Farmaajo is daldalaad siyaasadeed buu sameeyey (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Aduunyadda marka laba wadan khilaaf dhex galo , waxaa caado ah in wadan sadexaad dhexdhexaadiyo , wadankaas sadexaad ayaana gogosha dhiga laggu wada hadlayo oo gurigiisa shirku ka dhacaa , gogoshaas qudheeda ayaana leh dariiqo diblamaasiyadeed oo loo marro oo ah dhaqan soo jireena .

Sidda aynu sooyaalka ku aragnay , Wadanka laba wadan dhexdhexaadinayaa ayaa Wasiirkiisa arrimaha dabadda a u dira caasimadaha labada wadan ee is haya , ka dibna fariinta uu wadankiisa ka siddo ayuu gaadhsiiyaa , fariintaas oo ah gogol xaadhka labada wadan kulankooda , marka la isla ogolaadana waxaa shir laggu qabtaa Caasimadda Waddanka wax dhexdhexaadinaya .

Hassa yeeshee arrimaha shalay ilaa caawa ka dhacaya Adis ababa waa kuwo aan waligood la maqlin , waa midde Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Kenya ayaa shir ku qabsaday Etoobiya , shirkaasna Somaaliya ma joogin , maalin ka dib shirkii labdaas wadan ayaa Madaxwayne Farmaajo soo gaadhay Adis ababa galabta , isla galabta isagoo la socda Diyaarad Itoobiya leedahay , oo uu wato Raysal Wasaaraha Etoobiya ayuu ka degey Nairobi .

Imisa qalad ayaa halka ku jirra ,

1- Maanta ayuu Adis ababa gaadhay casarkii ,

2- Caawa ayaa hadana Nairobi loo duuliyey ,

3- Wadankii dhexdhexaadka ahaa ayaa wada oo u gaynaya wadankii ay is hayeen .

4- Shirku waxuu ka dhacayaa Nairobi oo ah caasimada Kenya , farmaajana wuxuu marti u noqonayaa madaxwaynihi ay badda ku muran sanaayeen .

waxaas oo khalada oo Farmaajo galay na laguma sheego karo farsamo xumo iyo diblomaasiyad la’aan hassa yeeshee waa khaladaad siyaasadeed oo la galo kuwii ugu xumaa kuwaas oo afka qalaad laggu yidhaahdo is deldelaad siyaasadeed ( Political suicide ) .