Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Maraykanku wuxu cambaareeyey xadhiga Afhayeenkii Xuquuqal Insaanka

 

Xisbiga Waddani laantiisa Maraykanku waxay walaac xooggan ka qabtaa xadhiga lagu kacay muwaadin Axmed Xuseen Cabdi “Dhako” ma jirto maxkamad xukuntay soo qabashadiisa, mana jirto waaran ay Booliisku siteen markii la qabanayey.

Waxaannu walaac iyo walaahow ka qabnaa hab-dhaqanka foosha xun ee Booliiska loogu adeegsanayo muwaadiniinta iyaga oo aan wax danbi ah faraha ku la jirin. Waxaannu taageeraynaa dib u habaynta Booliiska Somaliland anigoo ogsoon in la joogo xilligii ku habboonaa, in dib loo habeeyo Booliiska Somaliland. Dadka reer Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa in ay codsigooda ku biiriyaan xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ee dib u habaynta Booliiska.

Qodobka 23-aad farqaddiisa saddexaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegayaa:

Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka. Axmed wuxuu kamid ahaa urur bulsho oo ka shaqeeya xuquuqul insaanka. Xukuumadda Somaliland waxaannu ka codsnaynaa in ay xoriyadiisii u soo celiso Axmed Xuseen Cabdi Afhayeenka xarunta xuquuqal insaanka .
Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Maraykanka
Maxamed Aadan Tarabbi
Bulay571@gmail.com