Jilaagii caanka ahaa Khadar Khaan oo geeriyooday

Jilaagii caanka ahaa ee filimada Hindida ee Bollywood Kader Khan Soomaaliduna ay u taqaanay Khadar Khaan ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala Kanada da’diisa oo ah 81 sanadood.

Khan wuxuu ku dhashay wadanka Afgaanistaan magaalada Kaaabuul. Aabihii wuxu ahaa Afgaanistaani Bashtuun ah hooyadiina waxay ahayd Baakistaaniyad. Isgoo yar ayaa
qoyskoodu u guureen Bombay haatana loo yaqaab Mumbai oo ahayd xarunta filimada Hindida, halkaas oo uu ka helay fursad uu filimada ku metelo.

Wuxuu ku fiicnaa maadda, majaajilada iyo alifaadda filimada. ย Filimkiisii ugu horreeyay wuxu sameeyay sanadkii 1973-dii filimka layidhaahdo “Daag”. Intii ka dambaysayna wuxu sameeyey ama metelay filimo caan ah qaarkoodna ay meteleen jileyaal caan ah.

Waxa tacsi u diray Raaโ€™iisal-Wasaaraha India iyo jileyaal caan ah oo ay ka mid yihiin Amitab Bachchan (Gacmadheere), Paresh Rawal, Mithun Chakraborty (Gaal-Master) oo uu filimo caan baxay u sameeyey.

Il-wadareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com