War-saxaafadeed War-celin U Ah Golaha La Baxay La Hal-abuurka Soomaaliyeed (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

War-saxaafadeed War-celin U Ah Golaha La Baxay La Hal-abuurka Soomaaliyeed

Taariikh: Feberweri, 05, 2020

Abwaannada Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed jawaab u ah dhambaal ay shalay faafiyeen Gole la baxay Hal-abuurka Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Muqdisho.

Waxaanu u dhignaa bayaanka Abwaannada Somaliland sidan:

1. Somaliland uma baahna garowshiiyo keliya, madaxda Soomaaliya ee ku faraxsan kulanka dhagar-qabeyaashuna uma eka kuwa garwaaqsan dibindaabyadii loo geystay ummadda Somaliland

2. Golaha hal-abuurka Soomaaliya ma metelaan hal-abuurka Soomaaliyeed, ha aamminaan hana ku kalsoonidaan magaca dalka ay ka jiraan ee Soomaaliya

3. Guddida wada-hadalka ee ay hal-abuurka Soomaaliya u riyaaqeen ma aha kuwo metela cid dhaafsan maamulka magacaabay, tallaabo ay qaadeen oo lagu bogaadiyaana ma jirto

4. Haddii midnimo lagu helayo suugaan, hal-abuurka Somaliland ayaa ahaa kuwii 1960kii lahaa kaalinta ugu culus, waxa ay se la kulmeen wax niyad-jab ku beeray. Midaynta ummaddiinna ayuu xil idinka saaran yahay. Baabbacada timo kama soo baxayaan.

5. Hal-abuurka Soomaaliya waxa aanu ugu baaqaynnaa inay ka gaabsadaan siyaasadda oo ah shay Soomaalidu ugu qaybsan tahay shan dal. Wada-hadalka aad sheegaysaana uma dhexayn ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ku koobnaa laba dal oo qudha (Somaliland iyo Soomaaliya)

 

Alle Ayaa Mahad Leh