Qofku marka uu dhameeyo heerka koobaad ee marxalada Jaamacada waxa uu xaqiiqsadaa in uu aqoon ahaan wali bilow yahay, laakiin waxa uu awoodaa in uun isagu wax isasii baro, waa hadii uu kasbaday agabka aqoon raadiska.
Heerka koobaad marku qofku ka gudbo waa in uu laba Aag-aqooneed oo isu dhow si fiican ula socdaa. Aaga takhasuskiisa (field of specialisation) iyo aaga xiisaynta aqoonta (field of interest). Tusaale ahaan qofka takhasuskiisu tahay maamulka iyo maaraynta “Adminstration and management”, waxa fiican in uu aqoon fiican u yeesho Aaga cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiga (Sociology and Psychology). Waa aqoono si wayn isugu xidhan oo isasaameeya, inta badana Maaraynta iyo Maamulku waxay kasoo fufaan dersida hab dhaqanka bulshada iyo dabeecadaheeda.
Waxaa taasi la mid ah howl-wadeenada caafimaadka sida dhakhaatiirta, kalkaaliye yaasha iyo kuwa lamidka ah. Waa in ay la socdaan wixii aqoon ah ee kusoo kordha Aag-aqooneedka ku dhowdhow takhasuskooda.
Arinkani waa mid imika aduunka aad loogu dhiiri geliyo aqoon yahanka, waxa la tajribeeyay in qofka aqoon fiican u leh aag ka baxsan takhasuskiisu uu ka wax soo saar fiican yahay qofka ku kooban takhasuskiisa uun, Waxa kale oo la ogyahay in qofkaasi ka bulshaawi san yahay, ku wanaagsan yahay xalinta mushkiladaha lasoo dersa, isla markaana ka maskax furan (open-minded) yahay qofka ku kooban takhasus gaar ah.
Ma fiicna in qofku mowduuc kasta oo lasoo qaado uu inyar ka tuurto, aqoontiisuna noqoto mid sarka-xaadis ah oo sii gun dheerayn, Waa in uu ku dedaalo in uu aqoon dhab ah u yeesho takhasuskiisa iyo Aag keli ah oo uu xiiseeyo, inta kalena dhegayste ka noqdaa.
Sida caadadu noqotay, inta badan marka dhalin yartu shahaadada jaamacada qaadato waxay dhigaan buuga, way is cajabiyaan taasina waxay keentaa in qofkii intii yarayd ee uu kasbadayna ilaawo, qab aqoon yahannimo oo aan run ahayni na galo. Taasi waa ta keentay in in badan oo dhalin yaro lagu tirinayo in ay wax barteen ah, fikirkooda iyo garaadkoodu aanu waxba kaga duwanayn muwaadinka ummiga ah ee suuqa jooga.
Aqoon korodhsigu ma dhamaado, xiligan aynu joogno samaynta aqoontu waxay ku socotaa xawaare aad u dheeraynaya oo ay adagtahay in lala jaan qaado. wixii aad toban sano ka hor baratay maanta inteeda badan waa ka kac (obsolete), aqoonta aad maanta baranayso waxa laga yaabaa in laga guur mudo yar ka dib, taasi waxay waajibinaysaa in aanad qalinka dhigin ee aad gacanta ku hayso.
Xirfadaha daruuriga ah ee ay tahay in aad yeelato si aad si madax bannaan isu wadi karto waxaa ugu horeeya, xirfada helida xogta saxda ah (the skill of correct Data gathering) iyo gorfaynta xogta ee naqdiga ku dhisan (critical appraisal of data), labadan arimood waa agab muhiim ah oo kuu saamaxaya in aad kala shaan dhayn karto xogta aan xuduuda lahayn ee aad la kulmayso. waxa kale oo aay awood kuu siinaysaa in aanad noqon qof caadifadu hogaamiso oo saacadii toban jeer ra’yigiisa iyo aragtidiisa bedela; qof cidkasta la ra’yi ah, qofkastaana jihayn karo.
Maqaalka qaybta danbe waxaan kusii sharaxi doonaa xirfadahaas iyo sida aad u kobcin karto.
la soco Qaybaha Dambe