Guud ahaan soomaalidu waxay taariikh wanaagsan ku leedahay xallinta khilaafyada lasoo gudboonaada, sida ku cad erey bixinta garta soomalida oo ay ka mid yihiin; Garnaqsi, qadaf, qabno, qoomaal, muduci, mudaacalay, garley, garawsiin, cinbasho, igmad, mudaysi, kiil-qaate, maluug, didiif,feenis,dhaweeye iyo dhammeeye.Waxaanay lahaayeen hannaan loo raaco dacwadaha dhex mara soomalida. Guud ahaan waxyaabaha laysku qaban jiray waxay ahaayeen saddex nooc oo kala ah ; Qadaf (Gef), qabno (Adduun) iyo qoomaal (Dhiig).
Sidoo kale waxa jiray noocyo badan oo garta dhaqanka loo qaadi jiray waxaana kamid ahaa; Garta xeer beegti(Gar-xisdi),gar shareeco, gar booli, gar jilleed, gar kala dareeris, gar muslax(Dhexdhexaadis), gar dadban iyo gar cadaawe.Waxaana markhaatiyada gartu ahaayeen noocyo ay kamid yihiin; Markhaati xog-ogaal, markhaati shareeco, markhaati xeer -beegti,markhaati if ma doon, kuwaas oo la cuskan jiray marka garta la qaadayo.
Dhanka kale waxa jiray waxyaabo aad ku garwaayi karto marka la joogo goobaha garta lagu naqayo sida; Afwaa (Hadal garanwaa), Habrasho (Dhiirasho la’aan), cadayn la’aan iyo eexasho ( Cadaalad darro).
Ugu danbayn waxa jira buugaag laga qoray garta dhaqanka somalida oo uu kamid yahay midka uu qoray C/salaan Max,ed Xirsi(Ina Caaradhuub) oo si wanaagsan u lafa guraya garta dhaqanka iyo xeerarka soomaalida.
W/Q Yuusuf Muuse C/Laahi( Eng.Amuur)