ilaa iyo 20 qof ayaa ku dhimatay kadib markii uu qof isku qarxiyey afaafka hore ee dhismaha maxkamadda sare ee magaalada Kaabuul.
45 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxan, waxaana la arkaa in tirada dhimashada ay sare u kacdo.
Lama sheegin cidda ka danbeysay qaraxan balse hore ayey maleeyshiyaad Taalibaan beegsatey dhismayaasha maxkamadda.
Qaraxan ayaa dhacay xili ay shaqaalaha maxkamadda ka rawaxayeen shaqada.
Bishii la soo dhaafay qarax ka dhacay xarunta baarlamaanka Kaabuul ayaa waxa ku dhintay 30 qof intaa in ka badana way ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa dhacay maalin kadib markii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay ku sheegtay in dadka rayidka ah ee waxyeeladu soo gaadhay ay halkii ugu sareysey gaadhay tan iyo intii ay hay’addu billowday in ay si rasmi ah u diiwaan geliso siddeed sanno ka hor.