiga runta, iyo ka dhuumashada dadaalka iyo halgan ka.

Xalka arrimahaas oo dhanna, waa dhowr kan qoddob:

1. Aqoon ta oo la kobciyo, si loo fahmo aasaaska iyo bilowga jaahilnimada

2. Akhris iyo wax ka ogaanshaha taariikhiga ah, iyo casharada laga baran karo.

3. Fahamka Sayniska, diinta, dhaqanka, adeegsiga maanka iyo u hoggaansamidda aragtiyaha wax-ku-ool ka ah ee laga soo dhiraandhiriyo culuumaha bulshada.