Ururka Somaliland Y-PEER waxay kulan u qabteeen ardayda Jaamacaha kaasi oo lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka Hablaha

 

Ururka maxaliga ee Somaliland Y-PEER ayaa waxay maanta kulan u qabteen dhallinyarada Jaamacadaha kaasi oo lagu dhiiri gelinayey dhallinyarada siday ugu qayb qaadan lahaayeen xuska maalinta caalamiga ee joojinta gudniinka hablaha, xafladan ayaa waxa lagu qabtay hudheelka Summer Time qaybtiisa Green Plaza.

Musaasibadan oo ay soo qaban qaabyeen ururka Somaliland Y-PEER oo ay maal-gelisay ha’yadda Qaramada Midoobay ee UNFPA, waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi JIbriil Gaaxnuug “Buraale”, masuuliyiin ka socday UNFPA iyo Ardayda Jaamacadaha. Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Agaaasimaha ururka Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac

Ugu horeyn waxa musaabidan ka hadlay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geedi oo sharaxaad dheer  ka bixisay ujeedada munaasibadan iyo dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka hablaha, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Xuskan ayaa waxa uu daaran in aynu xusno maalinta caalamiga ah ee joojnta gudniinka hablaha, lana socoto dhallinyaradu siyaasadaha, wacyi-gelinta iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda waddanka ee ku aadan joojinta gudniinka hablaha.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Shalay waxay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu xustay maalinta caalimga ah ee joojinta gudniinka hablaha, balse Somaliland Y-PEER waxay kulankan u qabatay in ay dhallinyaradu iskeed isku wacyi-geliso, kana qayb qaateen olalaha ka dhanka ah joojinta gudniinka hablaha.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo ku soo bandhigay dhibaatooyinka gudniinka hablaha u leeyahay iyo sababaha loo sameeyo.

Sidoo waxa Dr Cabdiraxmaan ka hadlay xaalada uu waddankeena ka marayo iyo xogaha ay waxqabad ee Ha’yaddaha Qaramada Midoobay ee UNFPA iyo UNICEF ka qabteen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Guud ahaan waddankeena waxa uu ka marayaa meel aad u saraysa, Waxana aad uga shaqeeya ha’yadda Qaramada Midoobay ee UNFPA oo wax badan ka qabata haday noqoto dhinaca sharciga iyo wacyi-gelintaba.”dy

 Dhanka kale waxa xafladan ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” ayaa waxa uu sheegay in fariimaha caafimaad la wadaagaa ay muhiim u tahay bulshada, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii waxaynu nahay dad Islaam ah, dhaqan ah, wixii inaga anfaca xogta halkaa la idiinku soo jeediyo ee wanaagsa, ee caafimaad ahaan aad u wanaagsan, ee diin ahaan iyo  dhaqan ahaan u wanaagsan qaata sii xafida, la wadaagana bulshada inteeda kale iyo dhallinyarada Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Kolay Gudniinku waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka hablaheena iyo dumarkeenu ka cabanayaan fircooniga ahi waa waxyaabaha aanay diinteen ogolayn.”

Munaasibadan ayaa waxa lagu soo bandhigay xogo la wadaagayo dhallinyaradii ka soo qayb gashay. Sidoo kalena waxa munaasibadan lagu soo bandhigay Filim ka hadlaya gudniinka hablaha dhibaatada uu leeyahay.

Dhallinyaradan ayaa waxay ka qayb qaadan doonaan dadaalada lagu doonayo in joojiyo gudniinka hablaha.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=Dge9K2adXyc&feature=em-upload_owner

bandhige@gmail.com