Doorashada Aagaasimaha Guud ee ururka Caafimaadka Addunka (WHO) iyo Afrika (WQ: Maxamed Faarax Shabelle)

 

Qaramada Midoobay waxaa la aas_aasay 1945-kii dagaalkii labaad ee adduunka ka dib ,waxaana lagu bilaabay 51 dawladood oo markaa ka xumaa khasaarihii uu geystay iyo dhibaatadii dhaqaale ee ka dhalatay dagaalkii labaad ee adduunka.

70-kii sanno ee u danbeeyay xubnaha qaramada midoobay wey korayeen weyna soo badanayeen sababo badan awgeed oo ay ugu weynayd xornimadii qaardeena afrika oo xilliyadii aas_aaska ka danbaysay xornimada helayay waxayna wadamada ka xubnaha ahi gaadheen 193dal,madaama dalalka adduunka badankiisu xubno ka noqdeen qaramada midoobay waxay u horseeday qaramada midoobay in ay noqoto ururka ugu caalamisan uguna muhiimsan ee dunida ka jira ,qaramada midoobay waa urur madaxbanaan aduunweynahana  u dheexeya ,waxaana awooda inta badan uu saara nabada ,horumarka iyo isku xidhka wadamada adduunka .

Qaramada midoobay waxa hoos yimaada haayado badan oo ay ugu tun weynyihiin haayadaha caafimaadka (WHO) iyo dhaqanka ,waxbarashada iyo sayniska(UNESCO).

Ururka caafmaadka adduunka (WHO) waa mid ka mida haayadaha gaarka ah ee qaramada midoobay shaqadeeduna ay tahay ilaalinta iyo ka warhaynta caafimaadka adduunka.

Waxaa la aas_aasay sannadii 7April/1948,xarunteeduna waa Geneva Switzerland,ururka caafimaadka aduunku wuxuu qayb muhiima ka yahay hayadaha horumarinta ee qaramada midoobay waana haayadadihii ulahaa ururkii guul daraystay ee Nation of leugue oo markii ugu horaysay sameeyay haayadan.

Dastuurka ururka caafimaadka adduunka (WHO constitution) waxaa saxeexay 61 waddan 22/Jully/1946 markaas oo la qabtay shirweynihii caafimaadka adduunka ,shirkani wuxuu dhamaaday 24Jully/1948,ururkani wax badan ayuu kusoo kordhiyay caafimaadka adduunka waxaanu door weyn ka ciyaaray dabarjarida xanuuno dhib badan ku hayay dadka iyo xoolahaba sida xanuunkii furuqa(xanuuna somalida aad ulayn jiray) iyo xanuuno kale oo badan,imikana ururku wuxuu ku hawlanyahay sidii uu dabarjari lahaa xanuunada la isqaadsiiyo(communicable disease) gaar ahaan HIV/AIDS,Duumada ,Ebola,TBda, sidoo kale yaraynta ama xakamaynta cudurada aan la isku gudbin(non-communicable diseases),xoojinta taranka caafimaadka qab ,yaraynta nafaqo darrada dhallanka iyo hooyada iyo soosaarida iyo diyaarinta warbixin sannadle ah.

Miisaaniyada ururka caafimaadka adduunka(budget of the WHO) waa 4billyan,xubnaha ururkuna waxay bixiyaan 930 millyan US Dollar ah ,waxaana maanta ka madax ah ururka DR Margaret chan .

Ujeedooyinka laga lahaa aas_aaska ururka caafimaadka adduunka waxaa ka mid ahaa:

  1. In uu maamulo caafimaadka adduunka
  2. In xidhiidh joogto ah la sameeyo wasaaradaha caafimaadka ee wadamada xubnaha ah
  3. In xubnaha uu ka caawiyo sidii loo kordhin lahaa tayada caafimaadka ee dalalkooda
  4. In xubnaha la siiyo adeega degdega marka ay timaado musiibo lagana hortago sida ugu haboon iyo ujeedooyin kale oo badan.

Sannadkan bisha Aprill waxaa la doranayaa agaasimaha guud ee ururka caafimaadka adduunka ,waxaana jagadaas utagaan in ay buuxiyaan lix murshax oo aanay ku jirin agaasimaha maanta xillka haysaa , waxayna kala yihiin sidantan:

  • Tedros Adhanom (Ethiopia)
  • Flavia bustereo(Italy)
  • Philippe Douste( France)
  • David Nabaro(UK)
  • Sania Nishtar(Pakistan)
  • Mikloze Szocka(Hungry)

Haddabada qaarada Afrika waxaa kaliya ee matalayaa waa DR Tedros oo imika haysta dhalashada itoobiya ,waana markii koowaad ee taarikhda ay afrika u tartamayso booskan sababo badan awgeed,hadii ay qaaradenu hesho booskan waxaa qaarada usoo kordhaya horumar balaadhan oo xagga caafimaadka ah ,waxaana laga yaaba in la cidhibtiro umulraaca hooyooyinka ,nafaqa darrada dhallaanka ,fiditaanka HIV/AIDS iyo indho laaanta baahsan ee ka jirta qaaradeena ,adduunka kalana waxay unoqonaysaa in loo sinnaaday qaramada midoobay oo cid waliba kusoo hiran karto.

Waxaa farxad u ah dhamaan dadka qaaradeena in uu murashax afrikanka ahi hogaaminaayay saadasha codadka la qaaday oo laga qaaday dhamaan xubnaha ururka caafimaadka adduunka ,sababaha ugu badan ee uu ugu guulaystay codadka saadasha ayaa waxaa loo malaynayaa qudbadii wanaasan ee T edros ujeediyay xubnaha ururka oo taabanaysay boogaha caafimaad ee dhamaan wadamada xubnaha ka ah ,inkasta oo aan qudbadiisa aanay ku badnayn dhibaatada nafaqa darrada iyo dhimashada dhallanka iyo hooyada ee qaaradeena afrika .

Maanta afrika wey baraarugtay waxaana laga yaaba in Tedros uu noqdo agaasimaha guud ee ururka caafimaadka adduunka taasina waxay qaaradena u horseedi doonta in ay hogaan unoqoto aduunyada kale tobanka sanno ee soo socda

 

Waxa Qoray: Maxamed Faarax Shabelle