Is badalka geeska afrika (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Labada Sodan ee dhawaan kala go’ay way adag tahay isu socodkoodu , Kenya iyo Soomaaliyana way adagtahay iyana isu gudub koodu , sidoo kale Ethopia iyo Eriteriya inkastoo ay dhawaan heshiiyeen hadana dhinaca dhulka weli isuma socon karaan.

Geesta kale , Eriteriya iyo Sodan xuduudkoodu waa mid xidhan , Jabuuti iyo Ereteryana xuduudkoodu ma furna , Kenya iyo Itoobiya ayuun baa isu socon kara inkastoo qulqulatooyin jiraan.

Dhinaca kale , Somaliland waxaa si fiican isu socodku uga socdaa dhinaca barri ee soomaaliya oo maalin walba basasku u kala gooshaan , dhinaca Waqooyi galbeed ee Djabouti oo aanay marna baabuurtu kala joogsan iyo dhinaca galbeed oo wadooyinka laamiga ah ee Hargaysa ilaa Adis ababa ay mar walba mashquul yihiin.

Sidaa markay tahay , gobolka geeska afrika meesha ugu muhiimsan ee dhan  u furan , halbawlahana  u ahi waa Somaliland , isbadal kasta oo geeska ka socdana halkaas ayaa sal-dhig u ah.

Sidaa awgeed , xukuumaddu iyadoo kaashanaysa ganacsatada waxaa laga rabaa in ay keento siyaasadd rumayn karta in Somaliland noqoto xudunta geeska afrika , haday tahay ganacsiga , caafimaadka , aqoonta iyo dhaqanka .