Talo ku socota: jaamacaddaha, wasaaradaha iyo ururrada madaxabannaan (WQ: Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aden)

Talo ku socota: jaamacaddaha, wasaaradaha iyo ururrada madaxabannaan.

W/Q: CABDIXAKIM-TIYARI

Keliya, burburkii dawladii Soomaaliya, lama waayin dawladnimadii oo qudha, ee waxaa iyaguna burburey noloshii oo dhan, haddey noqoto: caafimaadkii, waxbarashadii, dhaqaalihii, iyo dhammaan tiirarkii ugu muhiimsana nolosha. Waxyaabihii ugu weynaa ee ay u hollotey kacaankii Soomaaliya, waa qoridda afkeenna Soomaaliga, iyo dhisidda wasaarado u igman fulinta jiritaankooda. Muddadii u dhexeysa 1970 – 1989 waxa la heley xog badan oo daraasad ah oo anfaceysey/anfacdey bulshadii Soomaaliyeed, haddey noqoto, nidaamka dhaqaale ee dawladda Soomaaliya, xanuunada kala duwan ee geyiga Soomaaliya ka jira oo la diiwan geliyen, iyo manaahij waxbarasho oo aad u tayeysan.

Taasi waxey saacidey in qofkasta oo xog uga baahan waddankiisa inuu si fudud ku heli karaayey, taasna waxa sabab u ahaa: wasaarado tayeysan oo u heellan iney daabacaan xogo ku saabsan wasaaraddooda; iyo ururo daabacey daraasaddo cilmiyeed iyo dad heley dhaqaale ay ku sameeyaan daraasado ku qotoma dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha: waxbarashada, dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka, cilmiga bulshada, cimilada, iyo culuum aad u badan. Ardey iyo ruux kasta oo u baahda inuu wax ka ogaado aqoontaas kala geddisan, aad bey u fududey. Burburkii dabadeed, waxa sidoo kale burburey daraasadihii la sameeyey. Dhinaca kale, gaar ahaanna,

Soomaalilaand, soddomeeyo sanno dabadeed, wax daraasad ah oo anfacn u leh bulshada lama daabicin. Ma jirto wasaarad sameysey wax cilmi-baadhis ah ama wax la xidhiidha fahamka iyo dhibaatooyinka la soo darsey ama u baahan in la saxo ( wallow ay wasaaradaha laftigoodu aaney fahamsaneyn sababta ay u jiraan, iyo doorka wasaarada ahaan, sababtuna waxa keentey – in wasiirka iyo shaqaalaha ba aan loo sheegin shaqaddooda). Ururo madax banana oo iyaguna sameeyey cilmi baadhisyo dhinacyo kala duwana ah, ma jiraan, waxay isugu biyo-gororeen “ Arrimaha bini’aadantinnimada / Humanitarian”. Sidoo kale, waxa ugu badan ee buuggaag iyo maqaalo ah laga qorey waa arrimaha “ Siyaasadda iyo wax la xidhiidha ‘Burburkii Soomaaliya’ ”.

Goobaha waxbarashaduna, siddeed jeer ayay ka badan yihiin sidii hore, jaamacadduhuna waa goobta aqoonta loogu yimaado, ardeyga ma aha keliya in la baro aqoonta buuggaagta ku qoran, ee waa inuu wax-ka-ogaado oo is-waafajin karaa: “Aqoonta buuggaagta ku qoran iyo waaqiciga dalkiisa”. Si uu taas u heli, waa inuu helaa daraasado kala duwan oo ku saabsan hadba waxa uu baranayo, haddey noqoto: dhaqaalaha, caafimaadka, cilmiga bulshada, xisaabaadka, maamuulka, saxaafadda, iyo waxkasta oo shaahaaddo jaamacaddeed lagu qaato. Waxey aheyd in jaamacaddu kaalintaas buuxiso oo ay ardeyda u diyaariso darasaado ay iyagu sameeyeen, maadaama ay hoyga aqoonta yihiin. Taasina ma ay dhicin 35 sanno dabadeed.

Ugu dambeynna, talo deydu waxey tahay:

1. In “Wasaarad” kasta ay ka codsato dawladda miisaaniyad qarasheed oo ku saabsan diyaarinta iyo xog ururinta ku aadan shaqada ay u taagan tahay.

2. Jaamacadduhu iney lahaadan “Department research” ah—

oo ay si joogta ah u diyaariyaan dhammaan kuliyaddaha kala duwan ee ay bixiyaan.

3. In ururrada jira ay iyaguna ku dadaalaan sidii ay bulshada ugu soo gudbin lahaayeen cilmi baadhisyo anfac leh, oo aan ka aheyn: bini’aadantinnimada, kufisga iyo tirada barakacyaasha.

4. In cidkasta oo diyaar u ah iney sameyso daraasad cilmiyeed oo u baahan dhaqaale, in ay garab istaagan dadyowga haya ilaha kala duwan ee awooddeed, tusaale ahaan kuwa haya dhaqaalaha iyo maamul ba.

Muuqaalka soo bixi doonaa, intaas dabadeed, waa ineynu ogaan karno boogta iyo meelaha u baahan in la saxo.

 

Waad mahadsan tihiin.

Waxa qorey: Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aden

University Lecturer