Wasiirka Cadaalada Jsl ayaa maanta Furay billaha ah ee ee daneeyayasha bahda caddaaladda carruurta jsl

Wasiirka Caddaaladda JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye ayaa maanta furay shirka bilahaa ee daneeyayasha bahda caddaaladda carruurta JSL (Justice for Children Thematic Working Group) shirkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Caddaaladda Carruurta iyo Haweenka ee Wasaaradda Caddaaladda ayaa lagu lafa-gurayey qodobo dhawra kuwaas oo kala ahaa

1. In Wasaaradda Caddaaladu warbixin kooban ka siiso kasoo qayb galayaasha da’ayarta sharciga kilaafta ee ku xidhan saldhigyada iyo xabsiyada dalka xaaladooda

2. Xeer-ilaalinta qaranka aya iyaduna halkaas kusoo bandhigtay kiisaska carruurta ee soo galay xafiiska tiradooda.

3. Waxaa la iska xog wareystay horumarka laga gaadhay ilaalinta xuquuqda carrurta sharciga khilafta, sidoo kale caqabadaha jirana la iska waraysto sidii xal loga gadhi lahaa.

Ugu danbayn waxaa la isla qaatay qaabkii loo xalin lahaa caqabadaha jira iyo sidii looga wada shaqayn lahaa adeegyada kala duwan carruurta sharciga khilaafta, isla markaasna loo midayn lahaa Forms ay xogta kusoo uruuriyaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya carruurta sharciga khilaafta.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Hay’addaha UNDP, UNICEF, CCBRS,SONYO, UOH LEGAL CLINIC, MOI,MOH,AG,SHRC, CSOs,HJC COMMUNITIES

Bandhige@gmail.com