Caqliga Iyo Waxyigu Isma Hayaan (WT: Hamze Mohamed Muse)

Caqliga Iyo Waxyigu Isma Hayaan.

 

Caqliga lama xifaaltanno, se waxa aanu ka dhignaa garsoore ka garnaqa arrimaha fikriga ah. Ka shaqaysiinta caqligu waa tub aanu u marno fahmidda qoraal-diineedka, waa hagaha habsami u socodka nolosha, hase ahaatee ma dhigno booska waxyiga, waayo? Waxyiga wax lagu beddeshaa ma jiro.

Caqligu waa saldhigga lagu weyneeyo Waxyiga haddii uu ka madhnaado tollaysiga iyo talaxtagga, sidaasi darteed ayaanu ugu kulminnaa wax akhrintayada dhowranaanta Waxyiga iyo wax iftiiminta Caqliga, waxaana ka dhashaa labadaas fikirka Islaamka  ee dhex-dhexaadka ah.

Caqliga habaysan ee hoggaansani waxa uu fahmaa nas-diineedka, Caqliga ka madhan halbeeg-aqooneedkuna waxa uu la collaytamaa Waxyiga, sidaasi darteed ayaa uu Qur’aanku inoogu baaqay in aynnu adeejinno Caqliga aqoonta ku qotoma marka aynnu deedifaynayno wax garashada aan caqliga u baahnayn keensanayso (Common Sense       /       بديهيات    ).

Waxa uu Qur’aanku inoogu yeedhay in aynnu fikirnno, se aan la adeegsan Caqli aan la hawl-galin/  laga fikirsiin.

Caqligu sidiisa uma ammaanna, se waxa la ammaanaa marka uu noqdo qalab wax lagu fahmo ee la hawl-galiyo

(       لقوم يعقلون   )  ,     أفلا تعقلون؟)

Kuwa kula dagaallama Caqliga iyo Fikirka magac-diineed waxa ay iska indho-tirayaan boqolaal aayadood oo inoogu baaqaya in aynnu caqliga  adeegsanno si aynnu wax u fahanno iyo doorka uu ka ciyaaro kala soocidda waxa qumman iyo waxa qaldan.

Qur’aanka muddo badan ayaan la noolaa,

wax yaabo yaab badanna waan ku arkay, waxa aan la ashqaraaray dhammaadka aayadaha qaarkood oo ina tusiya in dadka Caqliga adeegsadaa yihiin kuwo ka tilmaaman dadka kale.

Caqligaaga in badan adeegso walaalkayga Muslimka ahow, waxaanaad ka dhigtaa mid fahma qoraalka-diineed, mid dhugta hadalka Alle iyo akhriste ku mamman dhaqannada kala geddisan, mid weheshada Qur’aanka, iskuna day in aad noloshaada oo dhan la noolaatid, ha na dhagaysan ka ku yidhaahda : Caqliga iyo fikirka midkood na muhiim ma aha; waydiintu waxa ay tahay: halkee loo socdaa marka Caqliga iyo Fikirkaba la suuxinayo?

Qofka Caqliga waayaa waa uu waashaa, qofkii waashana xilka ayaa ka dhaca, qofkii xilku ka dhacana basharnnimadiisa qayb ka mid ah ayaa la waayay, qofkii basharnnimadiisu luntana Xoolo ayuu u ekaada.

Qofku waxa uu ku maamusan yahay xil-qaadna ku noqdaa waa Caqliga, suurtogalna ma aha in aannu ka tanaasulno Caqligayaga, deeto aanu noqonno xoolo, amaba mashiinno wax lagu shubtay, haddii ay tahay aragti-diineed, mid fikir iyo mid  siyaasadeed ba, deeto loo dhaqdhaqaajiyo sida qalabka amran oo kale, taasi kuma habboona qofka Caqliga lagu sharfay.

Jannadana ma galaan dad aan caqli lahayni, Alle waxa uu yidhi isaga oo ka warramaya dadka Naartu hoyga u noqotay: “ Haddii aanu wax maqli lahayn, oo aanu caqliga ka shaqaysiin lahayn maanaanu mutaysanneen Naar”.

 

W/Q: C.raxmaan Bashiir

W/T: Hamze Mohamed Muse