Digniin ama talabixin ku socota baarlammaanka Soomaaliya ee u magacaabay Cabdi Ismaaciil Samatar Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta Musuqmaasuqa Doorashada (WQ: Cawaale)

 

Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu caan ku yahay cambaaraynta madaxweyne Xasan Sheekh. Waxanu warbaahinta wax badan ka sheegay aflagaaddo badan oo aanan weligay ka maqal qof aqoonyahan sheegta. Sidaa darteed wuxuu hadda u guntaday oo uu u yimid in haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh soo baxo uu cambaareeyo kuna sheego inuu musuqmaasuq ku soo baxay.

Haddaba ha la ogaado in aanu wax kale u iman magaalada Muqdisho. Hore waxa uu duulimaad ugu qaaday madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Rayaale oo qudbad ka jeedinayey baarlammaanka Ingiriiska oo si aan sharci ahayn uu ugu soo dhacay, laakiin nasiib wanaag dibedda looga saaray markii la ogaaday.
Waxa kale oo ka mid ah xumaantiisa wax uu ku sheegay buug uu ka qoray, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo raysalwasaarihiisii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ah farriin loo soo dhiibay oo uu taariikhda kaga been sheegay.

Wuxuu qariyey xilligii ay nimankaasi hayeen talada dalkii Soomaaliya weerarkii ay ciidamadii daraawiishtii soomaaliya ku qaadeen Dhuusamareeb iyo dagaalo beeleed laga dhex riday beelo deggenaa gobolada dhexe iyo waqooyigaba. Waa taariikh la og yahay ninka iska lahaa mas’uuliyaddeeda, waana waxaan weligeed la ilaaweyn oo qoran.Weliba waxa jira wax badan oo aanan imika halkan ka sheegayn, laakiin dadkii xilligaa joogay ay wada og yihiin.

Markaa Cabdi Ismaaciil Samatar waa qof xumaan ka samaysan, nacaybna ka buuxo. Waxa ugu wacan kursi aanu heli karin oo uu damac kaga jiro. Wax yar uun baan ka soo qaaday taariikhdii xilligaa ee uu qariyey.
Qore: Cawaale, Hargeysa, Somaliland.