Waraysi uu suxufiga Cabdixaafid oo ka tirsan Tilifiishanka Universal ka qaaday guddoomiyaha ururka saxaafadda ee Solja, ayaa dooddo iyo muran badan ka dhex-dheliyey bulshada iyo suxufiyiintaba. Waraysigu wuxuu ahaa xog raadis (Informational Interview). Dad badani umay bogin kaalinta weriyaha ee la-waraystaha. Sidoo kale umay bogin dulqaadka badan ee uu muujiyey la-waraystuhu. Inta aynaan hoos u daadagin, aynu sharraxaad kooban ka bixinno waxa uu yahay waraysi. ย Waraysi waa kulan dhexmara weriye soo diyaarsaday suaallo uu u soo bandhigayo shaqsi ama koox, kana raadinayo raiy ahaan iyo mowqif ahaan waxa ay ka aaminsa yihiin. Kaalinta weriyuhu waa inuu suaallo keeno, sidoo kale la-waraysuhu waa inuu jawaabo ka bixiyo wixii la weydiiyey. La-waraystuhu waa inuu wixii la weydiiyey caddeeyo, difaaco, sharraxo ama diido.
Xuuto Iyo Cabdixaafid
Qaybta hore ee waraysiga wuxuu ahaa mid degan oo jewi caadiah ku bilaabmay, markii la soo gaadhay kala badhkii waraysiga ayuu xaalku is beddelay. Guddoomiye Xuuto wuxuu jawaabaha u bixinaayey si khibradi ka muuqato, waxaanu mar kasta ku bilaabayey dhoollacaddayn tilmaamaysa inuu suxufiga uga khibrad badan yahay saxaafadda Soomaalida. Wuxuu adeegsanayey xeeladdii isaga ay siyaasiyiintu kula dhaqmi jireen ee ahayd inuu suaasha jawaabteeda si xeeladaysan u garab maro. Halka suxufi Cabdixaafidna ay qalbigiisa ka guuxaysay iska dhici ninkan saxaafadda inta badan ka shaqaynayey. Mar kasta oo uu Xuuto suaasha dhoollacaddayn kaga jawaabbo, suxufiga ayey xagiisa cadho ka imanaysay, oo wuxuu aaminay in aanay suaashu taaban dareenka la-waraystaha.
Muxuu Suxufi Cabdixaafid Gefay?
= Xanaaq ayaa marar badan wejigiisa ka muuqday, waxay se ahayd inuu xakameeo. Suxufigu maaha ka xanaaqaya, cadhoonaya ama boodaya. Saxaafad ahaan waa in cadhadu ka timaado la-waraystaha.
= Wuxuu ka baxay kaalintii suxufinnimo ee ahayd inuu suaallo keeno, balse aanu noqon doode.
= Waxa afkiisa ka soo baxay hadallo anshaxa saxaafadda ka horimanaayo, sida ย Wasiirada aad garbaha isku xoqaysaan, kuwa aad wada qayishaan, hawshadii ayaad gabtay, ย Rayigaaga shakhsiga ah dan kama lihi iyo hadalkayga si kale ayaad u dhigaysaa.
= Jawaabta uu doonayo ayuu la-waraystaha afka ugu ridayey
= Caddayn laaan: Waxa ka muuqatay in aanu si fiican u soo badhin mowduuca uu waraysiga ku qaadayey. Taasina waxa ay fursad siisay la-waraystihii oo markii dambe isaga caddayn weydiiyey.
= La-waraystaha oo jawaabtii aan ka bogan ayuu hadalka ka dhexgelayey. Saxaafad ahaan laba jeer ayaa qofka hadalka laga dhex-galaa. 1. markuu hadalka la-waraystuhu dheeraado oo jawaabtiisana in ku filan laga hayo. 2. markuu la-waraystuhu ku kaco cay shakhsi ah ama koox ah.
Muxuu Asiibay?
= Hal-adeyg iyo maraanmarida la-waraystaha
= Tix-raaca wuxuu la-waraystuhu sheego, oo uu dib suaal uga dhigayey
= Suaashiisa oo uu daba-taagnaa intuu jawaab ka helaayo.
Maxaa Guddoomiye Xuuto la gudboonaa?
= Xuuto wuxuu u jawaabayey sidii siyaasiyiinta, waxaana ka muuqatay inuu waayo-aragnimo waraysi leeyahay.
= Sidii lagu yaqaano siyaasiyiinta wuxuu mar kasta ag-marayey jawaabta tooska ee suaasho. Waana ta cadhada ku keentay suxufiga. Waxa se fiicnayd inuu jawaabta bixiyo kol haddii aanu waraysigu ahayd mid siyaasi ah.
= Wuxuu muujiyey dulqaad badan oo aan loo baahnayn. Waxa la qumanayd inuu si edeb leh isaga joojiyo suxufiga marka aanu jawaabtiisa dhammaysan. Tan oo kale waxa ay ku dhacday Prof. Axmed I Samatar oo uu waraysi isla noocan ah ka qaaday Cabdixaafid. Prof. Samatar wuxuu si cad ugu sheegay inuu jawaabta ka sugo ama isagu uu jawaabta bixiyo, oo aanu afka kaga boodin isaga oo aan biyo-dhicin.
= Saxaafad ahaan la-waraystuhu xaq ayuu u leeyahay inuu si edeb leh uga fal-celiyo wixii uu qoonsado si meesha looga saaro inta waraysiga lagu dhexjiro.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.ย
Hargaysa, Soomaalilaan