Takoorka ama faquuqu waa mushkilad aad u wayn dunida oo dhanna ku faafsan, hadana sidaas ay tahay in lala dagaalamo takoorka aadamaha waa mid lama huraan ah, nuucuu doono ha noqdee.
Diinteena islaamkuna meel fog ayay arrintaasi iska taagtay.
Bulshada soomaalida dhaxdeeda waxaa ka jira takoor aad u balaadhan oo lagu hayo qaybo ka mid ah bulshada soomaalida, bulshadaas oo dagan dhamaan inta dhul soomaali dagta oo dhan.
Dhibta ka sii wayn arrintani ee jirta ayaa ah in aanan la siinin miisaankii ay lahayd haday noqoto ka hadalkeeda, ka wacyi galinteeda,iyo la dagaalankeedaba.
Dadyawga dhibanayaasha u ah takoorka lagu hayo waa dad intooda badan farsamo yaqaano ah, inta bandanna aanana lagu aqoon dawirsiga, ama tuugsiga.
Dadkaasi inta badan waxay ka shaqeeyaan shaqooyinka sidda kaba tolidda, samaynta alaabah guryaha lagu isticmaalo,agabka beeraha lagu qoto, jaridda timaha,iyo waliba ka ganacsiga hilibka sayladdaha lagu gado.
Haddase waxaad moodaa in shaqooyinkaas qaarkood lagala baxay shaqooyinka qaarkood markii hore ceeb loo arkaayay, sida tima jarista iyo ka ganacsiga hilibka.
Bulshadan la takooray lana nool dhibaatadaas iyo xanuunka ay leedahay faquuqidu maaha mid ay u qalmaan, mana jirto wax banaynaaya in la takooro qof insaan ah, siday doonto ha noqotee.
Waxa la sheegaa in ahaanshaha bulsho kastaa uu leeyahay sadex tiir oo udub dhexaad u ah. Sadexdaas tiir oo kala ah
1: Afka
2: Diinta iyo
3: Dhaqanka
Ka sokow dhaqanka iyo diinta, afka udub dhexaadkiisa iyo dhuuxiisuba waa fanka iyo suugaanta ay bulsho walbaa leedahay.
Dhibanayaashan la takooray waxay kaga jiraan fanka soomaalida kaalin aad muhiim u ah oo yaga la’aantood aanan marnaba la sawiran Karin quruxda iyo dhadhanka uu leeyahay fanka soomaalidu.
Haddii uu ahaa maxamad saleebaan tubeec alaha u naxariistee boqorkii codka fanka soomaalida, waxa sidoo kale la odhan karaa dhibanayaashaasi waa boqorada masraxa haday noqoto dhanka codka iyo haday noqoto dhanka farshaxannimada tumista aaladaha muusikadda.
Fanku maaha oo kaliya murti iyo maddadaalo balse waa wan iyo wheel marka aanad joogin dalkaaga hooyo, labadaas boos way adagtahay in la helo wax buuxin karra oo aan ka ahayn fanka.
Bulshada aan takoorka ku hayno kaalin muhiim ah ayay kaga jiraan wehel ahaanshahaas, laakiinse innagu umaynaan noqon wehel, wadankiina waaban ka xigtaysanay, kaaga darane dhibta uun kamaynaan daynine takoor ayaan ugu darnay intiina.
Waxaan mar walba ku caynaa xaaladda ay ku suganyihiin iyo sida ay uga liitaan bulshada inteeda kale, innaga oo iska indha tirayna marwalba in aan inaggu nahay kuwa takoorka wadda, dhibtana gaysta maalin walba,kuna sii riixaaya dadkaas quus aan dhamaad lahayn.
Waxan aqoonsanahay sida ay u adagtahay in si dhakhso ah loo tirtiro takoorka lagu hayo dadkan, balse waxaa lagama maarmaan ah ama wakhtigeedii la gaadhay xiligii dawladdu ay qaadi lahayd talaabo aan horey loo qaadin, taasi oo ah in dawladdu u qoondayso dadkaas qayb ka mid ah shaqaalaha hay’ad walba ama wasaarad kasta si rajo loogu abuuro kuwooga wax bartay loona dhiiri galiyo jiilalka soo socda mustaqbalka.
Hadii ay taasi suurowdo, sharciyaynteedana la ansixiyo, waxay noqon doontaa arrintaasi bilaw fiican oo takoor togan ah,( positive discrimination ).
Waxayn tusaale u noqon doontaa dadyawga kale ee soomaalida ah iyo dawladahoodaba in ay innagu daydaan inaguna arrintaasi aan ka noqono hormuud.
Waxa xusid mudan in Malaysia ay qaaday talaabo tan oo kale ah kana balaadhan dhinac walba. Hirgalinteeduna ay muddo dheer socotay midho dhalna ay noqotay, maadaama dadka malay ga ah ay u badnaayeen dadka ku nool wadanka, kana hooseeyee dadka kale, tacliin,iyo dhaqaale ahaanba, balse hadda ay aad u soo kabteen guulo la taaban karana laga gaadhay.
Odoroska tijaabadda Malaysia wax badan ayaan ka faa’iidaysan lahayn hadii aan la nimaadno hankeedii aanan yeelano ku dhiirashada hirgalinteeda.
(Ninka kabahaaga tolaaya kafankiisa lama tolo ) oo soomaali ku maahmaahdaa.
Walaalaheen maalin walba waxay tolaan kabaheena, inaguna waxaan tolnaa kafankooda, waayo dilku maaha oo kaliya in qofku naf baxo, balse waxaa jirra dil dhanka niyadda ah ( moral assassination ) oo aan maalin walba kula kacno.
Way adkaan kartaa ama daba-dheeraan kartaa wax ka qabashada arrintani, balse in aan ka aamusno ma jirto wax banaynaaya, oo aan ka hayan in aan raali ka noqono ama aan ka quusanno.
Ugu yaraan waa In aan xasuusnaanaa in aan gef iyo gardarro aan qiil haysan ku kacno maalin walba.
Raali kama nihin kamana noqon karno mana aha in aan ka noqono, sidoo kale ma quusan karno.
WQ: mukhtaar gurguurte
Mukhtaarmxd@gmail.com