Hibada qoraalka oo ah xirfad la barto iyo dabciga qoraaga, waa laba arrimood oo kala duwan. Tusaale ahaan, maqaal quruxbadan qoraal ahaan oo u yaala si farshaxannimo leh ama shuruudihihii buuxiyay, laakiin aan kuu cuntamayn sababo diidmo dareen oo dhaqan ahaan aan wanaagsanayn, ka hor imanaya dhoowrsanaan iyo mid taariikh ummadeed, waxay ku tusaysaa hab qoraalka iyo mucda qoraalku inay kala duwanaan jiri karto.
Gudbinta qoraagu waa laba midkood, inuu gudbinayo wax qurux badan oo isagu aanu weligiis samayn ama kariwaayay, laakiin dadka la jecelyahay inay guntaan. Markale qoraagu si uu xiiso ugu sameeyo waa tebiye dhacdo dareen abuuri karta, dadka badhkeed soo jiidata laga na yaabo inay qaarkale ka cadhaysiiso ama kasoo curatay arrimo maankiisu tabayo oo harraadkii ayu qoraagu la dayaaysanyahay, in muddo ah na halkan ayuu qoraagu ku biyo-dhigay si’ay dadku uga cabbaan harraadka na uga ciirsadaan baahida loo qabo mawduuca qorraagu lafo-guray.
Qoraalkaasi, waxa u dhadhamaya xarreed ama dhadhan qallafsan oo qadhaadh, waa wada biyo labadu ba ama waa wada qoraal qurux badan ee waxa kala beddelay qaybta dareenkaaga u qaabbilsan dhadhanka ama u qaabbilsan dareenka damiirkaaga ee kala saaraya qoraalka quruxda badan iyo ka aay hurgumadu dhex fadhido.
Biyo waa biyo uun kana kooban HO2 laakiin dhadhanka iyo maankaaga ayaa kala haga, qoraal na waa hab shidaal uu shido quruxdiisa qoraal laakiin, nuxurka u xambaarsanyahay ayaa kala haadsha.
Sidaan kor kusoo sheegnay, qoraalku waa xirfad, halka abuurta dabciga dadnimo ay tahay waxa qofka ku tallaalan sida: cadhada badan, cayda, baahida jinsiga iyo IWM. Waa na sababta keenaysa in qofku dhanka qoraalkiisu u janjeedho xagga dareenkiisu jecelyhay.
Xasan Cabdi Shire