Dila Ninkii Eyga Dilay (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Oday xikmad badan oo reer baadiye ah ayaa waxa uu dhalay saddex wiil iyo laba gabdhood. Reerku waxa ay haysteen xoolo Geel iyo Adhi isugu jira. Waxa kale oo reerku lahaayeen Ey si fiican loo tababaray oo reerka illaalin jiray.

Maalin ayaa mid doqon ah oo tuulada ka mid ahi dilay Eygii. Carruurtii oo aad uga xun waxa ku dhaacay Eygii ayaa u cararay dhankaa iyo aabbahood, waxa ay u sheegeen sida ay wax u dhaceen. Wuxu ugu jawaabay, โ€œ Dila Ninkii EygaDilay!โ€

Innamadii wey liqi kari waayeen tallada uu aabbahood soo jeediyey, balse waxa ay isku qanciyeen in ayna qaadan talada aabbahood maadaama uu waayeel duq ah noqday.

Muddo markii ay ka soo wareegtay, ayaa niman tuug ahi reerkii ka dhaceen geelii. Innamadii mar labaad ayay u tegeen aabbahood waxayna u sheegeen siday wax u dhaceen. Duqii wuxu ugu jawaabay, โ€œ Dila Ninkii Eyga Dilay!โ€

Markan waxa ay aammineen in aabbahood asaasaqay, oo waxba kamay soo qaadin taladii.

In yar kadib, qolo ay colaadi ka dhexaysay ayaa ku soo duulay, waxayna qafaasheen mid kamid ah hablihii. Markale ayay u carareen dhankaa iyo aabbahood, isla jawaabtii hore ayuu siiyey ee ahayd, โ€œ Dila Ninkii Eyga Dilay!โ€

Inankii ugu weynaa innamada ayaa goโ€™aan ku gaadhay in uu markan fuliyo talladii aabbihii. Wuu dilay ninkii Eyga dilay.
Arrinkii waxa uu ku faafay bulshadii oo dhan, waxa la isgaadhsiiyey ma qolada Eygoodii u aargudday, ayaa cid dhaafaysa!

Qoladii geela dhacday waxay maqleen sida wax u dhaceen, habeenimo intay soo guureeyeen ayay geelii ardaaga soo tubeen. Qoladii inanta qafaalatay iyaguna inantii ayay soo celiyeen iyaga oo weliba u soo meheriyey Suldaankooda inankiisii.

Hadda ayuunbay innamadii fahmeen in aabbahood uuna asaasaqin, balse xikmad uu ku hadlayey!

W/Q: Abdoulkarim Qurusdoon

FG: Qoraha Maqaalkan Sannad ka hor ayuu qoraalkan baahiyey maanta oo kale.