Arrin ninkii lahaa lagala carrarayo, aaffaa ku qarsoon (WQ: Xuseen-Badhaani)

 

Markaad eegto bilahan u dambeeyey waxaa dibada u soo baxday arrin muddaba qarsoonayd oo ah in dawlada Imaaraatka Carrabtu ay doonayaan inay Saldhig Military laga siiyo magaalo xeebeedka Berbera.

Dalabkan Saldhiga military oo ah mid khatar badan maadaamo oo uu sameyn badan ku yeelanayo dhinaca Amniga. Dhaqaalaha, Deeggaanka, Madaxbaaninada, Arrimaha Dibbada & xidhidhka caalamka iyo waddamada jaarkaba.

Hadaba ka sakow saamayntaa aynu soo sheegnay oo u baahan in cid aqoon u lihi ay naaqishto, madmadow badan oo kale ayaa ku jirro markaad ka eegto sida Xukuumada iyo Wasiiradeeda uga warbixiyeen dalabkan saldhiga military, tusaale ahaan:

Wasiirada fool-eryaya arrinta dhamaantood waa wasiirro aanay shaqadooda ahayn laakiin hunguri hayo, iyaga oo Masuuliyiintii arrinta ay shaqadooda ahayd na ay badhkood ka dayriyeen qaar na ayna Warka ka hayn ama aan lala socodsiin ba.

Wasiirada arrinta saldhiga military u olloleynaya ee barwaaqada aan muuqan inoo sawiraya waxaa ka mid ah:

  1. Wasiirka Duulista; Farxaan A. Haybe
  2. Wasiirka Caddaalada; Axmed F. Caddare
  3. Wasiirka X. Xoolaha; Cabdilahi Daahir Cukuse
  4. Wasiirka Qorsheynta; Maxamed A. Qabbo

Dhanka kale bal eeg, Wasiirada ka dayriyey arrinta waxaa ka mid ah Wasiirka A. Dibbadda; Dr. Sacad C. Shire. Sidoo kale waxaan arrinta laba socon Wasaarada iyo Haayada ay muhiim ahayd inay shookaanta u qabtaan dhamaan hawlaha saldhigan military tusaale:

  1. Wasiirka Gaashaandiga: Axmed X. Cali Cadami
  2. Wasiirka A. Guddaha: Yaasiin Faratoon
  3. Taliyaha Ciidanka Qaranka: S/Gaas Nuux Taani

Haddaba arrintan Saldhiga military inaanay saxsanayn waxaa u cadayn ah sida loo gala carrarayo Wasiiradii iyo masuuliyiintii ay ahayd inay majaraha u hayaan haday tahay talobixin, ka warbixin iyo guud ahan heshiiskaba.

Xalaal iftiin baa la qashaaye, waxan leeyahay ARRIN NINKII LAHAA LAGALA CARARAY, AAFAA KU QARSOON.

Dillaalkaa igaga fillan

Laba daallac naasilka

Gacmihiisa dadan buu

Daabaxa ku iibshaa

Dufan hadaanu ku oggayn

Bal day inaanu qariyeen!

Maansada Duufaan.

Abwaan Xassan Ganey

Waxa qoray: Xuseen Badhaani

Hargeysa